Finland,(ANN) Abdirashiid Dahabshiil oo ah  maamulaha guud ee shirkadda caalamiga ah ee  Dahabshiil, ayaa  dhawaan lagu casuumay inuu ka hadlo Jaamaadda Aalto Unviersity ee magaalada Helsinki ee Finland, taas oo ahayd munaasabaddii qalinjebinta sare ee dufcad ka mid ah ardaydii

 

qaybta culuunta dhaqaalaha ee jaamicaddaa. Machadka dhaqaalaha ee Jaamacadda Aalto oo caan ka ah  cilmiga maaraynta iyo maamulka, isla markaana waxa uu   xusayey machadkaasi sanadguuradiisii 100-aad ee kasoo wareegtay aasaaskiisa.

Casharka uu ka jeediyey Abdirashiid Dahabshiil jaamacadda Aalton, bishii March 29-dii, oo qaatay muddo laba sacadood ah, waxa uu ku saabsanaa qayb ka mid ah manhajka Isbedelka iyo afkaar hor leh, qaybtaas oo ay madax ka tahay Prof Liisa Alikangas.
Prof Liisa Alikangas oo ah cilmi-baadhe waayo-aragnnimo iyo khibrad loo bogey u leh daraasooyinka culuunta fikradaha ganacsiga iyo istraatijoiyooyinka la xidhiidha, waxay shirkadda Dahabshiil u xulatay inay tahay tusaale lagu dayan karo marka laga hadlayo ganacsi si dhakhso ah u hirgala oo ku dhisan fikrado iyo ha-labuur cusub, kana gudba dhibaatooyin badan, kana faa’iidaysta fursadaha ka bannaan suuqayada ganacsi ee Africa, shirkadda Dahabshiil oo maanta noqotay mid caalami ah.

Casharkii uu jaamacaddaasi ka jeediyey Abdirashiid, ayaa waxa uu kaga hadlay ahmiyadda ay xawaaladdu u leedahay guud ahaan Soomaalida adduunka ku baahsan, iyo kaalinta shirkadda Dahabshiil ka qaadato xawilaadda lacagayowga meel kasta oo baahi degdeg ah looga qabo. Waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda shirkadda, qorshayaasha mustaqbalka, hawlihiisa iyo kaalinta hoggaamineed ee maamulka guud (CEO).
Ganacsiga asaasiga ah ee shirkadda Dahabshiil waxa uu ku qotomaa xawaaladaha loo dirayo Geeska Afrika, kaasi oo muhim u ah nolosha dadweynaha gobolkaasi. Bilawgii khudbaddiisa, Abdirashiid waxa uu faahfaahiyey baaxadda lacagaha la xawilo guud ahaan oo baanka adduunku ku qiyaasay ilaa $1.6 bilayan oo dollar in sanad kasta loo diro Somalia. Lacagtaasi oo ay xawilaan qurbajoogta Soomaalidu, waxa adeegga ugu badan u fidisa shirkadda Dahabshiil oo xawisha qiyaastii saddex-dalool laba ahaan. Taasina waxay ka dhigtay Dahabshiil shirkadda ugu weyn sharikadaha xawaaladaha ee Afrika.
Waxa kale oo xawaaladda ku tiirsan nolosha dadweynaha miyiga ee Geeska Afrika ee ku  nool meelaha fogfog. Waxa kale oo xawaaladdu u adeegtaa heyadaha gargaarka banii’aadminnimada ee ka shaqeeya gobolkaas. Shirkadda Dahabshiil waxa kale oo ay gacan ka geysataa  mashaariicda horumarinta gudaha – kaalintani oo shirkaddu caan ku ahayd ilaa bilawgeedii, una ah mabda’ asaasi ah.
Waxa kale oo mudan in la xuso in adeegga xawaaladdu gacan ka geysto baayacmushtarka gudaha iyo debadda oo ka faa’iidaysta, waxanu adeeggani muhim u noqday maalgelinta mashaariicda ganacsiga iyo kobcinta suuqa xorta ah.
Abdirashiid Dahabshiil waxa kale oo uu faahfaahiyey markii uu la hadlayey ardayda kala geddisan ee Jaamicadda, taariikhda Shirkadda iyo heerarkii ay soo martay oo aan wada sahlanayn. Shirkadda waxa la bilaabay sanaddii 1970, waxana bilaabay Mohamed Said Duale, oo ah Abdirashiid aabbihii. Isla markiiba shirkaddu waxay ku takhasustay hawlaha xawaaladda, iyada oo la macaamili jirtey qurba-joogtii Soomaalida ee Bariga Dhexe. Lacagta adage ee qurba-joogtu u dirayaan qoysaskoodii ku sugnaa Somalia ayay shirkaddu ka qaban jirtey, waxayna soo gelin jirtey badeecad. Qoysaska ku sugan Somaliyana waxay ku siin jirtey hadba sarrifka lacagta guduhu joogto xilligaasi
Sanaddii 1988, waxa heer xun gaadhay dagaalkii sokeeye ee Somalia. Qoyskii Mohamed Said Duale, Dahabshiil, waxay ka mid noqdeen boqolaal kun oo qof oo khasab ay ku noqotay inay ka qaxaan dagaalladaasi, una qaxaan dhinaca Ethiopia. Halkaasi ayayna dib uga bilaabeen abaabulka shirkaddii Dahabshiil. Duruufaha cusub ee bilawgani ma ahayn meel amma waddan cusub oo qudha, waxase ka mid ahaa adeeggii iyo macmiishii oo iyagana isbedel ku dhacay, tartanno cusub oo ku soo kordhay suuqii ganacsiga noocaas ah, iyo xaaladihii gudaha ee gobolkaasi oo isbedelay oo noqaday gobol dagaallo sokeeye aafeeyeen oo aan lahayn sal siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo deggan midna.
Labaatan sano ka bacdi, Shirkadda Dahabshiil waxay runtii noqotay shirkad caalami ah oo u adeegta dhammaan dadweynha Bariga Afrika. Waxa kale oo shirkaddu ay ku leedahay xafiisyo goboleed magaalooyinka London iyo Dubai. Laamo iyo wakiillo gaadhaya kumanaan ayaa iyaguna ku kala baahsan oo ka hawl gala ilaa 150 dal oo adduunka ku kala yaal. In kasta oo weli xawaaladdu ay tahay xuddun dhexaadda ganacsiga shirkadda, haddan shirkaddu waxay ballaadhisay noocyadakala geddisan ee  adeegyada ganacsi ee ay u fiidiso macmiisheeda caalamka.
Adeegyada cusub ee dhakhsaha ah ee shirkadda, waxa ka mid ah isgaadhsiinta SOMTEL, oo ay ku leedahay saami weyn, waana adeeg telifoon oo mobile ah oo la abuuray 2008-dii. Suuqyada adeegyada isgaadhsiinta Afrika waa qaar cammiran, si weynna u kobcay, waxana ka dhashay adeegyo la isku hallayn karo oo mobile ah oo qiime fudud jooga. Shirkadda Dahabshiil oo ka faa’iidaysanay adeeggan mobileka ee SOMTEL oo watta Internet dheereeya oo tayo fiican, ayaa ka dib awoddey inay bilawdo qaab xawaaladeed oo ku dhisan telifoonka mobile-ka oo ay ka hirgeliso gobolka. Isla markaana shirkaddu waxay sii ballaadhisay, korna u sii qaadday adeegyadii kale ee xawaaladda tooska ah ee Internetka ee lacag-qabashada iyo lacag-bixinta.
Nidaamkani waxa uu noqday mid ay aad ula qabsadeen macmiishu, kana mid ah qaababka ugu dhakhso badan ee xawaaladaha iyo ganacsiga ee Afrika gudaheeda iyo debaddaba, waxanu qaataa daqiiqado kooban in aad ku dirto lacag amma qaadato, meel kasta oo aad adduunka kaga sugan tahay.

Soo rogidda la soo rogey adeegga SOMTEL, waxay ahayd tallaabo kale oo la xidhiidhay samaynta 2009-kii adeegga kaadhka Dahabshiil ee ‘Dahabshii eCard’, ahna kii ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee Somalia. Adeegga kaadhkani waxa uu fududeeyey culayskii iyo jiitankii ganacsigii ku xidhnaa rogrogista lacagah xaddiga badan ee naqadka ah ee Shiln-Somaaliga. Waxa kale oo kor u sii qaadaya adeeggan xawaaladda Mobile-ka. Dadka qaar ayaa xataa aaminsan in Somaliland ay noqon doonto dalka ugu horreeya adduunka ee ka maarma listicmaalka lacagayow naqad ah.
Abdirashiid Dahabshiil waxa uu rumaysan yahay in ganacsiga iyo adeegyada dhaqaale ee dalalka ka hooseeya saxaaraha ee afrika ay yihiin qaar rajo fiican leh, ayna jiraan fursado cusubi. Waxanu gunaanadkii hadalkiisa ku daray in “mustaqbalku uu yaallo Afrika”; iyo in kaalinta dhaqaale ee gobolkaasi uu ku leeyahay caalamka, inay tahay mid sii koraysa. Waxa kale oo sii koraaya, ayuu yidhi, adeegga lacagaha xawaaladda ee u socda gudaha.
Isaga oo ka hadlaya hawshiisa ah maamulaha guud ee shirkadda (CEO), Abdirashiid waxa uu ku tilmaamay inay ka mid tahay hubinta in shirkaddu la jaanqaaddo hadba fursadaha ganacsi iyo xaaladaha is bedelaya, samaynta maalgelin ku dhisan istraatijiyooyin habboon, iyo sahaminta suuqyo wax-ku-ool ah, iyada oo isla markaasi ku tiirsan oo daryelaysa ganacsigeeda asaasiga ah. Waxa kale oo ka miod ah ayuu yidhi, wax-ka-qabashada saboolnnimada miyiga iyo taageeridda dadweynaha Soomaaliyeed, ha noqdaan kuwa Afrka ku sugan amma kuwa adduunka ku kala baahsan, taasi oo ah  masuuliyadda shirkaddu iska saarto gacansiinta mashaariicda horumarineed ee dadweynaha.

Araweelonews Mobile
somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *