Laascaanood(ANN) Munaasibad si weyn loo abaabulay  oo ujeedadeedu ahayd xafiis cusub oo Urur siyaasadeedka WADANI  ka furtay magaalada Laascaanood ayaa shalay lagu qabtay Hotel Xamdi  oo ku yaala Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, munaasibadaa oo  ay

goob joog ka ahaayeen maamulka heer gobol  ee urur siyaasadeedka Wadani.
Xafladan loo sameeyey furitaanka xafiisyada ururkaasi ku yeelan doono gobolka Sool ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta maamulka urur siyaasadeedka WADANI ee gobolka Sool, taageerayaasha ururkaas ee gobolka , waxgarad aqoonyahan iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
waxaa munaasibaadaasi  dadkii ka hadlay  ka mid ahaa  nin lagu magcaabo Shiine oo ka mid ah aasaasayaasha urur siyaasadeedka WADANI, isla markaana ku hadlayay afka Gudoomiyaha xisbiga WADANI, waxaanu taageerayaasha ururkaas uga mahad celiyay sida ay uga soo qayb galeen kulankaa  munaasibada furitaanka xafiiskooda.
Madasha munaasibadaas ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Prof. Cabdiraxman oo ka mid ah golaha dhexe ee ururka WADANI isaga oo tacsi u diray dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu geeriyooday Aadan Mire waqaf wuxuuna ku booriyay dadweyanha gobolka inay garab siiyaan ururka WADANI.
Marwo Carfi Jaamac Cali Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI ee gobolka Sool iyo masuuliyiin kale ayaa iyaguna khudbado dhaadheer oo ku aadan sida loola jaan qaadi lahaa xisbiga WADANI ka jeediyay halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *