Hargeysa (ANN)Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen xoghayaha cusub ee gobolka Hargeysa Muj. Xamse Ciise Cabdi iyo xogyihii hore Caaqil Deeq C/laahi Cali ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolka Maroodi Jeex ee Magaalada Hargeysa.

 

 

Xaflada xil wareejinta oo ay ka soo qayb galeen lataliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha C/najax Siyaad Aw Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Mawliid Waris C/laahi iyo marti sharaf kale.

 

Lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada C/najax Siyaad Aw Cabdi, oo halkaas ka hadlay ayaa umahadnaqay xogyihii hore ee gobolka Maroodi Jeex Caaqil Deeq C/laahi Cali, isla mar ahaantana waxa uu xilka ku soo dhaweeyay xoghayaha cusub ee gobolka Hargeysa Xamse Ciise Cabdi.

 

Waxaanu ilaahay uga baryay in uu xilkan u fududeeyo, isaga oo sheegay in uu Xamse ahaa dhalinyartii ugu fud-fudayd xilligii uu xisbiga talada hayaa ku jiray ololaha doorashadii madaxtooyada ee laga soo gudbay.

 

La taliyaha arrimaha dhalinyarada ee madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay labadan xubnood ee dhalinyarta ee maanta xilka la kala wareegaya, isaga oo xusay in madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dhalinyarta ka qayb geliyay maamulka dalka, marka la eego buu yidhi dhalinyarta tirade badan ee uu madaxweynuhu xilka u magacaabay.

 

Xoghayihii hore ee gobolka Maroodi Jeex Caaqil Deeq C/laahi Cali oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu faraxsan yahay in uu maanta maanta xilka ku wareejiyo saaxiibkii Xamse Ciise Cabdi, waxaanu ilaahay uga baryay in uu masuuliyadan uu qaaday u fududeeyo, waxaanu yidhi “Waxa aan xasuustaa maalintii la igu wareejiyay xilkan aan maanta wareejinayo oo ahayd laba sano ka hor,xafiiskani wuu xidhnaa, wixii la igu wareejiyayna waxa ay ahayd todoba kursi iyo hal gaadhi oo yaalay wasaarada hawlaha guud, kaas oo markii dambe la raaciyay iskaraabkii, maanta waxa aan Xamse Ciise ku wareejinayaa, xafiis uu qalabkiisii u dhan yahay iyo gaadhi cusub oo shaqaynaya”

 

Xoghayaha cusub ee gobolka Maroodi Jeex Muj. Xamse Ciise Cabdi oo isna halkaas ayaa u mahadnaqay xogyihii hore ee gobolka, waxaanu balan qaaday in uu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha xarunta gobolka Maroodi jeex.

 

Gunaanadkii xafladaas xil wareejinta waxa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi jeex oo isagu ahaa masuulka xilka u kala wareejinayay labadan xoghaye, kaas  oo  sheegay in uu si fiican ula soo shaqeeyay mudadii yarayd ee ay shaqada isku soo gaadheen, isaga oo xoghayaha cusubna xilka ku soo dhaweeyay isla mar ahaantaana xusay in uu Xamse ahaa nin firfircoon oo si fiican u guta hawlihii xisbigii wakhtigii lagu jiray ololaha doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *