Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland waxa uu qoraalkiisa taxanaha ah ee Dharaaro Xusuustood,

 

qaybtiisa 33aad ee Khamiista 25 Sep, 2014,  ku soo qaatay arrimo kala duwan oo uu gogol uga dhigay fariinta iyo nuxurka uu xanbaarsanyahay qoraalkiisu, isagoo araar uga dhigay dulucda mawduuca siyaasadeed ee qoraalkiisu xanbaarsanyahay hannaanka doorashooyinka Somaliland iyo muddo-kordhinta la caadaystay.

 

Balse qormadiisan, ama maqaalkisan Prof. Gees, wuxuu xanbaarsanyahay fariin siyaasadeed oo uu si farshaxan ugu xanbaariyay dhacdooyinka taariikhiga ah, wuxuuna ku bilaabay sidan:- “Waqtigii gumaysigu uu maamulayey Somaliland, waxa caan noqtay aaladda loo yaqaan Baaskeeladda oo ay shaqaalaha dawladdu, ajnebi iyo Soomaaliba, waxay ku aadi jireen shaqada.

Baaskeeladaha waxa soo dejin jiray shirkad la odhan jiray Khawaaje Bis (A. Besse) oo ay shaqaaluhu hafto ku qaadan jireen, iyagoo laga goynayo mushaharkooda bishii. Baabuurta hadda yaacaysa ee meel laga maro la la’yahay ma jirin waqtigaas, Marxuum Jirde Xuseen ayuun baa lahaa baabuur yar oo carruurtiisa lagu qaadi jiray oo marmar ciyaalku tuurtuuri jireen.

Hawada iyo caafimaadka dadkaba, baaskeeladda ayaa u fiicnayd ayey hadda cilmi-yahannadu sheegaan. Waqtigaas waxa ciyaalku aad u xiisayn jireen inay baaskeeladda bartaan sida loo wado. Niman caan ku noqday dhinaca ciyaalka oo Khuurshe iyo Khamriile la odhan jiray ayaa kirayn jiray saacad, saacad baaskeeladaha, kuwa aan lacagta haysan waxa shoog (short time) u dhiibi jiray saaxiibadood, si ay sekad uga soo wareejiyaan, marmarna waa la yara goosan jireen.

Waxa aan xusuustaa baaskeeladdii uu aabbahay lahaa ee uu i odhan jiray marka uu shaqa tegeyo: “War bal taayirada ii soo eeg inay buuxaan.” Marka aan soo eego ayaan odhan jiray waa “Gingiman yihiin.” Naanays ayaa la iiga dhigay eraygaas. Waqtigii dalka lagu soo guryo-noqday, ayaa marxuum Faysal Cumar Mushteeg ku kaftamay oo yidhi ninkii baaskeelad kaxayan kara ayuun baa reer Hargeysa, wixii kale waa soo galayti.

Siyaasaddu iyana shoog ayey leedahay oo xukunka la isugu dhiibo. Meel aan shoog la isu dhiibayn xilka dalka la wada joogi maayo. Waa kaa Dr. Axmed Ismaaciil Samatar ka soo guryo-noqday Xamar markii Daaroodka iyo Hawiyuhu shoog u dhiibi waayeen. Axmed Cabdi Xaabsade isna waa kaa ka huleelay Somaliland, markii xilalkeeda shoog looga dhiibi waayey. Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa isaga la siiyey shoog xilka Madaxweynaha Somaliland, waxna waa ku darsaday sidii shoogga baaskeelka. Qolo darfayada ah ayaa sugaysaa weli shooggoodii.

Baaskeeladda haddii aan hore loo sii socodsiin oo la joojiyo waa kula dhacdaa, dimoqraaqdiyadduna haddii aan hore loo sii socodsiin waa kula dhacaysaa. Somaliland waxa habka xisbiyada badan iyo doorashooyinka oo ah astaamaha dimoqraadiyaddu ka bilaabmeen sannadkii 2002 ee ay dhacday doorashadii Golayaasha Degaannadu. Golayaashaas oo waqtiga xilkoodu yahay shan sanno. Maanta oo ah 2014 waxay ahayd in golayaashaasi kuwii marka saddexaad la soo doortay fadhiyaan oo xilkoodu uu gebagebo yahay, halka qoladii labaad oo xilkoodu uu bilaw yahay ay hadda joogaan.

Sidaas oo kale waxay doorashadii Madaxweynuhu ahayd 2003. Maanta waxay ahayd inuu joogo oo xilka hayo Madaxweynihii saddexaad ee lagu doortay habka xisbiyada badan, halka uu kii labaad ee la doortay xilka hayo, halka Golaha Wakiillada kii ugu horreeyey ee la doorto ay weli fadhiyaan. Halkaas waxa ka muuqata inay inala dhacdhacayso dimuqraadiyadu, sida marka baaskeelka haddii aan hore loo sii socodsiin.

Haddaba, haddii lagu mamo muddo-kordhinta iyadoon wax sabab ah jirin sida dhawr jeer dhacday, waxa dhici karta in dimoqraadiyaddu jabto, oo liicdo oo waxyeello soo gaadho xasilloonida iyo magaca iyo maamuskii ay Somaliland ku kasbatay hirgelinta doorashooyinka.

Markii lagu guulaystay aakhirkii, muran badan oo sannad ku dhowaad socday kadib, in la ansixiyo Guddida Qaranka ee Doorashada dabayaaqadiii 2007 ayaa waxa iyana dhammaatay muddadii xilka ee Golayaasha Degaanka.

Waxay ahayd in doorashadoodu dhacdo badhtamaha bisha December ee sannadkii 2007. Waxa lagu qasbanaaday in Guurtidu ku kordhiso muddada xilkooda lix bilood oo kale ilaa laga gaadhayo bisha Luulyo (July) kowdeeda. Hadda akhristaw dastuurku meelna kuma sheegin awooddaas ay guurtidu ku kordhisay xilka Golayaasha Degaannada, hase yeeshee waqti hore ayaa Maxkamadda Dastuuriga ah fasiraad ay bixisay ku sheegtay mar haddii Dastuurku oggolyahay in Guurtidu kordhin karto xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa iyo muddada xilka Golaha Wakiillada; golayaasha qaranka ee kalena waa ay u kordhin kartaa muddada xilka haddii loo baahdo. Fasiraaddaas ayey ku dhacday kordhintani.

Haddaba, markii loo gudbay sannadkii 2008, ayaa waxa dhacday in muddadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisu iyana dhammaatay sannadka dhexdiisii. Waxa halkaas ka bilaabmay muran adag oo ka dhex dillaacay xisbiyada mucaaradka ahaa (KULMIYE iyo UCID) iyo UDUB oo xukuumaddu ka soo jeeday.

Akadamiyadda oo aan markaas joogay ayaa kulmo u qabatay xisbiyada iyo Guddiga Qaranka ee Doorashada si ay barnaamij hawleed isula qaataan. Marar kalena goonni-goonni ula kulantay xisbiyada si loo ogaado halka ay ka taagan yihiin arrimaha la isku hayo. Labada qodob ee lagu murmay waxay kala ahaayeen; 1. Muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka iyo 2- kala horreysiinta qabashada labada doorasho, ta Madaxweynaha iyo ta Golayaasha Degaannada.

Waxa qolada UDUB ku adkaysatay in doorashada Golyaasha Degaannadu soo horreyso, sidii ay markii horeba u kala horreeyeen. Mucaaridku waxa uu ku adkaysanayey oo lahaa waar badka soo dhigaa doorshadaa kursiga weyn ee Madaxtooyada oo dib-u-dhiga licib saqiirka kuraasta maayarrada.

Markii qoladayadii Akadamiyadda iyo aqoonyahanno nagu xidhnaa aan ka shirnay sidii loo furdaamin lahaa arrimaha la isku hayo ee hortaagan in doorasho la qabto; waxa noo muuqatay inay habboon tahay in aannu xoogga saarno Madaxweyne mudane Daahir Rayaale Kaahin. Waxa aannu is tusnay in la qanciyoo keligii oo talada la liqsiiyo.

Waxa kale oo noo caddaatay inay adag tahay in mucaaradka la qancin karo, sidaa darteed waxaannu “Brain storming” maskax-lisid ku samaynay halkii aannu ka geli lahayn iyo sida aannu u qancin lahayn mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Waxa dhab ah in mucaardku aannu waxba faraha ku hayn mar kasta waxa waajib ah oo taladu iyo wanaagga dalku ku jiraa in Dawladdu is-legaddo oo oggolaato tanaasul, iyada ayaa hadhkii ku jirta ee qolada qorrax-joogtu wax ma hayso.

Xaaladda dalka oo kakan iyo qaraxyadii shaanniga oo bilaabmay iyo warbaahinta oo weedho xanafleh la isu marinayo, ayaa anniga, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Xasan Cumar Halas oo saddex Agaasime ka ahayn Akadamiga Nabadda iyo Horumarka; goor fiid ah kula kulannay Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Qasriga Madaxtooyada. Si fiican ayuu noo soo dhoweeyey, waanan wada sheekaysannay. Waxaan u sheegnay in danta dalka iyo dantiisuba ku jirto, haddii la soo horumariyo doorashada Madaxweyaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa oo ta Golayaasha Degaannada dib loo riixo.

Waxa aan ku qurxinay doodayadii arrin aannu si gaar ah uga sii fekernay oo ahayd, “Madaxweyne, haddii doorashada Madaxweynaha la horreysiiyo iyada oo maayarrada degaannada dalka oo dhami ay UDUB yihiin, waxa kuu dhaw inaad guulaysato, haddiise lagala wareego maayarrada magaalooyinka dalka waa ay adkaanaysaa inaad ku guulaysato doorashada.” Cabbaar ayuu fekeray oo aamusay oo yidhi; ‘anigu danta iyo hannaanka waddanka ayaan ka eegayey ee dantayda kama eegin. Hase yeeshee, cid ayaan qancinayaa ee ha iga sheegina taladaas.’

Waxa habeenkii dambe ka dhacay qasriga Madaxtooyada casuumad ay ka soo wada qaybgaleen madaxda xisbiyadu oo la isku afgartay in doorashada Madaxtooyada la soo horreysiiyo oo kordhinta loo baahan yahay guurtidu samayso.

Laba sanno kadib ayey doorashadii Madaxtooyadu qabsoontay (2010) oo KULMIYE ku guulaystay.Tii Golayaasha Degaanku afar sanno ka dib ayey qabsoontay (2012). Boowe, maxaa kuu baxay!!” ayuu Prof. Gees kusoo gebagebeeyay mawduuciisa uu kusoo qaatay Dharaaro Xusuustood taxanaha qormadii 33aad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *