Warbixin sannadle ah oo Wargeyska The African Report oo ka mid ah kuwa ugu caansan Afrika ku qiimayso dadka ugu saamaynta badan qaaradda, ayaa markii u horreysay lagu daray qof Soomaali ah 50 shakhsi oo la soo xulay, kaas oo noqday Maamulaha guud ee

Shirkaddaha Dabashiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.

Warbixintan oo ay diyaariyaan dad khubaro ah oo qiimeeya dadka ugu saamaynta qaaradda Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, ayaa Maareeyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil lagaga daray kaalinta afraad, iyadoo kaalinta kowaad uu galay Marc Ona Essangui oo u dhashay waddanka Gabon, halka booska labaadna uu galay El-Chassem Wane oo u dhashay Mauritania.
Haddaba, Warbixinta oo soo bandhigay sababaha maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Saciid ugu ku guulaystay inuu ka mid noqdo 50-ka qof ee ugu saamaynta badan Afrika, waxa u qornayd sidan;
“Isaga oo ka taamilo qaadanaya aqoonta iyo waaya-aragnimada aabbihii, Maxamed Saciid Ducaale oo dhisay shirkadda xawaaladda lacagaha uu la barbar taagnaa, waxa u suurtagashay Cabdirashiid inuu shirkadda u gudbiyo heer caalami oo ay maanta ka noqotay hormuud aan cidna la barbar-dhigi karin shirkadaha ka shaqeeya isu-gudbinta lacagaha.

Shirkadaha Dahabshiil Group, gaar ahaan Shirkadda Xawaaladda waxa la ogsoon yahay inay saamiga u badan ka xawisho xaddi lacageed oo lagu qiyaasay ilaa hal bilyan iyo afar boqol oo malyuun (US$1.5 billion) oo dibedaha looga soo diro Soomaalida.

Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ku talo jiraan inay baan casri ah oo si buuxda u shaqeeya dhowaan albaabada uga furto Hargeysa.
Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Ducaale, waxa uu aaminsan yahay in horumarinta ganacsigu faa’iidooyin aan la koobi karin u leeyahay guud ahaanba bulshada.

“Dhaqangelinta ganacsiga iyo abuuritaanka shaqooyinku waxay ka ilaalinayaan da’yarta u nugul waayaha inay meelo khaldan ka xoogsadaan sida budhcad-badeednimo ama ismiidaamin,” ayuu yidhi Cabdirashid.

Iyada oo la qirayo saamaynta togan ee muuqata ee Shirkadaha Dahabshiil Group ku sameeyeen nolosha malaayiin qof oo Soomaali iyo qawmiyado kaleba leh, ayaa warfidiyeennada madaxa bannaan ee Africa Report la xidhiidha ama ka hawlgalaa u garteen Cabdirashid Maxamed Saciid, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group inuu ka mid yahay Kontonka ruux ee Afrika ugu saamaynta badan, isagoo liiska kaga soo baxay kaalinta saddexaad.

Shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo qayb ka ah shirkadaha Dahabshiil Group oo ay ka mid yihiin Bangiga (Dahabshil Bank International), Ganacsiga Guud, Isgaadhsiinta, Korontada, iwm, ayna ka hawlgalaan shaqaale ka badan 2000 qof oo uga adeega macaamiisha shirkadda in ka badan 140 dal oo caalamka ah, waxa loo nisbeeyaa ama loo tiriyaa inay kaalin muuqata oo laxaad leh ku lahayd koboca dhaqaale ee ay ku tallaabsadeen Soomaalida dibedaha ku nool ama ka soo noqotay oo ay shirkaddu dhaqdhaqaaqa lacagahooda aad u fududaysay.

Wargeyska The Africa Report oo ah bille xaruntiisu tahay magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, isla markaana akhristayaashiisu ka badan yihiin 400,000 akhriste, waxa ka hawlgala ama qoraalladooda lagu soo daabacaa, qorayaasha Africa inta u caansan ama loogu jecel yahay.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *