Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inay bilaabi doonaan dhisme dumarka

 

 

maxaabiista ah lagu hayo oo laga hirgelinaya gudaha jeelka weyn ee Hargeysa oo hadda ragga gaar u ah.

Maayir Solteco oo booqday Xabsiga Dhexe Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in dumarka maxaabiista ee lagu xukumo caasimadda loo gudbiyo dhinaca jeelka Gabilay, si taas looga gudbana ay bilaabi doonaan qorshe qayb dumarka ah looga dhisi lahaa gudaha xabsiga weyn.

“Hargeysa dumarka laga xidho waxa la geeyaa Gabiley ama meel kale. Waxaannu maanta (shalay) halkan u nimmi in aannu halkan kaga dhawaaqno qaadhaankii koowaad  dawlad hoose ahaan oo aannu gelinayno miisaaniyadda 2015, waxaanuna leenahay dumarka wax haysta  waa inay ka qaybqataan hawshaas oo qaadhaanka qaybtooda ka bixiyaan sidii dumarka halkan looga samayn lahaa dhisme xabsi oo u gooniya oo ku dhex yaal jeelka wayn ee Hargeysa oo dumarka lagu xidho si aan magaalo kale loogu qaadin gabadha xabsiga loo gudbiyo.”

Dhinaca kale, waxa uu soo qaaday olole dhinaca caafimaadka ah oo dawladda hoose ka fulisay jeelka weyn ee Hargeysa oo lagaga buufiyey dulinka iyo cayayaanka ku dhasha, isagoo sidoo kalena maxaabiista u ballanqaaday inuu laba awr oo ay hilibkooda cunaan ugu deeqi doono maalinta ciiddal-adxaha, “Buufinta aannu halkan ka wadno marka ay dhammaato saldhigyada magaalada oo dhan ayaannu u gudbi doonnaa, iyadoo maxaabistani ka yimaaddaan saldhigyadaas, qaar kalena joogaan, jeelkana waxaannu u diyaarinnay dhulkii laga dhisi lahaa qaybtii labaad iyo qaybtii ciyaalka dhaqan-celinta lagu samaynayo oo aannu isagana dhulkiisii u diyaarinnay, Wasaaradda Caddaaladdana aannu ka wada soconno in mashaariicdaas la hirgeliyo.”

Waxa kaloo Maayirku tilmaamay inuu ku farxay hawlo maxaabiista lagu baray xirfado kala duwan oo ka socda xabsiga Hargeysa, waxaannu yidhi;  “Halkan (jeelka) shaqo aad u fiican ayaa ka socota oo dhallinyaradii kala baxayaan xirfado ay barteen, awalna waxa dhici jirtay markay jireen xukuumadihii hore inay dhallinyaradu halkan ka bartaan inay jeelka la galaan dad iyaga ka sii waaweyn oo dambiilayaal ah, aad ayeyna u wanaagsan tahay, waana hawl aad u fiican oo la qabtay, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo-na aad ayaan uga mahadnaqaynaa inay dhallinyarada jeelasha u samaysay tababar.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay hawlgalol ciidammada boolisku ka fuliyeen caasimadda Hargeysa habeennadii u dambeeyey, “Waxaan leeyahay waalidka maalmahanba boolisku hawshii qaranka waxay kaga mashquulsanayeen dhallinyarada, dadweynuhu waxay yidhaahdaan marka ilmaha la xidho jaamacad ayuu ku maqnaa iyo wuxuu ku maqnaa masaajid. Waxaan leeyahay waalidka ogaada halka ilmihiinu ku maqan yahay, innamadiina waxay samaynayaan inay hablihii ku gefaan habeen walba, haddii aad u haysataan inuu innankiinu jaamacad amma masaajid ku maqanyahay hubsada, waxaanan leeyahay ciyaalka ha laga war hayo, annaguna ma jeclin in aannu qabano mid aan dulmi samayn, laakiin marka ay waxaas ku kacaan cidna uga dul-qaadan mayno, hawshaasna aad ayaan wax uga qabanaynaa, waalid walbana waa inuu ogaada halka ilmihiisu ku maqan yahay,” ayuu yidhi Maayar Soltelco.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *