Weli ma aragteen mase maqasheen buugaag guuraysa, kallahaysa, dheemaalaysa, guure-bahalaynaysa, isla markaana baadi-goobaysa ciddii akhriyi lahayd? Mase aragteen geeddi soo guuray oo degay meel tigaadda ugu badani tahay dad da’ yar u badan? Dee maad ila hadashaan oo aad ii jawaabtaan haddii aad la kulanteen amma aragteen.

Waxa ahayd 6-dii Jully markii aan nasiib u helay inaan ka mid ah gadhwadeennada geedigaas. Waxa aanu salad hore ka ambabaxnay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, annaga oo bar-tilmaameedsanayna magaalo-xeebeedda Berbera oo geeddiga ugu horeeya ee bugaagta lagu furayo. Waxa aanu ka koobnayn kolonyo baabur ah oo isugu jirtay saddex Laanguruusar, hal bas-yare [Mini-bus] iyo garande [grande].
Weli ma aragteen mase maqasheen buugaag guuraysa, kallahaysa, dheemaalaysa, guure-bahalaynaysa, isla markaana baadi-goobaysa ciddii akhriyi lahayd? Mase aragteen geeddi soo guuray oo degay meel tigaadda ugu badani tahay dad da’ yar u badan? Dee maad ila hadashaan oo aad ii jawaabtaan haddii aad la kulanteen amma aragteen.

Waxa ahayd 6-dii Jully markii aan nasiib u helay inaan ka mid ah gadhwadeennada geedigaas. Waxa aanu salad hore ka ambabaxnay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, annaga oo bar-tilmaameedsanayna magaalo-xeebeedda Berbera oo geeddiga ugu horeeya ee bugaagta lagu furayo. Waxa aanu ka koobnayn kolonyo baabur ah oo isugu jirtay saddex Laanguruusar, hal bas-yare [Mini-Bus] iyo gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaan [Grande].
Intaasi waxa ay ahaayeen magaalooyinka gobollada Bariga Somaliland ee geeddida buugaagta la soo mariyey, oo runtii dadkii lala kulamayay aad uga mabsuudeen arrintan ku cusub noloshooda ee aan hore u soo marin. Waxa haddana safar kaa la mid ah lagu tegay magaalada Gabiley iyo Boorama, oo bartilmaameed u ahaa magaalooyinka galbeedka ee geeddiga buugaaga lagu soo gaba-gabaynayay.

Dhammaan magaalooyinkaas la soo maray waxa lagu doortay waa kuwa ay ka samaysan yihiin Naadiyada Akhriska sida: Berbera Readers club, Sheekh Readers club, Halkaraan Readers club [Burco], Ismaaciil Mire Readers club, Anfac Readers clu
b [Ceerigaabo], Timacade Readers club [Gabiley] iyo Maskaxmaal Readers club [Boorama].
Safarradaasi waxa ay soconayeen intii u dhexaysay 6-16 July 2011, iyada oo yoolku yahay in lagu soo gabagayn doono kulanka Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay kasoo qayb geli doonaa qoraayo ka kala imanaya daafaha Dunida, isla markaana dhici doona 26-26ka Jullay ee sannadkan.

Hawlihii ugu muhiimsanaa ee la qabanayay intii lagu guda-jiray geeddiga buugaagta, waxa magaalo kasta lagu qabanayey bandhig buugaageed ay Naadiyada Akhriska iyo bulshada inteeda kale ee muhiimka ahi ka soo jeedinayeen hadallo qoraalka iyo akhriska lagu dhiirgelinayay.

Haddii aynu ku soo dhawaano gunaanadka qormadeenan, waxa aan la hilmaami karin in geeddidaas bugaagta ee loogu magaca-daray “Moving Library” inuu ahaa mid koobsaday arrimahan hoos ku xusan:
1-Hawl-gal si siman looga fuliyey dhammaan gobollada Somaliland.
2- Hawl-gal raad-ku-reebay quluubta in-badan oo aan waxba ka ogayn muhiimada akhriska iyo qoraalka.
1- Hawl-gal minqiyaaskiisu ahaa abuurista dad ku gaashaaman mihnada wax akhriska iyo qoraalka.
2- Hawl-gal fursad loo siiyey inay buugaagtu dadka halkooda ugu tagaan.
3- Hawl-gal dadka lala wadaagayey aragtidooda iyo hal-ku-dhigyadooda ay kaga qaybqaadanayaan dhiirigelinta akhriska iyo qoraalka.
4- Hawl-gal mucjiso iyo u qaadan-waa ku noqday dad badan oo lagula kulmayay magaalooyinka la marayay.
5- Hawl-gal da’yarta fursad loo siinayay inay hal-abuurnimadooda cariyaan.
6- Hawl-gal suurtagelinayey inay madaxda iyo shacabku hal meel fikirkooda ku wada dhiibtaan.
7- Hawl-gal xoojinayey horumarinta naadiyada akhriska iyo taabbo-gelintooda.
8- Hawl-gal lagu abuurayay maktabado laga samaynayo dhammaan magaalooyinka la marayay, iyada guud ahaan masuuliyiintii lala kulmayay ballanqaadeen inay bixinayaan dhulkii laga dhisi lahaa maktabadahaas.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
cabdiheersare01@hotmail.com, heersare2009@gmail.com Hargeysa, Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *