Burco(ANN)Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Gurmad Nuur Faarax Xirsi Iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco,Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa waxaa gaadiid iyo dadwayne tiro badani kasoo galbiyeen dhinaca oodwayne oo uu kasoo

 

kicitimay, isla markaasna uu ka soo furay xafiiskii Ururka ee Oodweyne,waxaanu markii uu magaalada Burco soo gaadhay xadhiga ka jaray Xarunta Guud ee uu Ururku ku yeelan doono Gobolka Togdheer,halkaas oo uu waftigu kula hadleen dadwayne tiro badan oo taageerayaasha Ururka Gurmad ahaa,waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Gurmad Nuur Faarax Xirsi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa,

“waxaan idiinka mahad naqayaa sida qadarinta iyo shucuurta leh ee aad noosoo dhawayseen,waxaanu maanta halkan u nimi inaaan furo xafiiskii Ururka Gurmad uu ku yeelanaynay xarunta Gobolka Togdheer Magaaladiisa Burco kaas oo aanu ugu talo galay dadka doonayaa Ururka Gurmad inay taageeraan inay iska diwaan galiyaan,waxaanan rabnaa inaan dhamaan dalkoo dhan Mudo todoba Cisho ah dalkoo dhan aanu xafiisyada ka furano oo aanu geed geed iyo tuulo tuulo uga hawl galo, Magaalada Burco waa xudunta soomaaliland waxaanan Burco ugu baaqayaa inay shacabkeedu qaataan masuulayad wayn oo ay horseed ugu noqdaan wadankoo dhan,waad ogtihiin siyaasiyiinta waad ku daasheen inay been iyo khiyaamo,waxaanu balan qaadaynaa inaana umada khiyaamayn oo aanan been sheegin mana jirayso balan qaadyo aanu samaynayno oo aanu leenahay malab baanu dhuraynaa,hadii aad noo balan qaadan inaad nala gurmataan waxaanu balan qaadaynaa inaanu umada abaabulo oo oo tusno inay wax qabsato oo ka kacdo fadhiga,dayaca maanta yaalaa dhafoorkiinuu ku yaalaa ee siyaasad leh ee tacliin leh nolol leh,sidaas markay tahay maanta waxanu idiinku baaqaynaa inaynu gidigeen u istaagno inaynu wadankeena u raro meel maanta meeshuu joogo u dhaanta taasina waxay ku imanaysaa hogaan daacad ah oo aan umadiisa khiyaamayn iyo shacab barbar taagan” ayuu yidhi Gudoomoyihu.

sidoo kale waxa  halkaas ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Gurmad Axmed Baaruud Cige,Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Gurmad Muuse Carab Dugsiiye waxaanay ka mahad naqeen sida loosoo dhaweeyay iyagoo ugu baaqay inay bulshadu taageerto maadamay yihiin dad daacad ah oo aqoonyhan ah

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *