Daraasad Lagu Qaadaa-dhigay Warbaahinta Somaliland

Kampala(ANN)Machadka Cilmibaadhista, Dimoraadiyadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa soo saaray daraasad cilmi baadhis ah oo qotodheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu ku sameeyay duruufaha kala duwan maamul, shaqo, iyo farsamo ee ku gadaaman dhamaan qaybaha kala

duwan ee warbaahinta Somaliland, iyadoo si gaar ah loogu qaadaa-dhigay qaybaha warbaahineed ee ay ka kooban tahay Wasaaradda Warfaafintu, sida Idaacada, TV-ga, Wargeysyadda, iyo Website-yadda Iyo maraxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo qaabka ugu fudud ee xal loogu heli karo carqaladaha jira.
Sidoo kale machadku waxa uu daraasadan  si mg leh diirada ugu saaray duruufaha ay ku sugan tahay saxaafadda xorta ah ee madaxa banaan .
Daraasadan oo aad u dheereyd oo loogu talagalay saxaafadda ayaa iyada oo dhamaystiran la soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakadda araweelonews, waxayna  qayb ka mid ah  daraasadan nuxur ahaan u dhignayd sidan:-
“Machadka Cilmibaadhista, Hormarka iyo Dimoraadiyadda Somaliland, markii uu ogaaday mihiimda  balaadhan ee ay qaranka u leeyihiin haya’ddaha warbaahineed ee dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, marki aan ogaanay carqaladaha  kala duwan ee sooyaalka ee inta badan soo noqnoqda ee sida fudud loo maraayn karo hadii ay talo wadaag ay ka yeeshan dhinacyada ay khusaysaa, taas lagu baajin karo dhibka jira ,warbaahintuna u madax banaanto gudashada mihnadeedda  saxafadeed, iyada oo la raacayo  laguna hagayo qaanuunka sharciyeed ee dalka.
Waxa xusid mudan oo aan marnaba la halmaami Karin marka lagu eego caqli  aqoon daacad ahi ay ku jirto oo garowshiyo leh marxaladihii ay soo martay warbaahintu  oo xiligooda iyo xusuustooda lahaa,waxa mudan inana isweydiino maxa lalumiyey maxaa se soo kordhay.
Iyada oo daraasadu ay si taxadir  iyo dhugasho leh mid mid ay isu dul taagi doonto  xiliyaddaa,waxaa ay daraasadu door biday inan idiin soo qadino xusuus hor dhac ah oo daaran jahawareerka ka dhacay hanaankii  maamuliyo shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta taas oo sababtay in uu Madaxweyne Md  Ahmed Mohamed Maxamuud (Siillaanyo), uu mudadii koobnayd ee ay jirtay xukuumaddiisu uu xil ka qaadis iyo badal ku sameeyay tiraba Saddex wasiir oo uu Boobe u danbeeyey.
Daraasaddu waxay si dhab ah ugu kuur gashay una soo urruuisay carqaladaha aan la iska indha tiri Karin ee dul hoganaya geedi socodkii hanaankii Wasaaradda Warfaafinta, xogahaas oo aanu ka helay ilo wareedyo arrimahan si dhab ah ugu dhuun daloola oo isugu jira masuuliyiin kala duwan oo xilal ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafina, Suxfiyiin kala dawan oo ka hawl gala hayaddaha warbaahineed ee dawladda iyo kuwa madaxa banaanba, sharci yaaano, siyaasiyiin Aqoonyahano, Iyo qaybaha kala dawan ee dadweynaha.
Hadaba, qaybaha kala duwan ee warbaahineed ee ay ka kooban tahay wasaaraddu sida Idaacada, TV-ga qaranka, Wargeysyadda, iyo Website-yadda dowladu waxa uu dastuurku waajibinaya inay si siman ugu shaqeeyaan dowlada ,axsaabta siyaasada, urrurada iyo dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada     hadaba waxaa iska  leh qaranka  maamulkeedana waxay hoostagtaa wasaarada loo igmaday, hawlaha baahinta wararka dowladda sida barnaamijyada horumarineed, faafinta qaraaradka dowladda kasoo baxa sida digreetooyin ama wargalinta dadweynaha xaaladaha qaarkood. Waxaa kale oo ugusii muhiimsan hawlaha ay idaacad qaran ama wasaarada loo igmaday  qabato wacyi galinta shacabka arimaha nabadgalyada iyo wixii lahal maala iyo in shacabka oo ay u gubdiso muuqaalka siyaasada dowlada ,mararka qaarna waxay ka qeyb qaadataa propogan- dada dowladda ee ku wajahan dadweynaha.
Hadabo daraasadu inta aanay  gunda dagin nuxurka ujeedada cilmi baadhistanwaxay si hor dhac oo tibaax ah   hoosta uga xariiqaysa maadaamo lagu jiro xil doorasho waa in  waarbaahintu  qarankuna ay  si siman usiisaa  fursadaha dhamaan murashaxiinta si murashax walba uu barnaamijkiisa uga gubisto. Waxaa hubaal ah inay hadda Soomaaliland ay kujirto xilli doorasho iyo tartan loogu jiro jagooyinka ugu sareeya dalka taasoo ay ka dhalanayso ololo doorasho iyo in musharax walba uu doonayo inuu dadka uu gudbiyo fikirkiisa iyo barnaamijkiisa siyaasadeed. Waxaa meesha imaanaysa in fursad loo siiyo murashaxiinta dhamaan inay adeegsadaan media ama wasaarada warfaafinta  qaranka si siman oo cadaalad ah maadaama media uusan laheyn shakhsi gaar ah. Hadaba, waxaan ooga jeednaa media ama idaacada qaranka Soomaaliland hab dhaqan iyo maamuus kaduwan kan aan kor kusoo sheegay iyada uu u isticmaalayo sida uu doono halka aan fursad loo siin musharaxiinta kale inay ka gudbistaan fariimahooda taasoo d
haawacaysa

Shuruucda loo dajiyey barlamaanku ka soo sareen waa maxay
Go’aankii gollaha wakiiladu ay ku gaareen in idaacada ama tvga journalka dowladda ay u shaqayso hab waafaqsan heerka saxaafada Soomaaliland ee dhawaan waa tilaabo muhiim ah oo muujinaysa bisaylka gollaha wakiilada iyo dareenka ay ka qaadeen sida guracan ay u shaqayso. Waxayna xuseen in fursadaha idaacada tvga journalkaba  si siman loo siiyo dhamaan murashaxiinta

Wasaarada warfaafintu waxay xaq u leedahay  inay qaabayso  idaacada, tvga  iyo journalada dowladada  dhamaan shaqaalaheeduna waa inay ku shaqeeyaan siyaasadaas, laakiin maadaama Soomaaliland aanay weli si fiican uga hirgalin maamul wanaaga shaqaalaha idaacada qaranka qaarkood waxay u adeegaan shakhsiyaad gaar ah oo markii horaba shaqada keenay iyadoon marka horaba  la eegin aqoontooda iyo xirfadooda wariyenimo. Ama waxa masuliyiinta wasaarada oo aan loo ogalan howl maalmoodkoda Maadaama ay wasaaradu leedahay maaamulka idaacada qaranka waxaa muuqata in faragalin lagu hayo hawlaheeda shaqo taasoo ay ka dhalan karto in ay hawsheeda sidii la rabay u gudan waydo maadaama awaamir kor ka yimid ay ka leexinayaan siyaasadaha wasaarada amaba  tvga idaacada journalkaba iyo mabaadi’dii lagu aasaasay markii horaba oo ah inay u adeegto dalka iyo dadka si waafaqsan nadaamka dowliga ah iyo xeerka saxaafada. 
Sidii la rabay ma u shaqaysa wasaarada warfaafintu
Haddii aan wax laga badalin qaabka ay hadda u shaqayso waxay keeni kartaa inay lunto aaminaada iyo kalsoonida ay dadka ku qabaan wasaarada tvga  idaacada qaranka inkasto ay ahayeen masuliyiinti hore kuwo macquula sida agaasimihi tvga  hadana la soo magacaabay masuuliyiin cusub iyana kolay la iman doona waayo aragnimadooda hadii kale waxa imanaysa (loss of credibility) waxaana lumaya hadafkii loo aasaasay wasaarada oo ay hoos yimaadaan  idaacadaan  tvga journalkuba waa ku dowlade oo aheyd inay u adeegto dalka iyo dadka waxayna dhaawacaysaa nadaamka dowliga ah taasoo saameyn weyn ku yeelan doonta shaqada wasaarada guud ahaan gaar ahaan tvga idaacada iyo inay ka weecdo dhabihii dib usoo noolaynta idaacada qaranka ee dowladda   Soomaaliland taasoo meesha ka baxday , waana inay masuuliyiinta wasaarada ay wada shaqayntoodu hagaagsanaato  idaacada qaranka ilaaliyana maamul wanaaga maadaama aanay  aheyn meel cid gaar ahi  leedahay .
Jamhuuriyadda Somaliland waxay mudadii ay jirtay ku soo caano maashay Xoriyattul-Qawl iyo madaxbanaanida saxaafadda oo ku astaysan dastuurka dalku leeyahay.
Maxay tahay inay  ilaaliso wasaarada warfaafintu
Hadabo waxa nasiib daro ah in laga ilaaliyo dhamaan wixi wax dhimaaya waxaan waxa iyana lafteedu ceeb wayn ah inay wada shaqayn wayaan madaxda wasaarada uu sareeya iyo shaqaalo hoosaadka oo iyana luminaysa milgaha ay qaranka ugu jirto wasaarada miisaankeeda leh warfidinta iyo warbaahinta,qaran leeyahy oonay dhicin inay dhacdo sidii dhacday midi hada laga qaaday wasiirki warfaafinta md boobe isla daraasadan siday sheegayso ama daraasada ka samaynayo machadka cilmi badhistu oo aanay arinku gaadhin ilaa heerka madaxootyada ay gaadho guuxa wasaaradu oo waa inu dhameeya  masuulka wasaarada uu sareeya oo ka ilaaliya inay gadhin xurgafaha dhex yaala masuulinta wasaarada warfaafintu oo masuul kasta loo daaya wixi madaxweynu igmaday oon lagu faro galin sida runta ah waa waxyaabaha ragaadiyey wasaarada warfaafinta cilmi badhiis qoto dheer oo machadka cilmi badhistu ku ogaaday siduu idin soo bandhi doono daraasadeena danbe daba socda hor dhacan.
Maxay tahay inay wasaaradu samaayso saxaafiyiinta ama looga baahaan yahay saxafiga laftiisa
In la dhiso tayada aqoonta suxufiga oo la helo mac-had ama jaamacad mihnadeeda laga barto. – Suxufigu inuu ku dadaalo sugnaanta iyo dheelitirka warka, isla markaana ilaaliyo anshaxa iyo waajibaadka mihnadiisa. – In xilka suxufiga saarani yahay mid aad u culus oo u baahan inuu ka foojignaado sida uu u gudanayo – Maadaama tifaftiruhu uu masuul ka yahay wax kasta oo hay’addiisa warbaahineed baahiso in ay laga maarmaan tahay inuu yeesho aqoon iyo waayo-aragnimo saxaafadeed ku filan. – In Saxaafaddu xoojiso qarannimada iyo waddaniyadda iyo weliba inay difaacdo guulaha iyo qaddiyadda dalka, ilaalinta nabadgelyada iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee dawladnimo. – Saxaafaddu inay ku dadaasho baahinta mowduucyada ku saabsan arrimaha bulshada, oo aan lagu koobnaan wararka siyaasadda oo keliya – Suxufiyiinta Somaliland inay is-aaminaan oo aanay iyagu kala shakiyin ama is colaadin – Hay’adaha warbaahintu inay hagaajiyaan xuquuqda suxufiga.

Maxaa looga baahan yahay wasaarada warfaafinta inay ilaaliyaan danaha bulshada
Mihnada saxaafada sideedaba waa xirfad u baahan aqoon, waaya aragnimo, karti iyo hufnaan waxaana is biirsiga arimahaasi oo idil ay keeneyaa jiraalka saxaafad dhab ah oo ka run sheegi karta waqtiga iyo waayaha.
20-sano ka hor Soomaliland kama jirin saxaafad leh dhaqaaq nidaamsan, kaliya waxaa dalka ka jiray  warbaahin ku shaqeyn  jirtay nidaamkii kacaanka ee xligaa talinayay taa dharaar walba iyo galabnimadeeda dhagaha shacabka ku afuufi jirtay rabitaanka kacaanka iyo buunbuunintiisa.
Burburkii kacaankii 21-sano kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin xor ah taa oo u bareertay cabiraada ra’iyga iyo soo bandhista afkaaraha daahsoon  waxaana u badnaa warbaahintii xiligaa bilaabatay wargeysyada oo aan tusaale kooban ka dhigan karno jamhuriya.
Inkastoo talaabadaasi ay aheyd howl bilaw wanaagsan ayaa hadana waxaa ayaan daro noqotay in iftiinkii warbaahinta ee soo shaac baxay ay isku gadaantay daruur huwan hanka qabiilka waxaana arinka uu ku biya shubtay in wargeys walba uu qalinkiisa ugu adeego danaha beesha waxaana sheekada markay halkaas marayso u muuqaal ekaatay “dhaan dabagaale sinaba loo gaari waa”.
Wixii ka danbeeyay intay jirtay somaliland waxaa dalka gaar ahaan Magaalada Madaxda hargaysa  ka hanaqaaday tv  idaacad iyo wargaysyo  Madax banaan oo ku dhisan nidaam warbaahineed waxaana halkaasi ka dhashay tartan warbaahineed oo aan buurneyn, iyadoona dhaxalka loolanka warbaahinta uu noqday in kaliya hargaysa ay ka howl galaan  oo ay wehliyaan saldhig wareedyo ay leeyihiin TV-yo ku hadla afka Soomaaliga oo dunida dacaladeeda ku yaal waxaa intaasi ku sii darsan warbaahinta casriga ah ee ku shaqeysa qaabka Online-ka (WEBSIDYO), waxaase xusid mudan in  noocyadaasi xarumo warbaahineed aanu ka lug baxsaneen nidaamka ku saleysan qxaafadaha iyo deegaamaysiga.
warbaahinta waxa iyana xusid mudan warbaahintu  ay kala kulantay xukumadihii kala danbeyey xanibaad ba’an iyadoona dhan walba uu u xusul duubayo hanashada hogaanka warbaahinta  waxaana nidaamka shaqo ee warbaahinta Maanta uu yahay “ Aan qoree qalinka ii qabo”  waa su’aale suxufi qada qalinkiisa lala maamulo waxa soo saarkiisa muxuu noqon karaa? Inteebaase lagu kalsoonaan karaa xogta uu tabinayo? Inay yartahay baa laga yaab lakiin wey jiran haayado warbaahineed oo aad dhisan
Mudadii u dhaxeysay 2007-2010 Dalka haba ugu badnaatee caasimada hargaysa waxaa  lagu xidhay ama jidh dilay suxufiyiin badan
Dadka maanta ka shaqeeya  mihnada saxaafada oo u badan dad danayaal badan ka leh shaqada saxaafada isla markaana sharciyadeeda aan marayn ayaa waxa ay yihiin  kuwa sharafkii mihnada uu kala weynyahay amuuro kale  hadaan sawir guud ka bixino waa kuwa laga qaado  dadka iyagu doonaaya in afkaarahooda qaldan ay  ku baahiyaan dhagaha bulshada ma ogtahayse in dadkaasi Maanta uu dhex maro gorgortan  sida dad macaamil ganacsi uu ka dhaxeeyo oo kale.
Talaabada tan ee laaluusha qaadashada ah waxa ay xanibtay in masraxa warbaahinta ay ka dhex muuqan waayaan dadka wax galka ah sida aqoon yahanka oo kale, waxaana hog dheer lagu tuuray  inay wada shaqaynta fiicani meesha ka baxdo IWM,  kuwaa oo ay aheyd in warbaahinta ay u adeegto isla markaana ay soo bandhigto waxa laabtooda ka guuxaya.
Ma ogtahay in sababta dadkeena dal iyo dibad meel ay joogaanba ay uga  bogsan la’yihiin cudurada ka dhasha naxdinta iyo wal walka ay tahay mid laga dhaxlay hubsasha la’aanta turxaan bixin la’aanta iyo mas’uuliyad darada saxaafada oo ay ka gaabisay la odhan kara mar marka qaar wasaarada warfaafintu .
Saxaafada iyo suxufiyiinta maanta marka laga reebo hayaado warbaahineed oo si fiican guta waajibaadka  warbaahineed  balse waxa iyana mesha an ka madhnayn  qayb qalabkooda ugu adeega cida ay ka helayaan  manfac yar oo soke ama  ay ka doorbidaan shaqada bulshad.
Ugu danbeyn xiliga kan ee adag Soomaliland waxaa looga baahanyahay warbaahin uu hagayo caqli ka fiyow laaluush, eex, qabiileysi iyo nintooxsi  waxaana hirgalida qodobadaasi ay suurtagalin kartaa in dadku ay helaan xog sugan misna dheeli tiran wasaarada warfaafinta iyo ururada suxufiyiintu kawada shaqeeyan ama wada shaqayn ka yeeshan.
Laakiin hadii aan taasi la helin waxaa sii badan doona dhibaatada iyo cudurada ay warbaahinta maanta jirtaa dadka soomaliland dhaxalsiisay waxaana la gudboon  shacabka in ay feejigneen dheeri ah ka muujiyaan  qatarta warbaahinta .
Hadaba Akhrista ma dareensantahay daraasada uu sameyey machadka cilmi badhista iyo dimuqridayadu  iyo horumarka Somaliland ku saleysan  yahay qaab howleedka wasaarada warfaafinta   manta Somaliland ilaa bilow  ku gadaaman wasaarada warfaafinta ama warbaahinta Somaliland ?
Hadabo waxaanu dowlada Somaliland gaar ahaan wasaarada warfaafinta iyo akhristayaasha iyo ciday ay khusaysaba aanu u sheegayna inaanay daraasadani ahayn mid dhamaystiran balse aanu weli aanu wado lafana guraayo A TO Z dhibaatooyinka kugaadaaman wasaarada warfaafinta idina soo bandhi doono hadan ay socoto cilmi badhistu oo idin wado machadka cilmi badhista iyo dimuqridayadu  iyo horumarka Somaliland  idina soo bandhigi doono machadku ilaa sababiihi wasiirka warfaafinta xil ka xayuubinta keenay
Lasoco qaybaha kale daraasadan uu wado machadka cilmi badhista iyo dimuqridayadu  iyo horumarka Somaliland isago qabab casriya xog rasmiyaba idinku soo bandhi doona insh alaah
ALLAH MAHAD LEH
Waxa ku saxeexan  Machadka Cilmibaadhista, Dimoraadiyadda iyo Horumarka Somaliland
CHAIR MAN Khadar mohamed nour (bitijoor)
khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
00256791661106
Xafiiska kampala

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *