Hargeysa(ANN)Maareeyaha cusub ee dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay  Xafiiska Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Maareeyihii hore ee Xafiiskaa.

 

Munaasibada ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo lagu qabtay Xafiiska Hay’adda ee waxa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee wasaaradda dib u dejinta, madaxda iyo Shaqaalaha Xafiiskaa iyo xubno kale oo masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha dawliga ah.
Maareeyihii hore ee Xafiiska WFP Maxamed Daahir Axmed oo ka hadlay munaasibada xil wareejinta ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, wuxuuna sheegay inay isaga iyo shaqaalihiisu xooga saareen hir-gelinta nidaamka shaqo ee xafiiskaasi u furanyahay, isla markaana ay Mashaariic fara badan oo ku saabsan mucaawimooyinka dhinaca Raashinka ah u meelmariyeen deegaamo badan oo ay ka jireen Baahiyo in laga taakuleeyo u baahan, sida goobaha waxbarashada, Xanaanooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Maareeyaha cusub ee Xafiiska la wareegay Yuusuf Cismaan Garas oo ah nin Aqoonyahan ah ayaa ka sheegay munaasibada uu xilka kula wareegay inuu ku faraxsanyahay hawsha fiican iyo shaqada uu kala wareegay Maareeyihii hore , wuxuuna dhinaciisa balan qaaday inuu halkaasi ka sii wadi doono adeegyada xafiiskaaasi bulshada u qabto oo ah maareynta Mucaawimooyinka Hay’addaha Caalamiga ah, gaar ahaana Hay’adda WFP, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Xafiiskan waxa uu la curtay Xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay shaqadiisu tahay sida la tilmaamay maareynta Mucaawimooyinka Raashinka, gaar ahaana Hay’adda WFP oo ah Hay’ad UN ah oo mucaawimooyin badan ka fulisay Somaliland, gaar ahaan Goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka”ayuu yidhi.

Maareeyaha cusub Mr. Garas wuxuu balanqaaday in mucaawimooyinka ay gaadhsiin doonaan dadkii loogu talo galay, isagoo yidhi, “hadaba waxaan balan qaadaynaa inaan aniga iyo shaqaalaha xafiisku annagoo iskaashanayna aanu mucaawimooyinkaasi iyo ujeedada xafiiskani u dhisanyahay gaadhsiin doono dadkii loogu talo galay, waxaana ku dedaali doonaa sidii aan hawsha halkan uga sii wadi lahaa ee aan u sii horumarin lahaa”ayuu yidhi.

wuxuuna masuulka cusubi u mahad naqay Shaqaalaha iyo Madaxda Waaxyaha Xafiiskaasi oo uu sheegay inay si fiican u soo dhaweeyeen, isagoo ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan mudada uu Madaxda u yahay.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dib u dejinta Cali Maxamed Biikalo, oo labada masuul ee Maareeyihii hore iyo Maareeyaha cusub xilka u kala wareejiyay ayaa Maareeyaha cusub kula dardaarmay inuu ku dedaalo sidii uu hawsha Xafiiska loo dhiibay uga soo bixi lahaa, isla markaana u horumarin lahaa adeegyada loo aasaasay.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah dadkii xaflada ka qayb galay ayaa labada masuul ku amaanay sida fiican ee ay hawsha isugu wareejiyeen, waxayna Maareeyaha cusub illaahay uga baryeen inuu hawsha u fududeeyo, iyagoo Masuulka xilka wareejiyay ee Maareeyihii hore ee xafiiskaa Maxamed Daahir Axmed ku bogaadiyay nidaamka fiican iyo horumarka xafiiskaasi uu ku sameeyay mudadii yarayd ee uu joogay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *