Sheekh(ANN) Xaflad ballaadhan oo lagu furayey xafiiska cusub ee xarunta Shirkadda SOMTEL ee degmada Sheekh, ayaa lagu qabtay shalay xarunta SOMTEL ee magaaladaa. Munaasibadda

furitaanka xafiiska

labaad ee SOMTEL ka hirgelisay degmada Sheekh oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay maareeyaha madaxa shaqada iyo hawlgalinta Mr. Cawil Saaxa Cabdi, madaxa xidhiidhka iyo horumartinta gobollada Mr. Aadam Cabdillaahi Cabdalla iyo guddoomiyaha shirkadda SOMTEL ee degmada Sheekh Mr. Cabdiqaadir Cabdillaahi Yaasiin [Baashe) iyo weliba marti-sharaf kale.

Waxa kaloo xafladdaa ka qaybgalay Maayarka Degmada Sheekh Mr. Ibraahim Cabdillaahi Cabsiiye, masuuliyiinta kalee maamulka dawladda Hoose, qaybaha kala duwan ee bulshda degaankaa sida haweenka, oday- dhaqameedka iyo dhallinyarada iyo dadweyne kale.

Adeegyada cusub ee shirkadda SOMTEL ka hirgelisay degmada Sheekh waxa ay ka kooban yihiin telefoonnada Mobile-ka ee gacanta lagu qaato iyo kuwa xafiisyada iyo guryaha la dhigto ee Land line-ka loo yaqaan iyo weliba adeegga lama huraanka ah ee internet-ka oo ah mid xawaarihiisu aad u sarreeyo.

Guddoomiyaha xafiiska SOMTEL ee degmada Sheekh Mr. Cabdiqaadir Cabdillaahi Yaasiin (Baashe) oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay ujeeddada xafladda iyo muhiimadda ay xambaarsan tahay, waxaannu xusay in munaasibaddani tahay mid loogu wanqalayo xafiiska labaad ee SOMTEL ka furtay magaalada Sheekh.

Mr. Baashe waxa uu intaa ku daray inay dadweynaha degmada Sheekh hadda wixii ka dambeeya ay ka raysan doonaan telefoon qaali ah iyo internet gaabinaya.

“Shirkadda SOMTEL oo aad ka warhaysaan gobollada kale ee ay ka furantahay siday dadku ugu reeyeen maanta waxay degmada Sheekh idiinka furaysaa adeegyadeeda casriga ah ee kala duwan, waxaanan rajaynayaa inaad ka baahi beeli doontaan telefoon qaali ah iyo Internet caajis ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha SOMTEL ee degmada Sheekh.

“Waxaan idin leeyahay haddaad tidhaadaan tii hore ayuum baanmu ku qancasanay oo tidhaadaan dhulow kaama kaco dee waxaan filayaa inay wax badan ku seegayaan.

Waad ogtihiin liiskii dheeraa ee aanu ku xiiqi dhijiray waxaynu kaga baxnay adeegga Dahabshiil oo ahaa kii ugu horreeyey, maadaama aannu lacagaha xawaaladda ah ugu raadin jiray dadka rakaalkii halaw-halawda ahaa, maantana waxaa timi SOMTEL oo ah adeeggii ugu dambeeyey oo casri ah,” ayuu yidhi Baashe.

Maayarka magaalada Sheekh Mr. Ibraamih Cabdillaahi Cabsiiye, ayaa tafaasiil dheer ka bixiyey sida shacabka degmadiisu u arkaan adeegga ay ka rajaynayaan in bulshadu ka heli doonto SOMTEL.

“Marka hore waxaan soo dhawaynayaa shirkadda SOMTEL oo soo kordhisay waxaan horey dalka uga jirin waayo dee dalka waxaad ku arkijirteen garamaan iyo koofiyadda kaliya, balse hadda waxay soo kordhiysay cilmi casri ah oo ku salaysan aqoon iyo ilbaxnimo cusub.

Madaxdii degmada haddaannu nahay waannu idin soo dhawaynayaa, waanuna idinla shaqaynaynaa ka maamul ahaan.

Hadday SOMTEL timi waxaan filayaa inay dalka iyo dadkaba lacag badan u soo xaroon doonto, waayo dee dadka oo dhan si weyn bay u qaateen telefoonka SOMTEL, waanay isu wada sheegeen,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maayarku.

Maayar-ku-xigeenka Sheekh Mr. Cabdi Cartan Xaaji Abokor oo halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey qalabka adeegga shirkadda SOMTEL iyo siday bulshdaa deegaankaasi ugu diirsatay adeegga jaban ee SOMTEL keentay magaalada Sheekh.

Mr. Cartan waxa uu sheegay in shirkaddu dhawaan mishiin wayn oo kuwa dabka dhaliya ku caawisay Dugsiga Sare ee Sheekh, kaasi oo ardaydu baahi badan u qabeen, isaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Annagu ka degmo Sheekh ahaan abaal badan baannu haynaa shirkadda SOMTEL ,waayo marka laga yimaad adeegeeda jaban ee siday dadku ugu reeyeen waxay na siisay mishiin weyn oo dabdhaliye ah oo ay ku caasisay dugsiga Sheekh, wax kelana waanu ka rajaynaynaa inay na siin doonto,” ayuu yidhi Mr Cartan.

Waxa isna halkaa ka hadlay oday Cawil Diiriye oo ka tirsan odayaasha deegaanka waxaanu ka waramay kaalinta wacan ee Shirkadda SOMTEL ku soo kordhisay deegaanka.

“Adeer, anigu maan kala aqoon shirkadaha oo waad ogtihiin inaan ahay oday badaw ah, laakiin waxaan dhawaan ka warhelay adeegga hufan ee SOMTEL, haddana waan qaatay kaadhkeedii oo waanigaa sita oo waranlihii waan ka baxay,” ayuu yidhi Cawil Diiriye.

Waxa uu intaa ku daray bulshada deegaanku inay soo dhawaynayaan SOMTEL, maadaama ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee ka jawaabta baahida shacabka degmada Sheekh, waxaannu ku dhiirrigaliyey dadweynaha inay yar iyo weyn ba qaataan inta aan haysan adeegga telefoonnada ee shirkadda SOMTEL, “Waar aniga waad i aragtaanoo waan qaataye idinkuna qaata oo caawa laga bilaabo waa inaan dhammaanteen ku soo wada hadallaa SOMTEL.”

Mr. Bucurde oo ka mid ah odayaasha degaankaas, waxaannu sheegay inay dadka degaanku aad ugu baahnaayeen xafiiska 2aad ee SOMTEL, isla markaana diyaar u yihiin inay ka faa’iidaystaan adeegga hufan ee shirkaddaas, hadday telefoon noqn lahayd iyo hadday internet ahaan lahayd labadaba.

“Anigu hadal badan odhan maayee waxaan isu taagaay kaliya inaan u mahadceliyo shirkadda SOMTEL.”

Waxa kaloo uu sheegay in isaga laga bilaabo ilaa iyo dadka kaloo dhan diyaar u yihiin sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen adeegga jaban ee SOMTEL, gaar ahaan telefoonnada, waxaannu yidhi; “Horta saw maydaan maanta noo keenin SOMTEL iga walla inaanan midkalaba qaadanayn caawana waa inaan dhammaanteen ku soo wadahadallaa Mobile-ka SOMTEL,” ayuu yidhi oday Bucurde.

Madaxa Horumarinta iyo Xidhiidhka Gobollada Mr. Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyey taariikhda dhidibada loo taagay shirkadda SOMTEL iyo dib-u-habayn lagu sameeyey sannad iyo 5 bilood ka hor, waxaannu tilmaamay inay hormar laxaad leh ku tallaabsatay SOMTEL tan iyo taariikhdaas kooban oo ay dalka ka shaqaynaysay.

Dhinaca kale, waxa uu iftiimiyey taakuleynta iyo waxqabadka muuqda ee ay la garab taagan tahay bulshada, gaar ahaan hadba meeshay ka nugul yihiin inay ka jawaabto codsiyadooda, “Waad ogtihiin oo SOMTEL waxay ka timi bulshada, waxaanay u timi bulshada, umana aanay iman inay jeebadihiina fadhataysato, laakiin waxay u timi inay ka jawaabto u adeegistiina, waxna dib ugu celiso jeebadihiina,” ayuu yidhi Mr Cabdalla.

Maareeyaha Hawlgalinta iyo Shaqada ee SOMTEL Mr. Cawil Salaax Cabdi, ayaa isaguna ka warramay hadafka guud ee shirkaddiisa oo uu sheegay inuu yahay sidii ay dhinaceeda uga hormarin lahayd arrimaha bulshada, isla markaana joogto uga dhigi lahayd kaalinteeda waxqabad ee horumarinta adeegyada, haddana gacan weyn ka geystato.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in aanay SOMTEL ahayn mid dalka looga hirgeliyey si ay dadweynaha jeebabkooda u madhiso, balse taas beddelkeeda wax ku reebto.

“SOMTEL waxaan filayaa inaad hore ugu taqaaneen inay ka jawaabto danaha bulshada iyo horumarkeeda, maantana waxaan filayaa inaanu waxbadan ku soo kordhin doono adeegyada ay bulshadu u baahnaayeen, waanad arki doontaan,” ayuu yidhi Cawil Saalax.

Sidoo kale waxa uu sheekhay inay SOMTEL dhawaan kombiyuutarro ugu deeqi doonto laba dugsi oo ka tirsan goobaha waxbarasahda ee magaalada Sheekh, taas oo qayb ka ah waxqabadka shirkadda ee ku aaddan hormarinta arrimaha bulshada reer Somaliland.

“Idinkaa sheegay inay SOMTEL tahay shirkaddiinii aniguna waxaan idiin sheegayaa inaanu nahay shaqaalihiinii.

Dhawaan waxaanu kombiyuutarro u keeni doonaa laba ka mida iskuullada magaalada si aanu u caawino goobaha waxbarashada degmada,” ayuu intaa ku daray Maareeye Cawil Saalax Cabdi.

Ugu dambayn, Maayarka Degmada Sheekh Mr. Ibraahim Cabdillaahi Cabsiiye ayaa rasmi ah xadhigga uga jaray xafiiska labaad ee shirkadda SOMTEL ka furatay magaaladaas.

Geesta kale, dadaweynaha ku dhaqan degmada Sheekh ayaa si weyn oo u soo dhaweeyey furitaanka xafiiska labaad ee shirkadda SOMTEL ka hirgaliysay magaaladooda oo ay ku tilmaameen mid aad loogu baahnaa.

“Maansha Allaah aad iyo aad baannu ugu faraxsanahay in SOMTEL noo keentay adeegyada casriga ah ee isgaadhsiinta oo run ahaantii aannu aad ugu baahnayn.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah macaamiisha reer Sheekh ee shirkadda SOMTEL oo cabbirayey dareenkiisa ku wajahan furitaanka xafiiska labaad ee shirkaddaasi ka hirgelisay magaaladooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *