Loolanka Xisbul Xaakimka Kulmiye ee loogu jiro hogaanka sare ee xisbigaa marka la gaadho shirweynaha oo la filayo in la qabto March 2013, ayaa cirka isku shareeray, waxaana tartanka ku hirdamaya Masuulyiinta Xubnaha ka ah xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne

Siilaanyo ee kooxda wadaadada iyo Kornaylada hogaanka iyo talada xisbiga gacanta ku hayay wixii ka danbeeyay doorashadii Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay  26 Jun 2010.

Loolanka xisbiga Kulmiye ayaa soo baxay kadib markii Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale kulan casuumadeed uu u sameeyay Odayaal iyo waxgarad maalmihii lasoo dhaafay kaga dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga marka la gaadho shirweynaha xisbiga.

Hase yeeshee  talaabaddaa uu qaaday Samaale waxa ka cadhooday Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Iyo Gudoomiye xigeenka Maxamed Kaahin, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo u sheegay in masuuliyiinta xilalka haya ee ka tirsan xukuumaddu aanay xaq u lahayn iyagoo xilalka qaranka haya inay kula tartamaan xisbiga, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhiftay qorshaha soo jeedinta ee labada Kornayl.

Arrintani ayaa banaanka soo dhigtay loolanka ka jira xisbiga Kulmiye oo u dhexeeya kooxda wadaadada ah ee awooda badan ku leh Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Kornaylada ku magcawnaa hogaanka Xisbiga, iyadoo kooxda wadadaada ah ee doonaya inay la wareegaan hogaanka Xisbiga Kulmiye u muuqdaan kuwo ajande iyo  qorshe siyaasadeed oo meel u yaalay fulintiisa doonaya inay meel mariyaan marka la gaadho shirka xisbiga.

Kooxda ayaa sidoo kale bilaabay qorshe ay doonayaan inay kaga hortagaan loolanka u dhexeeya kornaylada ee dhinaca xisbiga, iyagoo qorshaynaya sidii ay taageero ugu heli lahaayeen qorshooda dhinaca ergooyinka shirka inay sameeyaan musharaxiin deegaamo kala duwan kasoo jeeda, kuwaas  oo ay doonayaan inay ku urursadaan codadka, ama ku wiiqaan awooda Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad ee Kulmiye oo ah kuwa ay doonayaan inay talada xisbiga kala wareegaan.

Agaasimaha Maamulka Komishanka Somaliland ee xakamaynta HIV/AIDS C/Kariim Axmed Maxamed (Xinif), oo lagu tiriyo kooxda uu hogaamiyo Wasiirka Maaliyadda C/ casiis Samaale ayaa maanta ka dhawaajiyay inuu musharax u yahay jagada gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga, waana masuulkii labaad ee isagoo haya xilka qaranka ku dhawaaqay inuu yahay Musharax ku tartamaya hogaanka xisbiga, iyadoo ay weli taagan yihiin doodihii rayal caamka bulshada ee ka dhashay musharaxnimada Wasiirka Maaliyadda ee gudoomiyaha xisbiga, isagoo aan iska casilin xilkii qaranka.
Dhinaca kalena Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo loo tiriyo inuu ku abtirsado kooxda Wadaadada ah, balse aan xidhiidh weyn la lahayn kooxdaa ayaa warar  laga soo xigtay dad ku dhow dhow sheegayaan inuu loolanka dhinaciisa kasoo galay, isla markaana uu musharax u yahay jagada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay hogaanka Xisbiga Gudoomiye Muuse Biixi 2010 markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada, balse April 2012 ayaa shirkii golaha dhexe ee Xisbiga oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Hargeysa,wuuxuna Madaxweyne Siilaanyo xiliggaa ka ansixiyay shirkaa qorshe Wasiirradda xukuumadda si toos ah ay ugu noqonayaan xubno ka mid ah golaha dhexe, taas sababtay inay golaha dhexe awood ku yeeshaan kooxda wadadaada ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku xididaysatay.

Mudadaii uu socday shirkaasi waxa  hadheeyay siyaasado guracan oo sababay in daaqada lagaga saaro Gudoomiye Xigeenkii Labaad ee Xisbigaa C/raxmaan C/qaadir oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga. kadib markii uu dhaliilo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo sababtay in laga tukhaantukhiyo shirka golaha dhexe, iyadoo loo adeegsaday awood ciidan sidaana lagaga saaro madasha. kadib markii xilkii iyo xubnimadiiba laga xayuubiyay.

Doodaha ka dhashay dhacdadaa oo taariikh madaw ku ahayd hanaanka geedi socodka dumquraadiyada iyo dhaqankii lagu yaqaanay xisbiga Kulmiye mudadii dheerayd ee uu mucaardka ahaa ayaa bixiyay saadaal iftiiminaysay in rag badan oo hogaanka xisbiga Kulmiye ay waajihi doonaan foolxumada maalintaa dhacday, isla markaana sidaa oo kale daaqada looga saari doono maalinteeda marka la gaadho, waxayna doodaha iyo falanqaynta laga bixiyay talaabaddaa foosha xun ee lagu kacay Dr. C/raxmaan C/qaadir tilmaamyeen ama ishaarayeen inay la kulmi doonaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo saaxiibkii Gudoomiye xigeenka Koowaaad Maxamed Kaahin, kuwaas oo hada qarka u saaran inay maraan wadadii saaxiibkood C/raxmaan C/qaadir.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inuu debeda usoo baxay dagaal siyaasadeed oo ay fagaaraha soo dhigeen dhawaaqyada iyo loolanka u dhexeeya labada kooxood ee Wadaadada xukuumadda ee gacanta ku haya awooda iyo dhaqaalaha iyo Kornaylada la daalaa dhacaya diifta mucaaradnimada toban jirsatay iyo halgankii mudada dheer ee ka horeeyay, kuwaas mudo dheer garab taagnaa Madaxweyne Siilaanyo oo aanay aqoon isu lahayn kooxaha wadadada ee waqtigan dhufayska uga soo dhigtay saaxiibadii halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta dalka iyo waayihii adkaa mucaaradnimada Kulmiye.
Faallo By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist
Jaamac132@gmail.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *