Aduunyada Nin nooloow  maxaa aragti kuu laaban, waa xikmad nin hore yidhi, maalin walba waxaad arkaysaa wax kaa yaabiya. Waxa yaab iyo amakaag noqotay  wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo furtay Urur siyaasadeed, warkaa oo saxaafada qaarkeed uu u qaybiyay nin sheegtay

 

Af-hayeenka Ururka aan weli la sharci garayn oo hada uun calool galay oo  lagu magcaabo RAYS, ninkaa   oo magaciisa ku sheegay Khaliif Xiin-waal.
Marka hore Khaliif maaha qof aanan garanayn ee waa nin dhinaca Qurbaha ka yimi oo dalka in baddan ka maqnaa, wuxuuna sheegay in wasiiro qaarkood Xajka ku maqan yihiin sida Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo soo gudanaya waajibkii Illaahay faray  ay Ururkaa NASIYE oo lagaga dhawaaqay maalmo ka hor dalka ay  ku bixiyeen dhaqaalle baddan oo ay  ka danbeeyaan.
Marka hore Khaliifoow qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu ku biiro urur siyaasadeed , ama furto, ama xubin ka noqdo, waana wax dastuuri ah, balse Khaliif waxan u sheegaynaa inay arrintiisu tahay mid been abuur iyo wanjal siyaasadeed  oo qaawan ah, taas  oo  ah mid meel ka dhac ku ah masuuliyiintaa qaranka dhaleecaynta noocaa ah iyo beenta qaawan ee kaasoo  baxday oo aanu ka xaal siinayno masuuliyiintaa qaranka. Waxaana kuu sheegaynaa  horta dalka hadaad Koyday ee intaanad cidna canbaarayn oo aanad dhex dabaalan mawjado wanjal siyaasadeed iyo shaqi nacayb horta dadka dalka horuu joogay iyo kuwa xog ogaalka ah warayso, waxaan ku leenahay  illaahay haw naxariistee  abwaan Qaasin ayaa gabayadiisa mid ka mid ah waxa ka mid ahaa, “Hubka weyn xamilimaysid  iyo hiririgtiisiiy’e, waxaan kugu yar hayl-haylayaa hoota  bagaftaas’e”  markaa waxaan leenahay Khaliifoow mabaad dhalane dhawrtaysan ogidaa.
By, Nagiib Muuse Axmed iyo Naasir Af-weyne Fiix
Hargeysa

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *