Hargeysa (ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa xalay casho-sharaf u samaysay dhakhtar Stephen Gorden oo u dhashay dalka Maraykanka, xaaskiisa iyo laba kalkaaliyayaal ah oo ay mid tahay gabadh Soomaaliyeed, kuwaasoo shirkaddu ka soo kaxaysay

 

dalka Maraykanka si ay hawlo caafimaad oo bilaash ah uga fuliyaan Somaliland.
Casho-sharafta loo sameeyey dhakhaatiirta Maraykanka ah waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha shirkadda Telesom Mr. Cabdikadiin Maxamed Iid, masuuliyiin sare oo shirkadaas ka tirsan, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Axmed Nuur (Guray), agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, wasiirkii hore ee qorshaynta Cali Ibraahin Maxamed (Cali Sanyare) iyo marti sharaf kale oo lagu martiqaaday.
Waxa  ka kadlay xafladaas casho-sharafta ah ka hadlay  wasiirkii hore ee qorshaynta Cali Sanyare oo sheegay in shirkadda telesom kaalin fiican kaga jirto horumarka dalka iyo wax ka qabashada arrimaha bulshadda, isagoo xusay  inuu Telesom ku ammaanayo waxqabadka ay muujisay.
Agaasimaha Guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Askar oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey hawlaha dhinaca caafimaadka ah ee dhakhaarka iyo kalkaaliyaasha caafimaad ee Maraykanka ahi ka qabteen cusbitaalka Hargeysa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qalliino bilaash ah oo dad kala duwan loo sameeyey, isagoo shirkadda Telesom ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay in dhakhaatiirtaas Maraykanka ahi dalka ka fuliyaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland oo isna halkaas ka hadlay, ayaa  guul weyn ku tilmaamay tallaabada ay qaaday shirkadda Telesom ee lagu suurtogeliyey in dhakhaatiir caafimaad la keeno Somaliland si ay adeegyo caafimaad oo bilaash ah uga fuliyaan cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Waxa kale oo xafladaas casho-sharafta ah ka hadlay Dr. Stephen Gorden iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la socday, kuwaasoo sheegay inay tahay markoodii ugu horaysay ee ay Somaliland yimaadaan, waxayna tilmaameen in shaqada ay dalka ka fuliyaan ugu socoto si fiican.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdi Axmed Nuur oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shirkadda Telesom uga mahadceliyey dhakhaatiirka ay keentay Hargeysa, isagoo tilmaamay in wasaaradiisu ku tiirsan tahay Telesom.
“Dhammaantayo waxaannu ku tiirsanahay shirkadda Telesom, wasaaradayadu internet-ka ay ku shaqaysaa waa kan Telesom, lacagahana waxaannu isugu gudbinaa adeega Zaadka, Telesom hawlaha ay hadda nala soo galeen ee xagga caafimaadka ahna aad baanu ugu faraxsanahay, waanan soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku.
Dhakhaatiirta Maraykanka ah ayaa muddadii ay joogeen cusbitaalka guud ee Hargeysa waxay qalliino bilaash ah u sameeyeen dadka gubtay ee ay qaar ka mid ah xubahooda jidhku isku dhageen sida qoorta, gacmaha iyo meelo kale, waxaa kale oo ka mid ahaa qaliimadii ay sameeyeen dadka faruuran, kuwaasoo dhammaantood ku guulaystay qalliimadii ay sameeyeen.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *