Download PIC_2494.JPG (253.7 KB)

Hargeysa(ANN)Agaasimaha Xarunta Daryeelka Caruurta iyo Dhalaanka Somaliland ee Magaalada Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib  ayaa Sheegtay in xarunta Agoomaha iyo Daryeelka Dhalaanku tahay  mid  rajadeedu aad u fiican tahay, balse aanay jirin  wakhtigan xaadirka ah dawlada Somaliland mooyaane cid kale oo ay xaruntaasi caawimo ka heshaa.
“Xaruta rajadeedu waa ay wanaagsan tahay mrka aynu xaqiiqad eegno  ay maanta majirto wax hayad ah oo caawisaa waxaa maant caawiya ama halka ay wax ka heshaa waa dawlada oo qudha hay’addaha  waanu la xidhiidhnay waana nu sugaynaa weli ”  ayay tidhi Caasha oo u waramaysay Wargeyska Dawan.
“Waxaanan qabaa in intii aanu joognay ay tadawar badan samaysay walow aanay gaadhin halkii aanu doonaynay waxyaabo badan oo isbadalayna way jiraan, ayay tidhi, 
Mar la weydiiyay inay  jiraan ganacsato iyo cid kale oo wax caawiimo ah soo gaadhsiiyay waxa  ay tidhi,  “ma jiraan ilaa hada ganacsato nala soo xidhiidhay, balse  hada ayuun bay ramadaan bilaabantay waana nusugaynaa waxaa jira caawiimo ay soo direen jahliyada Somaliland ee reer Norway oo soo wakiishay Sheekh Aadan Siiro waxayna  usoo direen lacag dhan $700,   oo dollar. Laakiin  waxaa isaguna xarunta si joogto ah u caawiya Maxmuud ismaaciil Baasarce oo damaanad qaaday Afurka caruurta Agoomaha ku jira oo lacag ilaa $ 2000, kun oo dollar ah ku bixiyay Afurkaa bisha ramadaan,  isaga iyo xaaskiisa labadaa qolo aad ayaan ugu mahad celinayaa Alleh   ha ka abaalmariyo  ayaan leeyahay    ayay tidhi Agaasimaha Xaruntaasi.
Agaasimaha xaruntaa Marwo Aamina waxay sheegtay in tirada caruurta xiligan ku jira halkaasi gaadhayaan  467 caruur ah, waxayna xustay inaany jirin  cid ka caawisa dhinaca caafimaadka iyo biyaha, balse ay helaan Biyaha, iyadoo u mahad celisay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa  iyo shaqaalaha oo diiday in beebkaa xarunta  cid kale looga talaalo Biyaha.
Laakiin dhinaca  caafimaaka ayay sheegtay in aanay  cid kala shaqaysaa, iyadoo xustay in  barigii hore uu  jiray waadh yar oo ay xaruntu lahayd, kaas oo  ay yaaleen  ilaa lix sariirood iyo pharmacy  yar laakiin hada aan shaqayn, waxayna xustay in  hadii uu ilmo yari dhaawacmo,  ama jabo ay  la xidhidhaan  gudida Cubitaalka Hargeysa oo iygu si fiican wax nooga qabta  ayay tidhi.
Marwo Aaamina waxay sheegatay in aanay jirin wax Caawimo ah oo dhinaca dawooyinka iyo caafimaadka oo ay xaruntaasi ka hesho  hay’addaha Muslinka iyo kuwo kale midna, balse   mudo hore ay u yimaadeen  Hay’adda Hilaal  AL Axmar   oo sida ay sheegtay u   keenay lacag $ 1000 dollar, kuwaas oo u sheegay inay si joogto ah ugu keeni doonaan lacagtaa bil walba. laakiin Hay’addaha  ay ka mid tahay UNCEF ayay sheegtay inay dhawr goor la xidhiidheen, balse  ay ugu jawaabeen inay meeshu tahay meel dawladeed oo aanay wax caawimo ah ka helayn, isla markaana ay weli jawaab ka sugayaan.

Sidaa awgeed Marwo Aamina waxay shacbiga Somaliland iyo cidkasta oo caawin karta  Agoomahaaa Bish Ramadaan ay usoo gudbisay baaq si loo soo gaadhsiiyo caawimo ka hor inta aanay bishu dhamaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *