Hargeysa(ANN)Ciidanka amaanka ayaa xoriyadoodii usoo celiyay xalay  Afar dhalinyaro ah oo ay cutubyo ka tirsan Ciidamadda  sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka argagaixisada oo loo yaqaan RRU iyo SPU-du ugu daateen habeen hore 9 Oct 2012 Guri ay fadhiyeen oo ku yaalay

 

Degmadda 26-ka Juun ee Magaaladda Hargeysa.

Afartaa dhalinayarada ah oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha wargeyska madaxa-banaan ee Saxafi oo ka soo baxa Hargeysa C/fataax Dheeg ayaa lasii daayay kadib markii su’aalo la weydiiyay, balse waxa ay Booliisku la hadheen Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo ka mid ahaa shanta dhalinyarada ah ee laga soo qabtay gurigaa, kaas oo aan illaa hada la garanayn sababta loola hadhay.

Ciidamadda qab qabtay kooxdan Dhalinyarada ah ayaa habeen hore argagax galiyay dadka Ku nool xaafadda dhalinyaradaa laga qabtay.

Booliisku ma sheegin sababta loola hadhay wiilkaa dhalinayarada ah oo ka mid ahaa kooxaha ciyaaraha kubada baaskitka ee Hargeysa.Hase yeeshee hawlgalkaa ayaa kusoo beegmay iyadoo ay ciidamada amaanku habeenadii u danbeeyay magaalada Hargeysa ka fuliyeen xaafado kala duwan dad loogu daatay guryohooda oo ay kadibna xabsiga dhigeen balse qaarkood la sii daayay markii la weydiiyay su’aalo. waxaana sidan oo kale hawlgal xili habeen ah laga fuliyay xaafadda New Hargeysa lagu qabtay sadex qof oo Macalimiin ahaa,  kuwaas oo wax ka dhiga Dugsiyo magaaladda ah,  balse markii danbe Xorriyadoodii loo soo celiyay

hawlgalada ciidanka amaanka ayaa u muuqda kuwo  lagu beegsanayo Kooxda Al-shabaab oo laga qabsaday Gobolo ka mid ah Somaliya,  isla markaana laga cabsi qabo inay Somaliland gabood ka soo dhigtaan sida ay sheegaan warbixinada iyo xoggaha warbaahinta reer galbeedka iyo hay’addaha la socda dhaqdhaqaaqa kooxdaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *