dheegHargeysa(ANN)Qoyska Caaqil Ibraahim Axmed Cabdi ayaa si weyn uga cawday tacaddi soo noqnoday oo ay sheegeen inay ku hayaan ciidamadda Sirdoonka Somaliland, taas oo ka danbaysay kadib markii habeen hore laga xidhay Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan), oo ah

wiil dhalinyaro ah, kaas oo ay sheegeen in ciidamada sirdoonka  Somaliland ka dhex qafaasheen suuqa Hargeysa caweyskii fiidnimo, Islamarkaana loo geystayJidh-dil.

Qoyska ayaa sheegay in wiilkaa hore ay ciidanka sirdoonku u xidheen kadib markii ay goor saqdhexe gurrigoodda ugu daateen oo ay halkaa ka kaxaysteen Axmed Darmaan iyo dhawr dhalinyaro ah oo qaarkood  muddo u xidhnaayeen sabab aan illaa immika la garanayn, balse ugu danbayntii lasoo daayay.

Shir jaraaíd oo ay si wada jir ah u qabteen Mako oo ah Hooyadda dhashay Axmed Ibraahim Darmaan  iyo guddoomiyaha Wargeyska saxafi Cabdifataax  Dheeg Axmed  oo ka mid ah qoyskaa waxay ku sheegeen in ay ka cabanayaan  tacaddiyo  xadgudubyo soo noqnoqday iyo cago juglayn sida ay sheegeen  ay ku hayaan ciidamada sirdoonku, kuwaas oo sida ay xuseen baryahan dambe sii kordhayay marba marka ka danbeysa.

Hooyo Mako Axmed  Warsame waxa ay hadalkeedda ku bilowday sidan; “Muddo imika laga joogo laba bilood ayay noo soo daateen ciidanka sirdoonku anaga oo hurudna, waxaanay nagu rideen rasaas, waxaanay dhammaan jajabiyeen alaabtii guriga taalay ,waxaanay habeenkaa guriga ka kaxaysteen shan inan oo ay xidheen, ka dib waxay la hadheen inankayga oo ah Axmed Ibraahim Axmed, markaas oo uu u xidhnaa ciidamada sirdoonka muddo labaatan cisho ahayd, wax dambi ah oo ay ku heleena ma ay jirin baadhitaanadii ay sameeyeen. kadibna waa ay iska soo daayeen iyaga oo aan wax raali gelin ah aan nalaga siinin dhibaataddaas naloo gaystay”. Ayay tidhi Hooyo Mako Axmed.

“Habeen hore abaaro sideedii fiidnimo ayaa haddana Axmed Ibraahim Axmed oo gaadhi wata suuqa dhexdiisa ay ciidamada sirdoonku ka qafaasheen kadibna ay la tageen guri qarsoodiya oo ay leeyihiin ciidamada sirdoonku sida la ii sheegayna waa ay jidh dileen oo  dharkii ayay xataa khasab kaga badaleen, markaa ka dib abaaro laba iyo botankii habeenimo ayay keeneen saldhiga dhexe kuna yidhaahdeen ciidanka saldhiga dhexe hanaloo hayo meel gaar ahna ha lagu xidho  waxayna amreen inaanay cidna u geli karin cidna loo sii dayn karin.”

Hooyo Mako Axmed waxa kale oo ay ka warantay xaaladiisa caafimaad oo ay sheegtay in inankeedu uu qabo xanuunka Macaanka ilaa imikana aanay xaaladda uu ku sugan yahay ka warami karin, waxaanay tidhi; “Saaka markaanu ogaanay (shalay) ee aanu saldhiga ugu tagnay ee aanu is nidhi u geeya irbadii macaanka waxa dhacday in askaritii noo diiday inaanu aragno, balse markii dambe taliyaha saldhigu uu naga qaaday irbadii oo uu isagu kusoo muday, waananu u mahadnaqaynaa taliyaha, ilaa wakhtigaana kama warami karo inuu nool yahay iyo inuu dhintay.”

Hooyadan oo ka hadashay sababta  inankeeda loo daba socdo ayaa sheegtay in lagu qasbayo inay noqdaan Al-shabaab, ciidamada sirdoonkuna doonayaan inay dalka ka baxaan, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi, “Waxay doonayaan inay  nagu shaanbadeeyaan inaanu ka tirsanahay ciidamada Al-shabaab, markaa waxaan leeyahay haddii aanu nahay Al-shabaab waxba may ahaateen oo dambi aanu faraha kula jirno nalagu qabto, waxaanu samaynay oo dambiyana ma garanayno, dowladda Somalilandna namay odhan dambigaas ayaad gasheen oo laydinku haystaa. Sidaas darteed,waxaan cid kasta oo cadaaladda jecel, islamarkaana neceb dulmiga haddii ay tahay shacab iyo haddii ay masuuliyiinta dawladda ku jiraanba leenahay arrintaas in wax laga qabto, sababtoo ah qof kasta gurrigiisa ayay ugu soo gali doontaa haddii ay annaga maanta na haysato oo sidaas lagu eegto”

Dhanka kale guddoomiyaha Wargeyska Saxafi Mr. Cabdifataax Axmed Dheeg oo ay guri ku wada nool yihiin inanka ciidamada sirdoonku habeen hore fiidkii ka kaxaysteen suuqa magaalada Hargeysa oo isna arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in uu isagu alaabtii wargeyska lagu daabacayay u dirtay marka la qaban doono oo uu gaadhiga uu watayna uu ahaa gaadhigiisa shakhsiga ah guddoomiye ahaan, ilaa haddana ay ka maqan yihiin gaadhigii iyo abaaltii wargeyska oo saarani, isla marakaana aanay ka warami karin meel uu gaadhigaas  iyo alaabtii saarnayd ay ciidamada sirdoonku geeyeen.

Guddoomiye Cabdifataax isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Axmed waxa uu ila joogay Wargeyska Saxafi doraad, dabadeed saacadu markay ahayd todobadii fiidnimo ayaan u diray inuu alaabtii wargeysku ku soo baxayay kasoo iibiyo Dukaanka Golis oo iibiya qalabka lagu daabaco wargeysyada qaarkood, inankii iyo gaadhigiiba waanu weynay. dabadeed waxaan ogaaday abaaro kow iyo tobankii habeenimo in ninkii alaabta aan u diray xidhan yahay, markaa ka dib waxaan tegay saldhiga dhexe oo aanu weydiinay waxa dhacay halkaas oo ciidanka saldhigu noo sheegeen in ay u keeneen ciidamada sirdoonku, isla markaana ku amreen inay meel gooni ah ugu xidhaan, gaadhigaygii iyo alaabtii wargeyskana ma hayo meel aan kaga waramana ma garanayo oo iyagga saldhiga lama geyn, markaa arrintaa waxaan u arkaa tacadi nalagula kacay oo naloo gaystay, horena waa naloogu gaystay oo waxa gurigayaga noogu soo daatay ciidamada sirdoonka, kiis nalagu qaadayna ma jirto, raali gelinna nalagama siin khaladkii nalagu sameeyay, cidda tacadigaa nagu haysaana waa inamo yaryar oo aanu garanayno mid aanu kaga hadhanayna maaha ilaa aanu sharciga la tiigsano. Balse, ujeedada aanu warkan u baahinaynaa waa in ummaddu nala ogaato dhibaataddan na haysata.” Ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa Guddoomiye Cabdifataax Axmed Dheeg.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *