Fallo By, khalid Xabsi

images/stories/khaalid xabsi.bmp Toddobaadkii hore  ayey ahayd markii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo uu Magacaabay Badhasaabada Gobalada Saxil,Sool ,Maroodi jeex , Togdheer ,Gabiley ,Hawd, Sallel, Sanaag, iyo Saraar.Iyadoo  gobalka Saaxilna loo magacaabay Maxamuud Cali Hayste oo ku magac dheer  (Ramaax), kaas 

 oo ah shaqsi deegaan ahaan ka soo jeeda  Degmada Sheekh oo  hoos timaada Gobalka Saaxil. Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gobalka  Saaxil ayaa wakhtiyadii u danbeeyay ku maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan cariga maraykanka,  laakiin taa macneheedu maaha in aanu aqoon u lahayn bulshada iyo deegaanka loo magcaabay, balse waxay dadka aqoonta u lihi tilmaameen inuu yahay Nin bulshada ku dhaqan magaalada Berbera  aad u kala yaqaana oo wakhtiyo kala duwan ka soo shaqeeyay  ganacsiga gaar ahaan  Baayacmushtariga xoolaha oo uu ka dhoofin jiray marsada BerBera xiliyo hore. 
Hase yeeshee  magaalada Berbera oo ah isha   dhaqaalaha ugu badan  uu ka soo galo Somaliland ayaa  ka aradan dhinacayo badan oo ay ugu weyn yihiin baahiyaha aasaasiga ah, sida Waxbarshda iyo Caafimadka oo ah shayga kaliya ee  gobal ku horumaro.  Xaga nabadgalyda waxa uu gobalka Saaxil ku jiraa gobolada ugu amniga badan  Somaliland .Guddoomiyhii hore ee Berbera, Maxamed C/laahi oo waqti badan ahaa Guddomiyha Gobalka Saaxil ayaa intii u ku fadhiyay kursiga looga arrimiyo Gobalka shacabka reer Berbera ku dhaliili jireen wax qabad laan  Dhinacyo  badan  leh oo ay ka mid  yihin horumarkii iyo   waxbadkii gobalka oo u gabay ,awoodii maamul oo  gacanta uu u galiyay masuuliyin  kale,waxaana ay  shacabka reer Saaxil ay aad u soo dhaweeyen isbadalka ka dhacay maagaalo xeebeeda Berbera oo ay daashadeen dhibaatoyin badan oo aafeeyay dad badan oo dan yar ah oo  ku nool Berbera  iyo guud ahaanba gobolka.
Sidaa awgeed waxa loo bahan yahay Guddoomiyha cusub ee xiligan inuu ahmiyda saaro wax qabad la taaban karo , marar badana waxa ka dhacay Gobalka Saaxil  mudaharaadyo dhawr ah oo soo noqnoday,  kuwaas oo salka ku hayay arrimo la xidhidha Xaga arrimaha bulshada sida  Wershedii Sibidhka oo ay xukuumadii Rayaale  doonaysay inay iskaraab ahaan uga dhoofiso dalka,  taasoo dadka reer BerBera  ay ka war heleen waxaanay kaga hor tageen banaanbaxyo ay ka  sameeyeen wadooyinka kaas oo socday saacado dhawr ah aakhrkiina loo guntaday sidii loo damin lahaa xiisadaas iyo mid lagaga cabanayay xaga qiimha doolarka.
Haddaba Guddoomiyha Cusub  ee Gobalka Saaxil  waxa u yaala hawlo badan oo ay  mid  mid  yihiin 1-horumarka Gobalka oo u wax badan ka qabto  2- nabadgalyda  oo u adkeeyo  3-in uu wax weyn ka qabto wadooyinka burbursan ee dhexmara magaalda 4-in uu degaamada hoos yimaada Gobalka ka sheeqeyo isku xidhkooda 5- nadaafada Gobalka oo liidata wax weyn ka qabto 6- shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada ku nool gobolka Saaxil iyo arrimo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa sida uu arrimahaa iyo kuwo kale oo ka jira deegaanka uu wax uga qabto Badhasaabka cusub, iyadoo xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee magcawday xiligii Ololaha doorashada balan qaaday inay dhibaatooyinkaa adeegyada Bulshada wax ka qabanay.  
 
 
 
 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *