images/stories/ahmed arwo1.jpg  muddo dheer aan ku soomin hoygayga Hargeysa ayaan sanadkan fursad Alle ii siiyey inaan ku cibaadaysto dalka hooyo, gaar ahaan Hargeysa. Waa sanad barwaaqo oo maalintii aan la arag habaaskii xagaaga, iyo kulkii duhurka, naacow qabow iyo dal nabad iyo deganaansho ku helay isbedel xukuumad loo han-weyn yahay,  waxa hoos u dhacay

 hirdankii siyaasadda iyo xamaasadii isbedl doonka oo ku biyo shubatay guushii himmilada dadweynaha.  Niyad samida shacbiga iyo quluubta midowday, ayaa Allana ugu roonaaday nimcada samada iyo baadka dhulka. Waxa kul laga dareemaa Hargeysadii hore iyo faras magaalaha oo dad buux dhaafshay, bacadlahana aad moodo suuqii Jidda ee Suuqul Nada oo weliba ka camiran. Waxa kulka iyana ugu wacan iyadoo buurihii oo dhan la degay oo naacowdii laga qabsaday.

Hargeysa waxa camiray masaajid tiro badan oo meel kasta aad ka maqlayso ugu yaraan eedaanka shan masjid. Waxa ka socda xuskii ramadaan oo cibaado salaadeed iyo quraan akhris ay weheliso duruus joogta ah. Waxa la aloosay hab lagu quudiyo masaakiinta oo afurka waxaad arkaysaa masaajidda oo afur lagu daabulaayo.  Waxaa suuqa buux-dhaafsay soorta u gaarka ah Ramadaanka, sida timirta, saanbuusaha iyo quraaca. Waxa yaraatay shurbadii karaaciinka lagu samayn jiray oo ahayd raashin aad u macaan. Waxa lagu bedelay casho bariis iyo baasto iyo hilib joogta ah. Ma dhaqaalaha oo hagaagaybaa, mise waa dhaqan ka yimid dhulkii loo qaxay?

Waxa la yaab ah in dadka camiraaya masaajiddu tahay intooda badan oon ku qiyaasi karo 80-90% dhalin ka yar labaatan jir. Waxa raacda in iimaamadu laftoodu u badan yihiin dhalinyaro. Waa mahad Eebbe, oo waxa cad in mustaqbalka diiinteenu tahay mid sugan. Waxaan se is-weydiiyaa mee dadkii waaweynaa?
Waxa taasi i xusuusisay in dalkani soo maray dagaal dawladi kula kacday dadkeeda oo kumaankun ay ku nafwaayeen. Waxa ka baxay dalka jiilal dhan. Waxa se  ku farxaysaa sida tacliinta, iyo diinta loogu heelan yahay.  Salaad kasta waxa raacda qudbado gaagaaban oo leh hadaf cad oon leexleexad lahayn, si dadku u qabtaan waxa loo sheegaayo ee Alle cabsi iyo marinka toosan ah.

Waxa xigta quraan akhris u badan casarka iyo maqribka dhexdiisa. Waxaad arkaysaa dadka oo kolka ay afuraan u qulqulaaya salaadda maqrib inay jamac ku tukadaan. Waxa taas suurtagal ka dhigtay tirada masaajidda oo ruux waliba gaadhi karo. Taasi waa mid aan jiri jirin oo Alle lagu mahadiyo. Waxaad arkaysaa dad laasimay inay waqtigooda ku dhammaystaan masjidka dhexdiisa oo kolkaaba bilaaba quraan akhris. Waxa cishaha xigaa waa salaadii taraawiixda oo ay hogaaminayaan dhalinyaro xafidsan quraanka oo gaadhay darajo ay soddonka jis ku dhammeeyaan salaada taraawiixda ee bishan ramadaan. Waxa qiime gaar ah leh, in inta taraawiixda oogaysaa u badantay dhalinyaro.

Lagama tegin dumarka ee waxa jira in masaajid badani u xidhay meel gaar ah oo dumarku camiraan. Waa kheyr soo kordhay iyo karaamo la siiyey diinteena macaan. Waxa barbar socda barashada quraanka iyo taxfiidiisa oo dumar iyo ragba loo guntaday.
Waxa la galay ictikaaf iyo tobankii habeen ee dambe. Waxa salad loo baxaa 2.00 subaxnimo iyadoo la tukado ilaa wax yar oo suhuur loo joojiyey, kana horeysa daakiraadda salaadda subax. Waa isla sidii oo ictikaafka waxa u badan iyana dhalinyarro.
Waxa yaraaday dawarsigii oo sadaqadda oo badatay iyo quudinta masaajidda iyo guryahaba ka socota ayaa yareysay. Waxa camirmay suuqii oo habeenkii meel la kala maro la waayey, gaar ahaan ayaamahan dambe. Waxa mahad leh xukuumadda oo bixisay musharooyinkii shaqaalaha oo muddo bila ah laga sugaayay xukuumaddii hore. Waxa hoos u dhacay qiimaha doolarka, ayaan darro se ascaartii mey jabin ee weyba sii korodhay sabab la’aan. Inkasta oo ganacsatadu ka faa’iideyso lacagta badan ee suuqa soo gashay, waxay ahayd in doolarka dhacay uu hoos u rido ascaarta. Suuqu se ma naxo oo waxa xukuma dalabka kolba jooga.
Dalka waxa ka muuqda raxmad iyo qabow ka dhashay quluubta qushuucsan ee wada jirta, iyo barakada eedaanka aan meelna ka maqnayn, masaajidda dhalintu camirtay, dumarka xijaaban iyo taxfiida quraanka ee da’ walba leh. Waxa la oogay tartanka quraanka oo masaajidda laga dhigay. Waxa la baxshay baadifad iyo shahaadado lagu dhiirigeliyo xafidka quraanka kariimka ah.

Haddaba waxbaan is-edelin waa Idaacadda Hargeysa oo weli xiliga afurka u badan heesihii diiniga ahaa ee lixdanaadkii. Waxa si gaar ah qalbiga u galaaya Sheekh sancaani Alle ha u naxariistee iyo codkiisa dahabiga ah ee uu ku luuqeeyo YAA TAWAAB TUB CALAYNAA… taas oo afurka ka horeysa. Waxase qushuuca iimaanka dhooqeeya miisigii lagu sugi jiray eedaanka. Waxa habbooneed in taas laga saaro oon Sheekh Sancaani iyo eedaanka waxba u dhexayn.  Waxa iyana habboon in eedaanka ka din la saaro 5-10 mirir oo quraan ah, oo laga nasto miisiga kolkiiba lala soo boodaayo.  TViiguna waa la mid oo xiliga loo baahan yahay qushuuc ayaa qasaa’id iyo heeso laga saaraa.

Waxaas oo nicmo ah waxa lagu gaadhay amniga iyo nabadda dalka ka jirta, waana waajib dhammaan ina saaran inaynu u darbanaano ilaalintiisa, oo aynu meel uga soo wado jeedno xukuumad iyo shacbiba, indhaheena furno oon ka digtoonaano in holaca hareeraheena ka bilbilaaya ina soo gaadhin, iyagana uga ducayno in Alle ka dul qaado oo nabad iyo deganaansho siiyo. Wax kasta oo wanaag ah waxa lagu helaa kolka nabadda la xasiliyo, sidaas darteed ayaa diinteenu tahay Islaam oo waa nabad doon, waana waajib diiniya inaynu nabadda ilaalino.

Kolka addoonku Alle u noqdo, Alle waxuu siiyaa nabad, deganaansho iyo naruuro. Intaasiba wey ka muuqataa Hargeysa oo barwaaqo iyo cibaado igu soo dhoweysay.

Alle haynaga aqbalo soonka, dambigeena ha dhaafo, hayna gaadhsiiyo sanado badan oo cibaado ah.
Ku sagooti ramadaan soon, ictikaaf, salaad, iyo quraan akhris.
Tan iyo kulan kale, Insha Allah.

Axmed Carwo
Hargeysa 409 64 21
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *