Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay natiijada uu kala soo kulmay

shir caalami ah oo wefti uu hoggaaminayey kaga qaybgaleen dalka Imaaraadka Carabta iyo shirkado maalgashi oo uu sheegay in uu la kulmay mudadii uu ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo dalka dib ugu soo laabtay shalay. Kadib markii uu kasoo degey Garoonka Diyaaraddaha (Egal Internatinal) ee Caasimadda Hargeysa oo si weyn loogu soo dhoweeyay, ayaa la hadlay saxaafada, wuxuuna sheegay in  isaga iyo wefti weheliyay safarkaa ay goob-jooganimo kaga qaybgaleen shir maalgashi ah oo loo qabtay siddeed dal oo ka mid ah Afrikada galbeed oo ka dhacay Dubai, kaas oo sida  uu sheegay mudadii uu socday ay fursad u heleen in ay  wadahadallo iyo kulamo la yeeshaan shirkado badan oo kuwa maalgashiga ah, isla markaana  ay uga soo baxday in Somaliland ka mid tahay meelaha sida wayn loo danaynayo qaaradda Afrika marka ay nioqoto dhinaca maalgashiga.

“Maalgashadaashii shirka isugu yimi waxaannu kala kulanay kambaniyo badan, markii shirkaasi dhammaadayna toddoba maalmood ayaanu dib u sii joognay ooh awl badan ayaa inoo qabsoontay, waxaannu la kulannay madax kala duwan oo dawladda Imaaraadka ah, waxaannu la kulanay shirkado aad u danaynaya Somaliland. Waxa noo muuqatay ama soo aragnay in aad loo danaynayo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo guud ahaan la danaynayo Afrika oo dhan, haddana innaga oo ku naalna meel aad muhiim ah dhulka aad loo danaynayo ayeynu ka mid nahay.” Ayuu yidhi Saylici.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamo ka bixiyey noocyada shirkadaha maalgashi ee ay arkeen, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Ma soo koobi karo tirada kambaniyada maalgashadayaasha aannu la kulanay, waxaanse ka xusi karaa qaar ka mid ah shirkadaha macdanaha, shirkado danaynaya inay dekedaha ama madaarrada Somaliland maalgashadaan, kuwa dhismaha guryaha, qaar danaynaya beeraha iyo kalluumaysiga,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *