Hargeysa(ANN)Munaasibad lagu xusay Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, oo ahaa hormoodkii  saxaafa Somaliland ee casriga dhidibada u taagay waxyar ka dib gooni-isu-taagii iyo lasoo noqoshadii qaranimada Somaliland ee 18 May 1991 lagaga dhawaaqay magaalada Burco

ayaa  maanta Hargeysa loogu sammeeyay xuska sannad-guurada 13aad ee kasoo wareegtay geeridiisii oo ku beegnayd November 09, 1998, munaasinada xuskaa oo uu soo qabanqaabiyay Wargeyska Saxafi oo ka mid ah wargeysyada kasoo baxa magaalada Hargeysa.
Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo dalka  keenay madbadacadii u horraysay wax lagu daabaco oo meesha ka saartay qaabkii gabboobay ee wargeysyadii waqtigaa kasoo bixi jiray dalka oo lagu rogi jiray Stencil-ka oo ahaa warqado yar yar oo A4 ah. Waxa munaasibada xuska loo sameeyay kasoo qaybgalay xubno kala duwan oo bulshada oo qaarkood aqoon u lahaa oo ay soo wada shaqeeyeen, kuwaas oo ka hadlay shakhsiyaddii Marxuumka iyo waxyaabaha lagu xasuusan doono

Qoraa Boobe Yuusuf  Ducaale oo ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka, ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ka xusuusto iyo shakhsiyaddiisii, ” marxuum Maxamuud wuxuu ka mid ahaa foolaadkii saxaafada, waxaana sanadkii 1997 kii ka wada shaqayn jirnay Wargeyska Jamhuuriya, wuxuu ahaa nin adag, muu ahayn dadka wax xanta balse waxa uu sheegayo qofka hortiisa ayuu ku odhan jiray” ayuu yidhi Boobe, isagoo sii wata waxa uu yidhi” Maxamuud waxa uu dalka keenay dhiishkii ugu horeeyey ee satellite ka ku xidhan oo aanu wararka ka diyaarin jirnay”.
“Marxuumku waxa uu waday taalo uu doonayey inuu halkan ka sameeyo oo ah fooq saddex dabaq ah oo dhakada sare ka saaran yahay sawirkartoonka dhanxiir oo ka samaysan looxaan uu dibada ka keenay oo ujeedda guriga madaxtooyada, balse nasiib daro gurigaasi muu dhismin”ayuu yidhi.
Sawir kartoonkan dhanxiir ayaa ah sawir labada weji leh oo hadba wadciga lagu jiro ka hadla, waxaanu ku soo bixi jiray jaraa’id, isagoo matalaya qof mucaarad iyo qof muxaafad ah, isaguna iskugu jawaabayo oo dadku aad u jeclaayeen.
Mar kale isagoo Boobo sharaxayo shaqadii adkaa ee marxuumka waxa uu yidhi, “Wuxuu soo saari jiray barnaamij toddobaadkii soo baxa oo la odhan jiray faaqidaada toddobaadka, kharashkasta wargeyska ku baxaya waxa si gaar ah u bixin jiray alla ha u naxariistee Marxuum shide, waxa wakhtigaasi jaraa’idku soo saari jiray 5200 oo koobi oo gobolada loo kala diro, waxa uu biilin jiray fanaaniinta iyo dhalinyarada jabhadda ahayd ee qoriga sidatay, “ayuu yidhi Boobe Yuusuf oo ah nin qoraaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isaguna ka hadlay wixii uu ka yaqaannaay, isagoo  yidhi, “Waxa uu marxuumku barigaa iga codsaday in jaraa’idka uu qoraalo ku qora ana waan ka aqbalay oo barigaa waan ka faa’iiday oo qoraalo badan ayaan sameyey, wuxuuna ahaa nin dadka baray sida wax loo qoro”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta  Somaliland  SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide dhaqaalihiisii iyo xoogiisaba u huray hirgelinta saxaafadda Somaliland ee madaxabannaan oo uu dhidibada u taagay. Sidoo kale Xoghayaha ururka SOLJA  Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo in badan ay soo wada shaqeeyeen ayaa sharaxaad ka bixiyay aqoontii uu u lahaa Marxuumka, isagoo  ku sifeeyay deeqsi qof walba wax siiya, isla markaana hirgaliyey saxaafada casriga ah ee Somaliland, isagoo sheegay inuu ka bedelo waraaqihii yaryar ee ay ku soo saari jireen una bedelay in laga dhigo waraaqo A3, waxaanu keenay madbacada weyn oo jaraa’idku ku daabacaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *