Dahabshiil Oo Sheegay Inaan Wax Khidmad Ah Laga Qaadayn Lacagta Taakulada Abaaraha

 

Hargeysa(ANN)Qoraal kasoo baxay xafiiska shirkadda Dahabshiil oo lagu socodsiiyay shaqsiyaadka, Ururada samafalka iyo Jahliyadaha  ayaa lagu sheegay in aan wax  khidmad ah laga qaadayn lacagaha taakulada abaaraha loogu tabarucayo dadka tabaalaysan.Qoraalkaasi

waxa uu u qornaa sidan:- “Waxa la ogeysiinayaa dhammaan shakhsiyaadka,Ururrada, Jaaliyadaha iyo cid kasta oo danaynaysa taakulaynta dadka ku waxyeeloobey abaaraha IN AAN WAX KHIDMAD AH LAGA QAADI DOONIN lacagaha taakulada  ah ee loo soo dirayo ama lagu soo hagaajinayo akoonnada/xisaabaha uga furan Dahabshiil wax-ka-qabashada abaaraha si loo fududeeyo hawlaha ku wajahan samata-bixinta dadka waxyeelladu soo gaadhey.”

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *