Faallo By, Khaalid Xabsi
 Golaha Guurtidu wuxuu ahaa gole manfac ahaan iyo magac ahaanba in badan loo hanweynaa oo mararka qaar ahaa, ama u muuqday xiliyo hore   xabagta isku haysa dalka oo dhan , lakiin maanta waxay meel mariyeen go’aan   canbaar ku noqn kara,

ama ku  keeni kara geedi socodka dimuquradiyadeed ee ay Somaliland muddo  badan ku soo caano maashay  . saxiibo badan oo ay somaliand  ku leedahay  dunida ayaa suurt gal ah  inay halkaas ka kulanto caqabado badan oo xagga diblamaasiyada ah  .
 
Golaha Guurtida ayaa  muddo badan ka soo shaqaynayey nabada dalka, balse sanadii u danbeeyay goluhu wuxuu ahaa magac u yaal, iyadoo ay isugu hadheen kooxo cusub oo dhaxlay kuraasta iyo tiro yar oo fara ku tiris ah oo ka hadhay xiliyadii golaha guurtidu uu ahaa gole guurti.  sidaa awgeed   maanta waxa loo arkay kuwo aan mar naba ka talin karin nasteexada ummda iyo dalkaba, waxayan markii  la maqlay in ay  muddad u kordhiyeen  Golyaasha Deeganka , Wakiilada iyo mudadad ay iskugu kordhiyeen iyagu,  taas oo shacabka inooda badani ay ka biyo dideen mudda kordhinahaa.
 
Golayaasha Deegaanka  oo iyagu muddo dhaafay in ay tahay sharci daro , balse  ta Golaha Wakiilda ayaa loo cabiri karaa   inay ku haboon tahay muddo kordhin loo sameeya duruufo jira awgeed  . mudo kordhintan ay Guurtidu isku kordhisay ayaa ah mid sharci daro ah,  iyagoo marar badan oo hore  isu  kordhiyay.
.Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo warqadii ay  u soo qortay shirgidoonka Golaha Guurtida ee ahayd in ay ka soo talo bixiyaan mud kordhin loo sameeyo Golayaasha Deeganka ,
 
Wakiilada ayaa  loo turjuman karaa inay tahay cimri dherer loo samaynayo Golayaasha aynu soo sheegnay ,waxana  loo arki karaa xeelado cusub oo ay maagan tahay Dawladan Cusub ee aan wali si fiican cagaha isugu  taagin . wakhtigii Xukuumadii dhacaday ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  xisbiga kulmiye markii u mucaaradka ahaa inta badan wuxuu  ku doodi jiray in mudo kordhintu   ay tahay xaaran oo aan wafaqsanay Dastuurka iyo Qawaniinta u degsan Dalka  , imika oo ay xukuumada Siilanyo dalabatay in mudo kordhin la sameeyo  ayaa waxay shacabku iswedinkaraan  maxaa xisbigii wakhtiga badan ka biyo diidi jiray mudo kordhinta uu maanta u ogolaady .
 
By Khalid Xabsi
khalidxaabsi6@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *