Sheekh (ANN) Degmada Sheekh waxa ka socota qabanqaabada loogu gogol xaadhayo tartanka Koobk kubadda cagta Bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qaybgeli doonaan lix tiim oo ka dhisan Sheekh.

Koobkan oo ay soo qabanqaabadiisa iyo maalgelintiisaba ay wado shebekadda wararka internetka Berberanews.com, ayaa si weyn qabanqaabadiisa looga dareemayaa degmada Sheekh,halka kooxaha ka qayb gali doonana ku jiraan diyaar-garow ballaadhan oo mid kastaaba doonayo in guushu raacdo.
Tartanka koobkan waxa ka qaybgeli doona sided tiim oo ka dhisan degmada kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin sidan.

Dahabshiil
Dawlada Hoose
Nation link
Booliska
Telesom
Dariiqo
PYM
Kayd Fibre Glass.

Shebekadda Berberanews waxay Ramadaantii sannadkii hore ku qabatay degmada Sheekh koob kan la mid ah iyo sannadkii 2009 oo ay ku qabteen magaalada Berbera koob lagu xusay sannad-guuradii todobaad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Maamulka shebekadda Berberanews waxa uu dadweynaha iyo masuulliyiinta degmada Sheekh ka codsanaynaa inay sihabsami  ah uga soo qaybgalaan mudada uu koobku soconayo oo ku kooban bisha Ramadaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *