Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii

Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.

labada   wasaaradood ee Qorshaynta Qaranka, Dhalinyarada  iyo Ciyaaraha ayaa waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
15.
Waxa dhamaan la sameeyay xafiisyada wasaarada qorshaynta Qaranka ee gobolada dalka, haatana dhismahoodu socdaa.
2. Waxaa lagu guda jiraa abaabulka dhismaha guddiyada horumarinta gobolada , marka laga reebo gobolka saaxil oo hore loogu sameeyay gudiga horumarinta, si fiicana  u hawlgalay ama u shaqaysay.
3. Xidhiidhinta wasaaradaha waaxda horumarintu way ka hawlgashay islamarkaana wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ahiba aad bay usoo dhaweeyeen, marka laga reebo rugta ganacsiga.
4. Waaxda horumarintu waxay diyaarisay islamarkaana gudbisay qorshihii iyo miisaaniyadii ay waaxdu ku shaqayn lahayd shanta sano ee soo socota.
2) waaxda Qorshaynta
Waxa la sameeyay Qorshihii  Shanta  sano  ee  dalku  ku shaqaynayay (2011-2015) oo ay waaxdu gacanta ku hayso lana dhamaystirayo sida ugu dhakhsaha badan.
2- Waxa socota isu dubaridkii (7) siyaasadood ee aasaaska laga duulayo u ah marka qorshe lasamaynayo
Macro-economic policy
Aid management policy
Monitoring and evaluation
Institutional and public sector reform policy
Management information policy
TVET

3. Waxa  si joogto ah u socda hawshii millennium development Goals (MDG)
4. Waxa la qabatay aqoon is waydaarsiyo ku sahabsan nabadgalyada cuntada iyo biyaha Somaliland (food and wate
Waxa la dhamaystiray ururinta sicirka suuqa iyo sarifka dollarka
Waxaa la bilaabay sahanka MICS4 oo la dhammaystiray goballada Awdal, Maroodijeex iyo Saxil, hadan loo gudbay Togdheer, Sool, iyo Sanaag.
Waxaa la soo saray lana qaybiyay Buugga Somaliland In-figures
Waxaa la dhammaystiray 2nd Edition of Statistical Buliten.
Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha

16.
Tartanka kubada cagta ee Jaamacadda Hargeysa.
Tartanka kubada cagta ee kooxaha heerka 2-aad Hargeysa, kaas oo ay ka qayb-qaateen 90 naadi oo lagu kala saarayay.
Tartanka kubada cagta naadiyada heerka 1-aad ee wacyi-gelinta joojinta tahriibta.
Tartanka kubada kollayga naadiyada heerka 1-aad ee wacyi-gelinta tahriibta.
Tartanka ciyaaraha fudud naadiyada heerka 1-aad wacyi-gelinta joojinta tahriibta.

Tartanka kubadda cagta naadiyada heerka 1-aad ee Telesom Cup.
Tartanka ciyaaraha fudud degmooyinka gobolka Hargeysa
Xuska munaasibada Qaranimada Somaliland 18 May oo ciyaaraha kala duwan wasaaradu kaga qayb-gashay.
Ciyaaraha saaxiibtinimo ee kooxda Qurba-joogu la yeesheen gobollada dalka.

Gobolka Togdheer, waxa lagu qabytay ciyaaraha kubada cagta ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ee gobolka Togdheer.
Tatanka ciyaaraha kubada cagta ee dugsiyada Sare ee gobolka Togdheer.
Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka 2-aad gobolka Togdheer.
Gobolka Sool: Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka 2-aad ee gobolka Sool ayaa la hir-geliyay.
Dayactirka Garoomada:
Waxa la dayactiray garoonka Timacadde ee kubada Kollayga oo la dhamaystiray.
Dayactirka garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium
Dayactirka garoonka kubada cagta ee garoonka Xawaadle.
Waaxda Dhaqanka
Waxa Afsoomaali lagu turjumay siyaasada dhalinyarada Somaliland oo markii hore ahayd nuqul
Waxaanu siyaasada Wasaarada hor-gaynay golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan.
Waxa la dhisay xarumo dhalinyaro magaalooyinka Borama, Sallaxlay, Ceerigaabo, Dacar-budhuq iyo Burco, kuwaas oo aanu si wada jir ah ugu wareejinay ururo dhalinyaro oo ka jira degmooyinkaas, isla-markaana hada la 
qalabaynayo si ay uga faa’iidaystaan dhalinyarada ku dhaqan degmooyinkaasi, waxaana maal-gelisay mashruucan Hay’ada UNICEF.

Waxa xog-ururin lagu sameeyay hawlaha, baahiyaha iyo xaalada dhalinyarada ee dhamaan gobollada dalka, waxaana iska kaashaday Wasaarada iyo Dallada dhalinyarada ee Sonyo, warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysa waxa laga soo saaray Buug, waxaana la qabtay shir balaadhan oo xogtaas lagu daah-furay.
Dhaqanka iyo Fanka:
Waxa la abuuray Guddiga abwaanada Qaranka guddigaas oo hawshoodu tahay
Diyaarinta qaamusyada Afka Soomaaliga.
Ururinta iyo qiimaynta eryada afafka kale ee ku milmay afkeena iyo dalalka ay inaga yimaadaan sanad walba.
Diyaarinta iyo ururinta sheekooyinka laga dhaxlay facyadii hore ee umaddeena Somaliland iyo kuwa la curiyay ee cusuba.
Qiimaynta suugaana iyo suugaanyahanada sanad walba.
Waxa sanadkan la qabanayaa tartan fanka iyo dhaqanka ah oo gobolada oo dhan ka bilaabmaya, caasimadana lagu soo xidhi doono, kaasoo joogto noqon doona sanad walba.
Fanaaniinta heerka Qaran ee Wasaaradda oo aanu u habaynay saddex kooxood oo isku tayo ah.
Waxa la sameeyay xafiis u gaara diiwaan-gelinta suugaanta iyo sugida lahaanshaha (Copy right).
Waaxda Dhaqanka iyo Fanku waxay qaab masraxiyeed kaga qayb-qaadatay xusaskii 18 May iyo 26 ee June ee Somaliland.
Waxay Waaxda Dhaqanku wada shaqayn la bilawday Hay’adda UNESCO oo qaabilsan qaramada midoobay dhaqanka, inay si wax ku oola uga qaadato mashaariicda horumarinta dhaqnaka iyo fanka.

Lasoco——–

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *