Mudug(ANN)Mr. Siciid Maxamed Raage wasiirkii Dekeddaha maamulka Puntland ayaa lasii daayay Kadib markii maanta lagu wareejiyay

 gudoomiyaha gobolka Mudug iyo Odayaal uu horkacayay, taas oo ka danbaysay dedaalo wadahadal oo ilaa xalay u socday kooxdaa Budhacd Badeeda iyo Odayaal uu horakacyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug. Sidaana waxa xaqiiyay warar ay shebekada araweelonews ka heshay deegaankaa.
Wasiirka  ayaa  kooxda Budhacad badeeda u  Afduubnaa  24kii saacadood ee lasoo dhaafay. Kadib markii ay shalay ka kaxaysteen deegaanka Jiriiban ee duleedka Garacad oo ay kooxda budhacad badeedu ku leeyihiin fadhiisin weyn, iyadoo halkaa uu dagaal ku dhexmaray kooxdaa iyo Ilaalada wasiirka oo waqtigaa doonayay inuu galo magaalo xeebeeda garacad oo ay awood ku leeyihiin kooxda ka taajiray lacagaha madax furashada ee ay ka helaan Afduubka maraakiibta iyo doonayaha ay ka  ugaadhsadaan badweynta India ee xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed.  araweelonews.com kal soco wixii kasoo kordha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *