Marka si guud loo eego Qodobada ka soo baxay Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya 21 sanadood ka dib, waxa muuqata in horumar kooban laga gaadhay kala xidh-xidhnaantii siyaasadeed iyo is-inkiraadii labada dhinac hore uga dhex jirtay oo aad moodo inay hada meesha

ka baxday , hase haatee wali lama gaadhin yool dhab ah oo ka midho dhalin kara rabitaanka labada shacbi ee Somaliland iyo Somaliya.

Wallow Bulshada reer Somaliland markii ugu horaysay ay si weyn u soo dhaweeyeen inay dawladoodu qaado talaabo mug leh oo ay kula hadlayso Dawlada ku-meel gaadhka ah ee Somaliya, isla markaana aad moodo inay yiqiinsadeen in laga gudbay xiligii xidh-xidhnaanta siyaasada, loona gudbay wakhti rabitaankooda laga raadinayo meel colaad badani kaga furnayd.

Hadaba, Hadii sidooda loogu dhaqmo qodobo ka mid ah sideedii Qodob ee laga soo saaray Shirkii laba geesoodka ahaa maalin saddexaad lagu soo gabagabeeyay Chevening House (London), ee dhex marar Ergooyinka Somaliland iyo Somaliya,  waxa loo gudbi karaa isfaham ka sii horumarsan halkay hada wax marayaan, iyadoo guusha ugu weyn ee la gaadhi karaa ay tahay inay labada dhinac isaga garaabaan caqabadaha kala Irdheeyay xiligii bilowga Dawladnimada Somaliya oo laga soo qaadan karo Cadaadis Siyaasadeed, xasuuq arxan daro ah loo geystay shacbiga reer Somaliland, kuwaasoo gun u ah waxa somaliland ku khasbay inay gooni-isutaageeda dib ula soo noqoto afartan sanadood ka dib.

Qodobada ugu muhiimsan Maxsuulka shirkaasi  ee loo baahanyahay in laga shaqaysiiyo si hadaf cad oo aan mugdi ku jirin loo gaadho, waxa ka mid ah, Iskaashiga dhinaca amniga ee labada dawladood, sii ambaqaadka wada hadalada , qaybsiga dhaqaalaha Caawimada loo siiyo Somaliya iyo samaynta Khubaradda dhinaca Sharciga ee la Iclaamiyay, qodobadaasoo hadii la dhaqan geliyo lagu dhaafi karo Mushkiladahah Gudaha iyo dibada kaga oogan Muqdsiho iyo Hargeysa, gaar ahaan amni darada, walaac siyaasadeed ee soo noqda iyo faro-gelinta dibada ee amniga iyo siyaasadaba.

Marka la gaadho is-faham ka qoto  dheer kan iminka la gaadhay ee dhex maray labada dhinac, waa inay Somaliland dhabada u jeexdaa dariiq cusub oo ay kaga qayb qaadanayso dib u dhiska Somaliya, iyadoo u shaqaynaysa sida dawlad madaxbanaan oo la mid ah dalalka afrika ee hawl-galka nabad raadinta ah ka wada Somaliya, una dhaqaaqdaa sidii ay Ciidamo Milateri ah iyo Boolis gaar loogu tababaray ugu diri lahayd Gobolada Koonfurta Somaliya ee aanu wali degenaanshiyuhu ka jirin.

Hadii ay sidaasi isla qaataan Somaliland iyo Somaliya waxa si dhakhso ah looga xoroobayaa ama meesha ka baxaya Fikirka ama Mabda’a ay kooxda Al-shabaab Somalida ku beerlaxawsato, kaasoo ah in Ciidamada Nabad-ilaalinta u jooga Somaliya ay ka socdaan wadamo ay dadkoodu Kiristan u badan yihiin, kuwaasoo ay ku tilmaamaan inay u adeegayaan cadaw shisheeye ah oo aan Somalida jeclayn, waxanay  Somaliland noqonaysaa dalkii labaad ee dadkiisu Somaliyihiin ee Ciidamo nabada ka qayb qaata u dira Somaliya.

Hase ahaatee inta aan la gaadhin ama lagu gudo jiro Iskaashiga labada dhinac ee wada hadalada bilowga ah lagu Iclaamiyay, waxa muhiim ah inay Somaliland iyo Somaliya si dhakhso ah uga wada xaajoodaan Muranka Xuduudaha labada Dal ee uu Maamulka Puntland Mushkiladaha ka wado iyo sidii loo abuuri lahaa Goobo ka shaqeeya isu socodka labada dawladood ee dhinaca Beriga ama dhulka, taasoo lagaga hortegayo Dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Xag-jirka lagu sheego iyo Budhcad-badeeda Somaliya joogta, kuwaasoo hadii la dagaalankooda ay labada dawladood iska kaashadaan si dhakhso ah looga takhalusi karo.

Sidoo kale waxa meesha ku jirta in labada dal ka wada shaqeeyaan sidii cuna-qabataynta Hubka looga qaadi lahaa, isla markaana awood buuxda loogu siin lahaa inay amniga wadamadooda ilaashadaan, iyadoo tayeyn muuqata lagu samaynayo hay’adaha amniga gudaha laba dawladood.

Si kastaba ha ahaatee kulamada dambe  ee ay u balameen lada dawladood wakhtiyada soo socda ayaa ah kuwa arimahan aynu  soo sheegnay oo dhan lagu hir-gelin karo, iyadoo ay labada dhinac isu muujinayaan kalsooni dhab ah, isla markaana laabta ku hayaan inay iska xigaan guud ahaanba Qaramada aduunka ka jira oo ay Somali wada yihiin,waxaana ku waajib ah Dawlada Somaliya ka jirta ama ta ka dhalan doonta  inay aqoonsato Somaliland, taasoo bedelkeeda ay ka heli karto gacan qabasho walaalnimo ku dheehantahay, hadii aanay talaabadaasi qaadi karina waxa meesha ku jirta ama iska cad inaanay Somaliland wakhti badan iskaga luminayn iskaashi aan macno ugu fadhiyin qadiyadeeda iyo rabitaanka shacbigeeda ee lagu gaadhay  Magaalada Burco  1991-kii.

Saleban Cabdi Cali

Waaheen Stuff Writter

Hargeysa Somaliland

Email: Curad1986@hotmail

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *