Sudan(ANN)Barnaamij si heersare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen UNUGGA WADINAYDA SOMALILAND faraciisa Sudan, oo loogu  baroordiiqayay ALLE HA U NAXARIISTEE ABWAAN MAXAMED XAASHI DHAMAC GAARIYE, ayaa waxa uu ka qabsoomay hall ka shirarka ee

Jaamacada Afrika ee dalka Sudan. munaasibadaa baroordiiqda ah  waxa ka  qayb galay Masuuliyiin ka kala socotay ururada dhalinyarada Soomalida gaar ahaan ururka ardayda Somaliland ee Sudan, macalimiin jaamacadeed, Abwaano, Aqoonyahano iyo marti-sharaf kale oo badan.

Munaasibadaa oo  lagu furay aayado quraanka kariimka ah iyo duco loo duceeyay abwaanka alle ha u naxariistee, waxa sidoo kale furitaankii barnaamijka kalmad soo dhawayn iyo mahadcelin ah u jeediyay marti-sharaftii ka soo qayb gashay baroordiiqda Gudomiyaha Unnuga Wadaniyada Eng. Siciid C/laahi Xuseen. barnaamijkan oo u jeedadiisu daarnayd in lagu xuso isla markaana loogu baroor diiqo abwaan Gaariye oo dhawaan ku geeriyooday cariga Norway, laguna aasay magaalada Hargaysa, ayaa waxa lagu soo bandhigay taariikhda abwaanka alle ha u naxariistee, kaalintii uu kaga jiray suugaanta Soomalida, doorkii uu ku lahaa halgankii qadhaadhaa ee dhalay Somaliland, iyo guud ahaan heerarkii iyo waayihii kala duwanaa ee uu noloshiisa ku soo qaatay. waxa sidoo kale si faahfaahsan loo soo bandhigay maansooyinkiisii iyo kaalmihii uu kaga jiray waaxda waxbarashada.
furitaankii barnaamijka ka dib waxa si toos ah khadka telefoonka nagala soo qayb galay ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME HADRAAWI oo ku sugan magaalada Addiss Ababa, waxana abwaanku uu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay isla soo mareen Marxuumka, waxana uu ku tilmaamay halyay qaran isagoo sheegay abwaan Hadraawi inay tiraba dhawr silsiladood kuwada jireen. waxa madashaashi ka soo jeediyay taariikhda abwaanka, mudane Xuseen Maxamed C/laahi, sidoo kale waxaa doorkii abwaanku alle ha u naxariistee uu ku lahaa suugaanta somalida qaada dhigay mudane Aadan Daahir (aadan cadde), waxa sidoo kale kaalintii uu bulshada Somaliland ku lahaa sharaxaad qoto dheer ka bixiyay Dr. C/QAADIR XIRSI MAXAMED oo ah madaxa kuliyada Geology ga ee Jaamacada Afrika, ahna bare ka tirsan Jaamacada Khartoum. waxa iyakuna wacdaro ka muujiyay baroordiiqdan abwaano ay ka mid yihiin abwaan Maxamed C/qaadir Istaanza iyo abwaan Mustafe Xasan Nuur oo soo bandhigay suugaantii uu Marxuumku lahaa iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo waliba kaalinta wax ku oolka ah ee uu ugu jiray bulshadiisa alle ha u naxariistee.
waxa iyaguna dareemkooda habeenkan muragada badan ku cabiray, mudane Ibraahim C/raxmaan Sh. Bashiir, marwo UmalKhayr Maxamed Adam, iyo Xoghaya Ururka ardayda somaliyeed ee Sudan mudane C/fataax Xuseen Jaamac(Jaax-Jaax), waxayna dhamaantood dareem isku mid ah oo qiiro leh ka muujiyeen geerida ku timid alle ha u naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, iyakoo dhamaantood is dul taagay kaalintii iyo doorkii uu ku lahaa guud ahaan bulshada Somalida, gaar ahaan shacabka reer Somaliland.

geba gebadii barnaamijka waxa abwaanka alle ha u naxariistee loo akhriyay faataxada isla markaana ka soo qayb galayaashi barnaamijku waxay si aan kala hadh lahayn ugu duceeyeen abwaan gaariye, Ilaahay godka ha u nuuree….

C/raxman Ismaaciil Cabdi Dacar
Ex. Chairman of Somaliland Students Assembly in Sudan
Khartoum, Sudan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *