http://www.somaliland.org/images/b/2013/02/jub4.jpgHargeysa(ANN)Shirkada xawaalada lacagaha Jubba Express oo hore xarun ugu lahayd Somaliland, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay xafiis dhexe oo ay ku yelanayso Caasimada Somaliland ee Hargeysa munaasibad si weyn loo

 

agaasimay oo  lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa lagaga dhawaaqay xafiiska cusub.

Munaasibada Xaflada loogu sameeyay Xawaaladda Juba waxa ka qaybgalay Wasiirka Ganacsiga Somaliland  C/rasaaq Khaliif Axmed, maamulka iyo masuuliyiinta shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba express, siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida, salaadiin, cuqaal, madaxdhaqameed, ganacsato, Haween iyo Dhalinyaro qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo madaashaa hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyiinta shirkada Jubba Exprees horumarka iyo maalgashiga cusub ee ay  kusoo kordhiyeen dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay cid kasta oo dalka wax ku soo kordhisa in loo mahad naqo,  laguna hambalyeeyo, isagoo yidhi,  “marka u horaysa aan hambalyeeyo una mahad naqo soona dhaweeyo una duceeyo madaxda iyo mulkiileyaasha shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqayaa horumarka iyo maalgashiga ay sameeyeen ee ay dalka ku soo kordhiyeen, runtii waxaan qabaa qof kasta oo wax wanaagsan keena in abaal gudkiisu yahay in loo mahad naqo, qofku haddii uu horumar sameeyo wuxuu isna mudan yahay oo uu jecel yahay in la garab is-taago oo la dhiiri geliyo oo lagu hambalyeeyo waxa uu qabtay”. ayuu yidhi.

C/risaaq Khaliif waxa uu sheegay in marka ay soo kordhaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada arrimaha bulshada ay taasi soo kordhiso tartanka iyo tayada shirkadaha,  isla markaana shirkada Jubba ay soo kordhinayso adeegyada ay bulshada u fidinayaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “markasta oo ay soo kordhaan shirkadaha noocan ah ee adeega ka shaqeeya,  ama uu tartanku soo kordho waxay soo kordhisaa tayada oo korodha, xawaaladan soo korodhay ee Jubba Express waxay qayb ka noqonaysaa in ay dhiiri geliso in adeegii iyo adeegyadii hufnaa iyo tayadii ay shirkaduhu bixinayeen ay sii kordhaan, iyaduna ay ku dadaasho sidii ay ku gaadhi lahayd kuwii ka horeeyay, waa horumar soo kordhay waxyaalo badan ayayna soo kordhinaysaa oo waa dhaqaale dalka ku soo kordhay, dhaqaalahaa soo kordhayna shaqo abuur ayuu samaynayaa, dakhli ayuu samaynayaa, waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarka iyo samafalka” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Guddoomiyaha shirkadda xawaalada lacagaha ee Jubba express C/salaam Xasan Giir oo dhinacooda ka hadlay xaflada lagu furayay xarunata dhexe ee shirkada Jubba ayaa ka waramay ujeedada ay u sameeyeen xafladan iyo sidoo kale mudadii ay shirkada Jubba Express shaqaynaysay iyo meelihii ay ka bilawday shaqada, wuxuuna yidhi,  “maadaama shirkadu in muddo ah ka shaqaynaysay Somaliland waxaanu munaasibadan u qabanay in aanu war bixin kooban ka bixino shirkadan, meelaha ay ka shaqayso si shacabka reer Somaliland ay wax uga ogaadaan, adeegyada arrimaha bulshada ku waajahan ee ay shirkadani samayso, xidhiidhka ay la leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo sidoo kale aragtida shirkada iyo waxyaabaha ay hiigsanayso mustaqbalka”. ayuu yidhi Gudoomiyaha Jubba

C/salaam Xasan Giir waxa uu sharaxaad ka bixiyay wakhtigii la aas aasay shirkada Jubba Express iyo meelihii u horeeyay ee ay shaqada ka bilawday, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “shirkada Jubba express waxaa la aas aasay oo ay shaqadeedii u horaysay bilawday sanadkii 2010-kii, waxaanay ka bilawday magaalada Jubba ee koonfurta Suudaan, halkaasi oo au muddo ka shaqaynaysay, iyada oo markii danbena ku fiday wadamada afrika iyo carabtaba, shirkadan jubba express waxay liisankeedii u horeeyay ee ganacsiga ka qaadatay dalka Somaliland sanadkii 2010-kii,  halkaasi oo ay laba xafiis ka furatay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, hase yeeshee xafiisyadaasi may sii shaqaynin, shirkadu waxay xafiisyadeeda ku balaadhisay daafaha aduunka oo dhan aakhirkii sanadkii 2010-kii, waxaanay mar labaad xafiisyadeedii u horeeyay ka furatay Somaliland sanadkii 2011-kii bishii shanaad, iyada oo kii u horeeyayna aanu ka furnay magaalada Hargaysa, kii labaadna Burco, anaga oo markii danbena dhamaanba magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee dalka oo dhan  ka furnay xarumo iyo xafiisyo”.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkada xawaalda lacagaha ee Jubba Express waxa kale oo uu ka waramay goobaha iyo waxyaabaha tabarucaadka ah ee ay ka qayb qaadatay shirkadu iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan ee dhinaca Bulshada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Saddex bilood ka hor waxaanu tagnay xarunta agoomaha ee Hargaysa oo caawinay, dhakhtarka Hargaysa ayaanu isna tagnay ajandahayaga ayaanay ku jirtaa in aanu wax ka qabano oo aanu caawino, wadada Wajaale iyadna waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano waanan balan qaadnay, waxyaabaha noo qorshaysan in aanu wax ka qabano wax aka mid ah arrimaha dhalin yarada gaar ahaana ciyaaraha waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano, wadooyinka magaalooyinka dalkana in aanu ka qayb qaadano, aragtidayada soo socota waxaanu doonaynaa in aanu kordhino adeegyada lacag dirida iyo in aanu furno Bangiyo , in aanu wax ka qabano wadanka ayaanu ku talo jirnaa ee uma joogno oo keliya in aanu ka shaqaysano” ayuu yidhi Mr. Giire.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *