qoraal2Dhalinyaro, Mise Dhalinyaro Dhaaf?

In muddo ah waxa dhegaha iyo indhaha bulshada ku soo noq-noqonayay oo war-baahinta televisionada laga daawanayay, rag lagu sheegayo in ay yihiin dhalin-yaro oo run ahaantii muuqaalkoodu tilmaami karayo in ay da’da 40 ka ay gaadheen ama ka gudbeen.

waxa is waydiin mudan da’dee carruurnimo ah, da’dee qaan-gaadh ah, da’dee dhalin-yaro ah, da’dee da’da dhexe ah, da’dee da’ wayn ah. Sida muuqata waxa si aad ah isugu khaldamay da’dii dhalin-yaronimada iyo da’dii ka weynayd ama da’dii dhexe.

Cimriga ummadda Nabi Muxamed (csw) waxa cel-celis ahaan lagu sheegaa in ay tahay 63 sannadood oo ah da’dii uu Nabi Muxamed ku geeriyooday ee cimrigiisu ku ekaaday. Inaga oo ka duulayna da’daa 63 ka sanno ah waxa aynu u qaybin karnaa shan qaybood kuwaas oo kala ah
Dad’da carruutnimada oo iyadu u sii kala qaybsamaysa dhowr marxaladood oo kala ah
Da’da mujada
Da’da dhalaanimada
Da’da carruurnimada
Da’da kurayga ama dhoorayda

Da’da  Qaan-gaadhnimada
Da’da qaan-gaadhnimada  15
Da’da kuray xooglaha   16-18
ama dhoorayda 12-15

Da’da dhalinyaronimada

Gaashaan qaad  (Dhalin-yaronimo) 19-39
Gashaanti   15 iyo waxii ka wayn      

Da’da dhexe oo ah 

Da’da xil-qaadka  40 iyo wixii ka sareeya
Da’da waa wayn
Da’da sama-taliska  60 iyo wixii ka sareeya
Sida da’ahaasi aynu ka fahmi karno mid walba waxa ay leedahay wakhti sanado cayiman ah oo uu qofku ku jiro. Maraaxishaas kala duwan ee uu marayo beni-aadamku waa wax ilaahay sidaa u qadaray.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan wax-barashada, sayniska, dhaqanka iyo raadraaca cilmiga aasaarta waxa ay dhalinyaro u aqoonsatay  inta u dhaxaysa da’aha 15-24.
Halka ay iyaguna qolada loo yaqaano cahdiga dhalinyarada Africa (African youth charter) ay u aqoonsadeen da’da dhalinyaranimo in ay tahay inta u dhaxaysa 15-35 sano. Da’da dhexena u aqoonsadeen 40-59 sano halka ay da’da wayn uga aqoonsadeen 60 ama 65 ilaa wixii ka sareeya.

Sidoo kale waxa diinteena suuban la inoogu sheegay in dadka jannada ilaahay galiyo da’dooda laga dhigayo dhalin-yaro. Cimrigoodana noqonayo 30 ama 33. Waxa aynu tanna ka fahmi karnaa in da’da dhalin-yaronimadu ay tahay da’da ka hooseysa 40ka.

Haddii aynu dib ugu noqono shuruucdeena inoo dejisan  waxa aynu si fiican uga dheehan karnaa sida cad ee ay u kala saareen da’aha. Tusaale ahaan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo gudiyadda deegaanka – xeer lr – 20/2001 iyo wax ka beddelkiisii 2009 iyo 20010 qodobkiisa 33 faqraddisa 4aad, waxa uu qorayaa, da’da isu sharaxi karta golayaasha deegaanka oo ah 25 sano wixii ka bilaabma. Tani waa si loogu fududeeyo dhalinyarada somaliland ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

dastuurka jamhuuriyadda somaliland waxa uu isna qorayaa qofka isu sharaxaya kursiga baarlamaanka in aanay da’diisu ka hooseyn Karin 35 sano iyo wixii ka sareeya, halka qofka isu sharaxaya kursiga madaxweynaha isna laga rabo in ay da’diisu ahaato 40 sano iyo wixii ka sareeya.  xeerka caruurta ee somaliland waxa isna laga dheehan karaa qodobkiisa 10aad faqradahiisa 10.2 iyo 10.3 cidda carruur ahi in ay tahay ilma kasta oo ka yar da’da qaan-gaadhka oo aan masuuliyad dambi yeelan karin. Isla xeerkan da’da masuuliyadda dambi ee ilmaha waxa uu ku sheegay in ay tahay 15 sano. balse aan dhamaystirnayn.

Sidoo kale xeerarka shaqaalaha dowliga iyo rayidka labadaba waxa ay iyana si aan mad-madow ku jirin u sheegeen da’da howlgabka oo iyaduna ah 55 sano.
Haddaba sida ay da’ahaasi u kala saareen dastuurka iyo xeerarka kale ee aynu soo sheegnay waxa aynu si hufan uga fahmi karnaa shanta qaybood ee aynu u qaybinay da’aha qofka beni-Aadamka ahi  maro. kuwaas oo aan midna midka kale ku khaldami Karin. Da’da caruurnimo waxa aynu ka fahmi karnaa in ay tahay ilmo kasta oo ka yar 15 sano in uu yahay carruur, da’aha 15-35 ilaa 39 waxa aynu ka fahmi karnaa iyagana in ay yihiin da’da dhalin-yaranimo. Sida oo kale da’da 40 ka waxa aynu iyana u qaadan karnaa in ay tahay da’da dhexe ama da’da qofka beni-aadamka ahi uu kaga gudubay da’dii dhalin-yaranimo uguna gudbay wejigii saddexaad ee nolosha cimirga ummadda Nebi Muxamed (CSW) oo ah  Da’da kaliya ee uu ilaahay ku xusay quraankiisa (CW) suuradda 46 aad aayadda (15) ama (suuratu alxaaq aayadeeda 15). Halka da’da 55 ka sano aynu u qaadan karno in ay halkaasi ka bilaabato da’da wayni.

Haddaba sida wakhtiyadan  dhacday waxa aynu warbaahinta dalka kala soconay rag uu madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland u magacaabay xilal sare oo run ahaantii qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin rag dhalin-yaro ah. balse kuwo kale oo iyagu ka baxsan da’da dhalin-yaro loo samaynayay xaflado ujeedadoodu ahayd in ay yihiin xubno dhalin-yaro ah oo uu madaxweynuhu magacaabay taas oo run ahaantii keenaysa in ay isku khaldamaan da’dii dhexe ama da’dii masuuliyadda iyo dhamaystiranka.  iyo da’dii dhalin-yaranimo. Marka aan lee-yahay da’dii masuuliydda iyo da’dii dhamaystiranka waxa aan uga jeedaa in ay da’dani tahay da’da ay joogsadaan dhammaan wixii koriin ah ee uu qofka beni-aadamka ahi soo sameynayay muddadii  39 ka sano ahayd ee ka horeysay. Wakhtigan garaadku waa uu buuxsamaa. Waxaana si fiican inoogu caddaynaysa aayadda quraanka ah ee aynu kor ku soo xusnay  46(15) iyo wakhtigii uu ilaahay Nebi Muxamed risaaladda ku soo dejiyay oo ahayd da’dan 40 ka sano ah.

Guntii iyo gaba-gabadii waxa aan lee-yahay yaanay isaga keen khaldamin cimrigia ilaahay ina siiyay.
Garyaqaan/Ustaad:
Mohamed Ahmed Muse
Email: awliyo66@hotmail.com
mohamedtawakal83@gmail.com
mawliyo@yahoo.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *