Islamabad (ANN) Magaalada xarunta dalka  Paksistan ayaa lagu qabtay  Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu maamuusay  Araday dhamaysatay waxrashada Jaamacadaha dalkaa oo  tiradooda gaadhay 2389 (laba kun sadex boqol iyo sideetan iyo sagaal)  ayaa  36  ka mid ah la gudoonsiiyay  Billado dahab ah.

Ardaydaa oo ahaa kuwii   ka qalin jebiyay  kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaha  International Islamic University intii u dhaxaysay September 2008 ilaa August 2009 ayaa todobaadkan   ka dhacday xarunta shirarka ee Islamabad (Islamabad Convention centre).
munaasibadaa oo ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan dawladda Pakistan, safiiro, maamulka jamacada, shaqaalaha, ardayda iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay ayaa ku soo gabagabowday farxad iyo damaashaad, iyadoo ardayda Biladaha kala duwan  la  gudoonsiiyay uu ka mid ahaa Arday Soomaali ah.

 


Wasiirka waxbarashada ee dalka Pakistan Mudane Sardar Assef Ahmed Ali, madaxwaynaha jamacadda Dr. Anwar Hussain Siddiqui, iyo madaxwayne ku xigeenada Mrs. Parveen Qadir Agha, qaar kamid ah hormuudyada kulliyadaha kala duwan ee jamacadda ayaa munaasabdan ka hadlay waxayna bogaadiyeen dulqaadka iyo dhabar adayga ay sameeyeen ardayda intii ay tacliintooda kusoo guda jireen.
Waxaa xaflada lagu gudoonsiiyay  billad dahab ah (Gold Medal) arday Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad Salaad Muxumed Wardheere, kadib markii uu keenay dhibcaha ugu sareeya shahaadada loo yaqaan B.A ee shareecada iyo Qaanuunka.

 

 


Xafladan waxaa billadaha ardaydan gudoonsiiyay Wasiirka Waxbarashada Sardar Assef. uu soo wakiishay madaxwaynaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari oo aan madasha soo xaadirin

 

 


Waxaa kaloo ka mid ahaa ardayda qalin jabisay saddex arday oo ayuguna Soomali ah laguna kala magacaabo Zakariye Ismaaciil X. Nuur, Saleebaan Maxamed Maxamuud oo iyaga ka qalin jabiyay kuliyada shareecada iyo qaanuunka, iyo Jaamac Ciise oo isna ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha.
Ururka guud ee ardayda Soomaalida ( UGAS) ayaa sidoo kale hanbalyo u diray ardaydan kuna dhiiri galiyay inay sii wadaan tacliintooda si u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.
Taniyo markii dhidibada loo taagay jamacadan horaantii 1980kii waxaa ka qalin jabisay jaamacadaa Arday badan oo Somali ah. Sida ay sheegayaan Ardayda ku sugan Islamabaad Xilligan jamacada waxaa dhigta arday Somali ah oo  kor u dhaafay 80 Arday oo ka mid ah 18000 Arday oo dhigata jaamacada kana kala yimi ilaa 56 Dal oo dalalka aduunka ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Somaliland Office           

E-mail; Info@araweelonews.com

 jaamac132@gmail.com

 shalcaw2@hotmail.com

 

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *