Fariimo email u badan baa I soo gaadhay tan iyo 13 kii bishan February, 2013, oo ahayd goortii aan Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) hortiisa ka akhriyay qaybo ka mid ah waraaq foolxun oo Wasiirka Khaarajigu

uu Bulshada Caalamka, gaar ahaan Ingiriiska u qoray saddex ayaamood kadib digniintii amniga ee January 27, 2013 London ka soo yeedhay. Fariimahaasi I soo gaadhaayay in badan oo ka mid ahi waxay iga soo codsadeen in aan waraaqdaas aan shirka madaxwaynaha ka sheegay, war dheeraad ah ka siiyo, ama la wadaagoba. Sidaas darted, waxan qormadan kaga jawaabayaa dalabyadaas tirada badan ee I soo gaadhay. waraaqdii oo sideedii u qoran, iyo faahfaahin aan ka horaysiin doono, si aan tooshka ugu ifiyo meelaha ay cambaarta ku leedahay ba iga hooya.

Intaas horteed, xikmad Soomaaliyeed baa ahaan jirtay: “Aqalkaaga hortiisa, ood baa la dhigtaa, ereygaaga hortiisna, afeef baa la dhigtaa.” Waxan akhristayasha ku leeyahay, wax aad ogtihiin ma idiin sheegaa? Dadka qaarkiis baa igu yidhi, maxaad dawladda dhan hal qof, iyo hal wasaarad uun uga hadlaysaa? Qaar kalena, sida aan mareegaha wararka (websites) ka akhriyay, hoos bay u sii dhaadhaceen, waxaanay ka kaluumaysteen laabtayda. Waxay ku doodeen inay maskaxdayda shabaadhka geeyeen, waxaanay ka heleen, siday sheegeen, cudur la yidhaaho shakhsi nacayb iyo xumaan kaleba. Ninba ceesaantii ceel keen! Saw lama odhan jirin? Waxan tilmaami lahaa, dhengagaaluhu goor kastaba waa iska joogaaye, sababta aan Wasiirka Khaarajiga, iyo Wasaaradda uu joogo uga hadlayaa inay tahay: anigoo daneeya mawduuca siyaasadda debedda, waxna ka bartay cilaaqaadka caalamiga ah, aqoonsiga la sheego ee Somaliland suurtagalnimadiisa baadhitaan heer jaamacadeed ah ku sameeyay, anigoo dhawaan uun ka hor ahaan jiray Xog-hayaha Khaarajiga ee Xisbiga Ucid oo shaqadayduba ahayd u fiirsiga iyo dabagalka Wasaaradda Khaarajiga, iyo midda intaas oo dhan kaba wada muhiimsan, qof kastana saaran oo ah “Xilkii gubi jiray qof noolba”, waa halkii Abwaan C/laahi Abwaan Xassan Ganaye.

Qofkii isagu waxyaabo kale wax ka fahamsani, ha ka hadlo qaybaha kale, laakiin aniga taas igu ogaada, hana yaabina hadaan idhaaho wax baa qaldan. Hadii aanay waxba qaldanayn, taas baa ugu sahlan oo aniga oo kaliya ayaa qaldan, hadayse wax qaldanyihiin, oo badankiinu ama dhamaantiin aad wada aragtaan, ma shakhsi caabud iyo wax ka liita ayaynu uga aamusnaa? Koleyba aniga maya bay ila tahay. Wasiirka Khaarajiga iyo ku xigeenkiisaba waan ka hadlayaa, maxaa yeelay Wasaaraddii baan ka hadlayaa, dhaliil waynna waan u hayaa, qofkii daafacayaana waxan ka codsanayaa inuu si miyir qabta, oo waxyaabaha liita ee shakhsi nacaybka la sheego, iyo xaafadaha loo duwo aragtida wanaagsan iyo toosinta si ka saraysa  u hadlo. Haddii aanay xilal haynin, qofkii ka hadlaa isagaa waalan, hadayse xilal hayaan, oo shaqaale inoo yihiin, oo mushaharkooda aynu bixino, waa inaan markay toosanyihiin ku amaanaa, kolkay weecdaana, ku dhaliilnaa. Laakiin iyaku (siyaasiyiintu) midda hore uun bay rabaan. Dhaliisha aan sheegaayo, oo Wasaaradda iyo Wasiirkaba fuushan, waraaqdan aan hada faaladeeda u fadhino ayaa ka mid ah ee ila wadaaga.

Waraaqdu ma dheera, laakiin qormo kaamil ah (complete essay) bay rabtaa in laga qoro si loo faaleeyo qaladkeeda. Waxan ku dadaali inaan soo koobo. Waraaqdii hoosta ayay taalaa, meelaha dhaliisha xuni ka muuqatona, far waawayn baan ka dhigay oo si sahlan loo dareemi karo.

U fiirso sadexda meelood ee aan lambaradda 1, 2 iyo 3 kala siiyay oo ah meelaha ugu liita ee fariintan dalabta u yeelay. Dhawrka meeloodba turjumaad iyo faalo kooban baan raacin doonaa.

Maxaa qaldan? Qaldaadku waraaqda ama baaqa Wasiirka way la bilaabmayaan. Judhaba waxad la kulmaysaa, oo horteena taala, Wasiirka oo qaldaaya magaca xilka uu hayo, iyo magaca wasaaradiisaba. Wuxu cinwaan uga dhigay qoraalkiisa – “Press Statement from (the) Somaliland Foreign Ministry.” Sida saxda ahi waxa weeye: Press Statement from the Ministery of Foreign Affairs and International Cooperation. War saxaafadeed ka Wasaaradda Amuuraha Debedda iyo Is Kaashiga Caalamiga ah. Magacii Wasaaradda ee rasmiga ahaa, oo ay tahay inaanu sinaba, marnaba, u kala reebin buu qayb uun qoray, qaybna ka tagayaa. Hadana wuxu qoraalka ku bilaabay isla qaladkii hore, “Statement by the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Somaliland.” Sida uu magaca Wasaaradda u qalday, ayuu magaca xilkiisana u qalday ilayn way isku xidhanyihiin. Sida saxda ah, Somaliland qofka xilkaas haya cinwaankiisa rasmiga ahi waa – Wasiirka Amuuraha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” Sidaas in kalmadna laga bedelo ma aha mar kasta oo la sheegaayo/qoraayo. Tusaale ahaan, Ingiriiska Wasaaradda shuqulkaas u qaabilsan waxa la yidhaahaa: Foreign and Commonwealth Office, qofka madaxda ka ahna intaas uun baa labada kalmaddood ee “Secretary of”, xaga hore looga raaciyaa. Maraykan waa Department of State, qofka madaxda ka ahina waa Secretary of State. Hadii Wasiir (Minister) lagu sheego, waa qalad, hadii badh ka mid ah magaca la sheegona waa qalad, mana dhacdoba. Intaas kadib, waxa iyaduna qalad xun ah, warkan rasmiga ahi (official statement) ma laha tixraac (reference), astaan (logo) iyo tilmaan xidhiidh (contact details) sida telefoon, fax number iyo email toona. Intaasiba waa qaldaadka hordhaca ah, maaha kuwa gudaha. Dhoobadu halkii ay fadhiday, looma dhaadhicin!

1. “So far our efforts have failed to uncover any evidence to substantiate the information contained in the revised advice.” = “Ilaa hadda, dadaalkii aanu wadnay wuxu ku fashilay ama ka gaabiyay inuu soo kashifo wax cadaymo ah oo taageeraaya xogtii lagu sheegay talo bixintii dib loo eegay.” Dabcan talo-bixinta uu Wasiirku sheegayaa waa middii amniga. Qalooca meeshaas ku jiraa tafsiir ba uma baahna. Sida muuqata, Wasiirku wuxu u jeedaa inuu yidhaaho wax cadaymo ah oo taageeraaya wixii aad nagu sheegteen ma hayno haba yaraatee. Halkii uu sidaas ka odhan lahaa, buu yidhi, “Dadaalkaygii wuu fashilay…” Micnihii uu u jeeday mid ka gadisan baa meeshaas ka soo baxay, hadii se lala dadaalo waa la garan karaa waxa uu doonaayo inuu sheego.

2. “We will continue to work with domestic and international partners…” = “Waanu sii wadi inaan la shaqayno saaxiibada gudaha iyo kuwa debeddaba.” Bal is waydii adiguba. Saaxiibadda debedda (international partners) la garay oo waa dawladaha shisheeye iyo hayadahooda amniga, laakiin saaxiibada guduhu (domestic partners) maxay yihiin? Hadal aan laga fiirsanin oo la iska qoray weeye uun saw maaha. Qaladka hore (number 1) wuxu u dhacay sidaan is leeyahay, aqoon darro, laakiin kan dambe aqoon darnaan ma aha ee waa ka fiirsi la’aan. Kalmadda “partner” marka la eego mawduuca ay hadda ku jirto, saaxiib (friend) kaliya ma aha, laakiin waa cid wada shaqayni idiin dhaxayso. Waanu la shaqayn saaxiibada gudaha, sax ma aha. Isagoo dawladii wadanka ah, oo awood ka saraysaaba aanay jirin, hay’ad kasta oo qaranku leeyahay na afkooda ku hadlaaya, ayuu hadana leeyahay waanu la shaqaynaynaa saaxiibada gudaha. Bal adba sheeg waxa uu ula jeedo saaxiibada gudaha. Xataa hadii uu yidhaaho waxan u jeedaa hay’adaha amniga ee Somaliland, waa qalad. Hay’ad kasta oo wadanku leeyahay isagaa matala oo dawlad u ah, laakiin waa hadii uu sidaas isu arko uun. Ma inuu doqomo aan waxba aqoonin inaga wada dhigo dhamaanteen ayuu doonayaa, mise isaga ayaa ogaan isu dilaaya? Bal adba?

3. (to ensure a satisfactory resolution to this matter.) = “…Si aanu u hubino xal lagu qanco in arintan laga gaadho.” Hadalka intan dambe waxay ku xidhantahay qaybta hore, iyada qudheeda ayaana in la is dul taago mudan. Hadda wuxu leeyahay waan dadaalaynaa ilaa inta arinta xal lagu qanco laga gaadhaayo, xagii horena waxan ku soo dhaafnay isagoo leh waxan la sheegay waxba kama jiraan; in kasta oo u kalmado qaldan isticmaalay. Hadii uu xaga hore ku odhan lahaa dhibta la sheegay wax baa ka jira, sax bay ahaan lahayd inuu yidhaaho arinta waan xallinaynaa, laakiin hadii uu deedifeeyay, inuu imika yidhaaho ilaa xal la gaadhaayo waanu dadaalaynaa sax ma aha. Si kale hadii loo dhigo, Wasiirka Somaliland wuxu isku meel ku sheegayaa inaanay dhibaato jirin, iyo inay dhibaato jirto. Haa iyo maya buu isku hal meel ku leeyahay. Siyaasad ahaan iyo luqad ahaan midnaba sax ma aha.

Haddii aad Madaxii Diblomaasiyada tahay, oo Wasaarad dhan iyo qaran dhan war khuseeya sii daynayso, ereyo isku jira (ambiguous words) waa inaad qoraalka ka dhawrto. Badiyaa kolka baaq (statement) ama qoraal rasmi ah la soo saaraayo, dhawr goor baa horey iyo dib ba loo eegaa, dad kala duwan oo isla Wasaaradda uun ah na way soo martaa, laakiin inaka hal qof oo ah Wasiirka wax ka sokeeya, iyo wax ka shisheeya toona ma marto. Waa Wasaarad qof kaliya uun ka kooban.

Waa Wasaarad aan qorshe hawleed (strategy) lahayn oo noqotay baabuur bilaa isteerin ah, oo hadana socda. Waa halkaas meesha ay ibtiladu ka taagantahay, wax badanina ku xumaanayaan, ama kuba xumaadeenba. Aniga malahayga, Xog-hayaha Arimaha Debedda ee UK, William Hague, oo fariintu toos ugu socotay, iyo Wasiir kasta oo caalamka kale ah, oo waraaqdaas la hor dhigaa judhiiba si sahlan buu u qiyaasi karaa qofka soo qoray tamartiisu inta ay leegtahay. Xataa qiyaas aan sax ahayn baa looga qaadan karaa guud ahaanba umadda uu matalaayo kartideeda. In lagu qoslo, oo ka dib na, dhinac la isaga leexiyo ayay u badantahay, waa hadiiba ay gaadhay cidii ay ku socotay. Waraaqdan kaligeed ayaa ina tusaysa xaaladda ay Wasaaradda Khaarajiga ee Somaliland ku sugantahay, waana in duruus laga barto.

Gabagabadii, waraaqdaan waxa lagu soo xidhay magaca wasiirka oo kaliya: Mohamed A Omar. Sabab ay ahaydba, cinwaankii Dr (Doctoral) oo magaca Wasiirka goor kasta ka horayn jiray markan wuu ka maqanyahay meesha.

Maxamed haaruun – mbiixi@gmail.com

— Press Statement from Somaliland Foreign Ministry.

Statement by the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Somaliland in response to the UK Foreign and Commonwealth Office’s revised travel advice for Somaliland.

The Government of the Republic of Somaliland takes its responsibility to protect foreign nationals living and working in the country very seriously. International organisations, multinational businesses and other foreign entities have been operating securely in Somaliland for many years, thanks to the resources we have invested in our security institutions, and the willingness of the general public to cooperate with the Government in defeating security threats from terrorists.

We do everything in our power to ensure that the Somaliland security forces are employed to the fullest extent in protecting the public, including foreign nationals living here.

The Somaliland government is investigating thoroughly the specific concerns underlying the change in the travel advice which the UK’s Foreign & Commonwealth Office issued on 27 January. 1. (So far our efforts have failed to uncover any evidence to substantiate the information contained in the revised advice.)

We will continue to investigate until we are fully satisfied that the issue has been addressed.  We also have an ongoing dialogue and collaboration with our international partners in this regard, and reiterate our appreciation of the support that Somaliland receives on security matters.

Somaliland has been cooperating with the UK and other foreign governments on many security-related issues for some time now.   We have received support for the training of the security forces, as well as on the investigation of specific threats. Somaliland has not only been successful in maintaining its record as a bastion of peace and stability in a volatile region, but has also been a reliable partner to the international community in the prevention of spill over from the instability in the Horn of Africa.

2. (We will continue to work with domestic and international partners) 3. (to ensure a satisfactory resolution to this matter.)

Mohamed A Omar

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *