“Dawladu boqolkiiba todobaatan hawsheedii ka mid ah way gudatay… Dawladu badaha iyo beeraha ayay mashaariic ka fulainaysaa… Dawladu dhalinta ayay shaqooyin u abuuraysaa… Dawladu fakhriga ayay la diriraysaa… Dawladu deegaanka iyo cimilada ayay dabiibaysaa… Dawladu

 

ictiraafkii bay imika qorshe lagu doono dajinaysaa… Dawladu… Dawladu… Dawladu… Iyo qaar kaloo badan!

Dawladu miyay waalantahay, mise way soo wadataa? Waxay dhahayaan iyo waxay dhigayaan toona miyaanay dhaadaynin? Mise ciladu docdaasba maaha ee waa dhinaca dadwaynaha? Haa, hadii dadwaynuhu wax is waydiinaayo, oo wixii dood in laga keeno mudan dood ka keenaayo, miyay taniba dhici lahayd? Miyay waxaas oo dhan ku hadli lahaayeen haday dadka wax iskaga tirinayaan? Saw dadku ma aha kuwii shalay uun durbaanada loo tumay ee la iska dhaansaday? miyaa la dooriyay? Haday dadwaynuhu balanqaadyo tiro badan oo wada beenoobay oo lagu sheegay ololihii doorashada qaateen, maantana saw suurtagal maaha in gaajada dharag loogu sheego, oo dhibta dheef loogu sheego, oo Galbeed Bari loogu sheego? Haa, intuba waa suurtagal, markaa ciladu waa dhinaca dadwaynaha! Oo haday ciladu dhinacaasba tahay, oo garashada dadwaynaha ee siyaasiga ahi liidato, oo aanay dadkay meesha geeyaan la xisaabtamaynin, miyay daw iyo diin toona tahay in la iskaga dul socdo?

– Duqu wuxu jeclaan laa

– Midho daray had iyo jeer.

– Duuduub in lagu liqo.

– Waxse se aanu kuba darin.

– In la yidhi ha laga dayo.

– Dirxi inu ku hoos jiro.

Dawladii SL oo shir sadex maalmood ah foodda is dartay, iyo 12 qodob oo, aniga siday ila tahay, aan hal minit na laga fikirin siday u qormayaan iyo micnaha ay yeelanayaan toona. Waan akhriyay oo hadana akhriyay, oo xaga iyo xageerba uga wareegay! Mar waan naxay, marna waan yaabay, marna waan shakiyay oo is idhi malaha dhalinta website ka ayaa qoraalka xumeeyay ee mid kale booqo, mise waaba isla intii uun! Yaab iyo is moodsiis oo dhami se wuxu soo af-go’ay markii aan aakhirkii dhagaystay warkii oo cod ah. Waaba Dhuxul oo afka furtay, oo aad moodo inuu wax sheegaayo, laakiin sida runtu tahay, waxba muu sheegaynin ee wuxuunbuu ahaa ‘nin iska hadlay’! Ged aan laga dhabaynayn, iyo geed kaga kac inay tahay, dhuxul wuu garanayaa.

Goortaan warkii dhameeyay, hal erey uun baa iga soo baxay, waxaanu ahaa, “Alaylehe shil baa dhacay.” Qodobada qoraalka mid-mid baan u dul joogsaday, waxaana ii cadaatay, oo qof kastaba u cadaan kara inaanay 12 ka qodob wadar ahaantoodba wax micno ahba samaynaynin. Ereyada qoraalka loo isticmaalay maaha kuwo la xushay, micnaha uu qoraalku gudbinayaa maaha mid laga fiirsaday, tan uguba daranina, waa inuu warkani xaqiiqada ka aradanyahay! Faalada qodobadu ha ii dambayso, laakiin aan ka horaysiiyo in warkan sadexda maalmood la dhisaayay, siday aniga ila tahay, ayba waraaqaha iyo khadka lagu qoray ka qiimo badanyihiin. Sababtaan sidaas ku idhi falanqaynta hoose ayaan ugu gali, waxan se hal iyo laba erey ka odhanayaa wiilasha madaxtooyada afkeeda ku hadla oo iyaka qudhoodu, sida xaqiiqada ah, ka mid ah shilka dhacay! Wiilashu ma magacyo xuma oo kaliya, (Cukuse iyo Dhuxul), laakiin way shaqo xunyihiin!

Waxyar xasuustaada dib u celi, laakiin ha fogaanin ee 14 bilood uun dib u laabo. Xasuuso bishii August ee 2011 oo wafti Madaxwaynuhu hor kacaayay, oo sida la sheegay China ku socday lagu arkay uun iyagoo Diridhaba fadhiya. Xasuuso Mr Cukuse oo doonaaya inuu sharaxaad ka bixiyo sababta uu waftigu meeshaas aan laga filaynin rarka ugu furtay oo yidhi, “Madaarka Caalamiga ah ee Addis Ababa ayaan wixii shanta galabnimo ka dambeeya shaqaynin, sidaas darted baanan Diridhaba u dagnay ilaa cadceedda barito.” Caruur iyo ciroole waa la wada ogyahay inaanu madaarka Addis ee Boli International la yidhaahaa habeen iyo maalinba kala lahayn, laakiin hadana warka noocaas ah in afka loo kala qaado lagama xishoonin! Miyaanu shil dhacay ahayn? Mr Dhuxul soo qaado. Xasuuso waagii Radio-Kulmiye iyo sidii ay xadkii waryenimada iyo kii ololaynta xisbigu isugu qasmeen ee aan run iyo been loo miidaan dayi jirin! Laakiin shaqadii xiligaas wuu ku macaashay oo maantii Silanyo xukunka qabtayba, horeyba waxa laga geeyay Wasaarada Warfaafinta, markii dambena, Wasiir dhan baa shaqadiisii ku waayay markii ay Dhuxul fooda isla galeen! Taas ka kaalay, Mr Dhuxul wuxu muddo haatan bil laga joogo soo saaray, isagoo dabcan afka Madaxwaynaha ku hadlaaya, dhambaal hambalyo ah oo ku wajahan Madaxwayniha la doortay ee Soomaaliya, waxaana dadkii warkaas akhriyay oo dhami ay judhiiba dareemeen, laakiin Dhuxul aanu dareemin, inaanu magacii Madaxwaynahaba ku qorin War-murtiyeedka uu sii daayay! Saw shil dhacay maaha? Saw wiilashu ma shaqo xuma? Ma iykaa shaqo xun, mise nidaamka oo dhan baa isla xun? Waa su’aal kale oo aanan maanta doodeeda halkan ugu galaynin ee kobtaas ha iska joogto iyadu.

Warkii 12 ka qodob ahaa iyo shirkii dawladu fooda isku dartay ku laabo! Hadaad hal mar na ha ahaatee qoraalka akhridid, waxad judhiiba foodda ku dhufan iyadoo la isticmaalaayo ereyga ah, “Waxa la isla qaatay…” oo qodobada badankooda lagu bilaabaayo. Kalmadda ah – ‘waxa la isla qaatay’, waxay muujinaysaa uun hal micne, micnahaasina waa in hadda uun la isla qaatay qodobka laga hadlaayo ee ay kalmadaasi ku jirto, horeyna wax la isula qaatay aanu u ahayn. Tusaale ahaan, wuxu bayaanku leeyahay: “Waxa la isla qaatay in lala diriro argagixisada, budhcad badeeda… iwm” horey miyaan kuwaas la isula qaadanin? Maxaa loo leeyahay waxa la isla qaatay? Ma waxay u jeedaan shirku wuxu sii adkeeyay mawqifkii guunka ahaa ee la dirirka shuftada dhulka iyo midda badaha? Saw labadaasi ma kala duwana? Waxa hadda la isla qaataa saw wax aan horey la isula qaadanin maaha? Waxay ku hadleen iyo waxay u jeedaan baa is khilaafsan, amaba, waxay qorayaan may ka fiirsanin.

Sida caadiga ah marka ay dawladuhu war sii daynayaan, waxa caadi ah in si aan caadi ahayn looga fiirsado, la falanqeeyo, erey kastana la hubiyo micnaha uu qaadan karo, ama laga qaadan karo. Wacxa caadi ah in marar badan tifaftir dhinac walba ah lagu sameeyo si loo hufo. Laakiin warkan aradan xataa higaada kalmadaha looma miidaan dayin, micnahana hadalkiisba dhaaf. Waxadba moodaysaa in qof baabuur ka tagayaa qoraalka dagdag ku sameeyay oo aan la helinba fursad dib loogu eego. Warku, siday Soomaalidu ku maahmaahdo, intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay. Taasi waa dhab, maxaa yeelay, goorta uu warku suuqa galo ma soo celin kartid.  Shaki la’aan qoraalkani tilmaan qoraal dawladeed ma lahayn, umana ekayn. Iyaba waa tabaalada aduun taynu aragnaaye, tu kalaa jirtee taasna bal aan eego. Aan horey u socdo, oo dhoobadu kobtii ay fadhiday u dhaadhaco. Bal hadda akhriste ila hubi. Qodob kasta waan soo qaadan, faalo kooban oo muujinaysa wixii ka qaldanna waan raacin. Bal ku eeg indho iyo qalbi furan, dabeeto su’aal ama su’aalo is waydii intaad dib u fadhiisato. Ha noqonin kuwii uu Ilaahay ha u naxariistee Ibraahin-gadhle ku lahaa, “Maskaxdaadu yay noqon, maqal lagula leeyahay, sida macawisaha qaar, ninba maalin yuu xidhan.”

– Warkii shirka dawlada:

1A. “Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.”

1B. Hor iyo horaanba, shilka koobaad wuxu yahay, in xukuumada 27 ka bilood (2 sano iyo 3 bilood) jirtay ay manta uun markii ugu horaysay qiimayn isugu timaado! Shilka kale wuxu yahay, inay xukuumadu is qiimayso, oo qiimaynteeda ay iyadu xaakim, dacwad ooge iyo xeerbeegti ba ka noqoto. Sida caadiga ah, xukuumaduhu marka ay dhab ka tahay, gudi qaran oo madax banaan bay saaraan si loo qiimeeyo waxqabadkooda qalad iyo saxba, amaba, hadii uu jiro baarlamaan dhab ah, (Dabcan maaha ka Somaliland ee maanta), iyaga ayaa baadhitaan qiimayn ah sameeya. Sidaas darted qiimaynta xukuumada ee wada ubaxa iyo ilayska ahi sax maaha, aasaas sax ahna kuma fadhido. Sidoo kale, shilka kale wuxu yahay, isla qodobkan koobaad ee warbixinta sida lagu sheegay, inay qiimaynta xukuumadu wadanka ilaa heer degmo-degmo iyo tuulo-tuulo u gaadhay! Taasi dhab miyaa? Waxa uun dhab u qaadan kara warkaas ninkii soo qoray ee beenta soo abaabulay, qof nacas ah, waliba nacasnimo wayn, iyo qof qabyaaladi maskaxda daloolisay oo aan waxba qiimayn Karin, amaba inuu qiimeeyo aan doonaynin. Dawladu wadanka miyay tuulo-tuulo u tagtay si ay u soo qiimayso? Dawladu miyay tuulooyinka wadanka magacyadooda iyo meelaha ay ku yaaliin taqaanaa horta bal qiimayni ha siiba joogtee? Ma dadka warkan loo soo saaraayo ayaa wada doqomo ah oo aan hal daqiiqad ah wax is waydiinin, mise kuwa soo saaray baa doqomo ah? Bal adba!

2A. “Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.!”

2B. Qodobkani waa midka xambaarsan shilka ugu wayn! Shirku wuxu isla qaatay… Muxuu isla qaatay? In boqolkii todobaatan la fuliyay qorshihii dawlada ee shanta sanno! Cajiib! Oo hadii qorshihii shanta sanno loogu talagalay wax ka yar laba sanno iyo nus lagu fuliyay, saw sodonka hadhayna, marka laga qiyaas qaato xawaaraha imika, lix bilood lagu dhamayn mayo? Saw markaana, dawladii bilaa qorshe noqon mayso ilayn waa fariid oo hawshii oo dhan ba wax sadex sanno ka yar bay ku dhamaysay? Saw markaasna, dee sax maaha inay dawlada iyo madaxwaynuhuba xafiiska iskaga soo dareeraan oo doorashooyin la soo hor mariyay ku dhawaaqaan! Sidaas buu caqliga saxda ahi sheegayaa! Dawladu dhinacaasba may ka eegin ee boqolkiiba todobaatan uun bay iska caashaqday! Dawladu marka hore qorshe miyay lahayd? Hadiiba ay lahayd, qorshahaasi aan waxqabadka hadda ku dhererinee mee? Qiimayntan heerka sare ah (Extremely over achievement) waraaqaheedii maye? Maxaa dadwaynaha loola wadaagi waayay qoraaladii barnaamijka dawlada tusinaayay, qoraaladii qiimaynta, natiijadii boqolkiiba todobaatanka ahayd iyo boqolkii sodonka dhimanba? Hawlgalka qiimaynta ah, ee wadanka degmo ilaa tuulo lagu gaadhay hadmaa la bilaabay, hadmaa la dhameeyay, yaa se hogaaminaayay hawshaas? Taloow se sodonkaas dawladu ay ka gaadhsiin wayday maxay yihiin? Boqolkiiba todobaatanka qabsoomay se miyay ku jirtaa wadada aqalka madaxwaynaha hortiisa marta ee magaalada ugu burburka badani? Ma ku jiraa cisbitaalka guunka ah ee aqalka Madaxwaynaha oodda uuni u kala rogantahay? Miyay ku jiraan dadwaynaha caasimadda ee biyo la’aantu ragaadisay? Miyay ku jiraan…? Miyay ku jiraan…? Shil baa dhacay saw maaha?

– Durba guulihiisii.

– Deg deg buu u wada maray.

– Erey beena kuma darin. (Hadraawi)

3A. “Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.”

3B. Waa shil kale ee bal u fiirso – dawladu waxay isla qaadatay, iyadoo maankeedda iyo miyirkeedaba qabta, inay qorshe 130 qodob ka kooban ku fuliso muddo sanad ah!!! Taas micnaheedu waxa weeye, inay toban bilood midiiba 11 qorshe fulayaan, labada bilood ee kalena, midba toban qorshe la fulin doono! Taloow ma 130 qodob bay u jeedaan mise 13? Marka dhab loo hadlo, 13 ka ayaba badan kol hadii aan dhaqaale iyo karti toona loo haynin, laakiin 130 maxay tahay? Ma boqolkiiba sodonkii hadhay baa? Miyaan Geedi Baabuu arladu galinna waayaynin? Boqol iyo sodonka qorshe ma 130 xabadood oo beed ah, ooh hal-hal daaqad looga tuurayaa baa? Qorsheyaashu miyaanay dhaqaale, wakhti iyo fulinba u baahnayn? Malaha waa qorshayaal dahsoon? Dawladu miyaanay warkii ku soo noqon doona ka fikiraynin? Somaliland waxa xalaal laga dhigtay xiliyada ololaha doorashooyinka lagu jiro, in siyaasiyiintu been cadaan ah iska dhuraan, oo waxaanay qaban Karin, iyo waxaanay qiyaasinba ay iska balan qaadaan, markaa, xukuumadu imika xiligaasna kuma jirtee waamaxay xadhkahan ay isku xidhxidhaysaa? Mise cid baan la xisaabtamaynin? Haa, taas dambe ayay u dhawdahay. Xukuumad yaa xisaabiya, saw mucaarid iyo media ha uun maaha? Labadaas midkoodna miyuu SL ka jiraa? Saw xisbiyadii ururo bilaa tamar ah looma badalin, saxaafadiina, wax la laaluusho oo xilal loo dhiibo, iyo wax wasiirada reerahooda lagu saaro hadii ay juuq yidhaahaan maaha? Taasi saw dhab la ogyahay maaha? Isku soo wada duuboo, saw shil dhacay maaha?

– Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye.

– Miyaan Geeddi-Baabow arladu, gelina waayeynin.? (Gudgude, Hadraawi)

4A. “Shirku wuxuu isla qaatay, adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda  iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha  amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.”

4B. Waa shil kale – Maxaa la isla qaatay? In argagixisada iyo budhcadda badaha lala diriro…! Oo awal ma nabad baynu la ahayn? Waa yaabe dawladu miyay iska hadlaysaa uun? Waxay ku hadlayso miyaanay eegaynin, mise wiilashii baa ka saaqiday? Shilka kale, hay’adaha amaanku xidhiidh shaqo oo xoogan dhexdooda may lahayn awal hore miyaa? Taas caalamku ma ogayn ee xataa haday jirto, maxaad dawlad yahay isu kashifaysaa? Ma waxad moodaysaa inay taasi wax qabad noqonayso? Maxaa keenay inaanay hay’adahaaga amnigu xidhiidh xoogan lahayn oo haatan loo samaynaayo? Miyaanay waxqabadkii 70% ka ahaa ku jirin? Waa yaab saw maaha? Shil dhacay uun dheh!

5A. “Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari  iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.”

5B. Waa shil kale: Arinta ku saabsan Sool, sanag bari, iyo Buuhoodle, ma imika ayaa la isla qaatay? Shilka kale, horumarinta la sheegaayo, muddo sanawaad ka hor ah baa dhaqaale joogto ah, oo cashuuraha guud ee wadanka laga jaro dhulalkaas loo qoondeeyay, waana la qaadaa oo meelo gooni ah bay ku dhacdaa ee xisaabtaasi xagee ka baxdaa? Taas baaba wax badan qaban lahayd ee maxaa loogu ab-tirin waayay? Sool iyo Sanaag Barri waa hadallo la iska sheegsheego uun saw maaha, ma qorshe cadaan ah oo ku wajahan baa jira? Horumarinta qodobku sheegayaa se waa mid noocee ah? Goorma ayay bilaabmaysaa, goorma ayay se dhamaanaysaa?

6A. “Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta  iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo  madax bannaanida garsoorka.”

6B. Waa shil kale iyo u fiirsi la’aan dhinacii luqada ah: qodobkaasi wax micno ah oo uu samaynayaaba ma jiro haba yaraatee! Waxadba moodaa inuu kala dhimanyahay qodobku oo badh laga ilaaway. “Waxa la isla qaatay inay kor u qaadista cadaalada iyo garsoorku…” Ma imikaad taas ogaatay dawlad yahay? Qodobkaas wax aad uga jeedaanba lama fahmin ee bal ku noqda! 

7A. “Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.” 

7B. Waa shil kale: dawladyahay waayo? Maxaa imika uun la isula qaatay in dhalinta badaha isku guraysa shaqo loo abuuro? Waayo intii hore? Ma wax baad hagranaysay, mise in shaqo la’aani jirto ayaad hadda ogaatay? Bal noo macnee sababta loo leeyahay waxa la isla qaatay in dhalinta shaqo loo abuuro? Ma hadal la iska yidhi oo aan dhaqaalihii iyo tamartii lagaga dhabayn lahaa la haynin baa, mise waa hadal dhagaha dadka u macaan oo dawladyahay waxad maqashay xadiiskii Nabiga (SCW) ee kalmadda wacanina waa sadaqo? Hadaanay sidaas ahayn, boos kale uma hayo hadalada ku saabsan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka faqriga iyo shaqo galinta dhalinta! Hadii intaasuba dhinayd, miyaanay su’aal galinaynin qiyaastii boqolkii 70 ga ahayd ee dawlada u qabsoontay? Waa shil kale uun ka soo qaad!

8A. “Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.”

8B. Cajiib! Waa shil kale: cunto yaraan, biyo yaraan, iyo dhaqaale yaraaniba dadka dhulkan ku dhaqan way haysatay tan iyo intii Ilaahay uumayba, laakiin dawladu hadda ayay ogaatay sida muuqata miyaa? Mashaariicda beeraha, badaha iyo buurahaba lagu daloolinaayo waa wacanyihiin! Ha samaato oo ha la helo ayaanu leenahay, laakiin dhaqaalihii lagu samaynaayay meeesha laga keenaayo miyaad ka ilawday? Maxaad noogu sheegi wayday? Miisaaniyada 2013 ka ee mashaariicdan meel looga samaynayaa waa tee? Waa imisa? Boqol kii million ee Maxamed Xaashi qorsheeyay miyay ka korodhay? Ma wadaadki Samaale ayaa khasnadii cashar ku tufay oo billions bay gaadhay? Geesta kale, hadaan waxyaabahan horey loo qabinin, oo 2013 ka loo dhigay, boqolkiiba todobaatanka dawladu sheegaysaa xagee buu ka fulay? Safarro badan, oo dhaqaale badani ku baxay oo wassiirada dawladu banaanka ugu baxeen ayaa jiray, malaha kuwaas baa ka mid ah waxqabadka 70% ka gaadhaaya ee dawladu tirsanayso! Waa shil dhacay saw maaha? 

9A. “Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka.”

9B. Waa yaab! Ma haatan uun baaba la isla qaatay? Hawraarsan! Goormaa la meel marinayaa sharciga dhulka? Miyi iyo magaaloba dhul baa la isku haystaa, kaas sharcigiisa ma imikaad dareenteen? Geesta kale, in la ilaaliyo deegaanka maxaad ka wadaan? Deegaanka dhuxul baa dhamaysay, jaadka miyiga la geeyaana wuu uga sii daray, wadooyinka meel kastaba laga saaray ee biyihii roobka iyo ciidii nafaqada lahaydba badaha ku darayaana waa mishkilad kale, tuulayaasha meel kastaba laga sameeyayna waa mishkilad deegaan oo kale, intaas iyo inta la midka ah baa deegaanka dhibaysa ee maxaad ka qabanaysaan? Waxba ka qaban maysaan ee maxaad u soo qaadeen? Ma meesha uun baa la iskaga buuxshay, mise qorshe ku saabsan baa jira?

10A. “Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.”

10B. Qodobkan baa ugu yaab badan, meelaha qaarkoodna, runta ugu dhaw! In “Ictiraaf” la raadiyo, oo carabta iyo America xidhiidho lala sameeyo! Waa wax lagu qoslo dhab ahaan. Xidhiidhka haatan la abaabulaayo muxuu yahay? Geesta kale, siyaasada qorshaysan ee imika la dajinaayo ee arimaha debedda ku saabsan yaa dajinaaya? Waa yaab saw maaha? Haa, ugu yaraan dawladu waxay qirtay inaan qorshe habasani horey u jirin oo taas way ku saxantahay, laakiin waxay ku gaftay qorshaha ay sheegayso cidii dajin lahaydba may ka tashanin! Ilaahay baaban kugu dhaarshay Mr Silanyo, ma wasiirkii hortaada bishii February, 2012 markaad London nala joogtay ka lahaa ‘qorshaba looma baahna’ ayaa manta qorshe cusub keenaaya? Ma Wasiirkan siyaasadda debedda ba u yaqaana in shandad yar hadba meel loola dhoofo, oo dhaqaalaha masaakiinta laga ururiyo safarro debedda ah oo bilaa ujeedo ah lagu baabiiyo, oo hadba warar is burinaaya idaacadaha laga sii daayo, oo hadba war aan jirin marka diyaarada laga soo dago madaarka lagu sameeyo ayaa qorshe cusub kuu dhisaaya? Oo intii hore muxu u dhisi waayay? Mudane Madaxwayne, wali Wasaarada debedda ma booqatay, wali se Wasiirka ma su’aashay wuxuu qorshihiisu yahay? Qoraal iyo afti midkoodna miyaad kaga heshay? Ma adigaa sedan la ogol, mise waxa soconaaya ayaadan war badan u haynin? Ma Wasiirka email inbox kiisa xafidi kari waayay, ee wax kasta oo uu qarsanaayoba banaanka yaaliin baa qorshe kuu abuuraaya? Ma Wasiirkii China iyo Kuwait safarada aan horey loo qorshaynin adigoo bilaa fiise ah kuugu hor galay baa qorshe dajinaaya? Ma Wasiirka dhaqaalahah Wasaarada xisaabaha khaaska ah (Private accounts) ka ku wareejistay, ee wakiiladii Somaliland ee debedda xidhiidhkii warka iyo dhaqaalihiiba ka goostay ayaa qorshe kuu keenaaya? Ma Wasiirka Email ladiisa website yadu daabaceen, een ilaa imikadan hayno ku sheegay inuu khaati ka joogo qoyska madaxtooyada, oo meeshii uu gacanta galiyoba ay uga horaynayaan ayaa adiga hawl kuugu maqan? Madaxwayne, miyaydaan hoos isu ogayn? Jaaliyadaha aad leedahay xidhiidhkooda ha la xoojiyo goormaa la kala xidhiidh furmaday, ma iyadaaba la isku soo dhawaaday? Xidhiidhka jaaliyadaha intaan la xoojin, wali ma is waydiisay xidhiidhkii wakiilada debedda ee SL halkay ku dambeeyeen? Geesta kale, gudiga aad arimaha debedda u magacawday, ee Wasiirka Khaarajiga, Xirsi iyo Samaale xubnaha ka yihiin maxay qabanayaan? Ma iyakaa qorshe siyaasad debedeed soo dajinaaya? Toodii kale ayaanay nuskeedna qabanin ee ma qorshe debedeed bay kuu dajinayaan? Mise waa iska afka uun ee cidiba ka sugi mayso? Waxani ma filim la jilaayo baa mise sedan baa dawladeey sal kaa ah? Alaylehe shil baa dhacay!!!

11A. “Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle),  kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.”

11B. Haa, qodobkani waa shil kale! Kani waa shil xaqiiqo ah! Miisaniyada sanadka soo socda waxyaabaha la yidhi waa laga fuur yeelayaa dhamaantood waa kuwo aan la taaban Karin, sidaas darted, dhaqalaaha ku baxaa ma muuqan karo. Bal u fiirso, miisaaniyada 2013 waxa laga fuur yeelayaa horumarinta cadaalada, nabadgalyada, siyaasada arimaha debedda iwm… cadaalada maxaa loo qabanayaa? Arimaha debedda maxaa loo qabanayaa? Nabadgalyada maxaa loo qabanayaa? Intaas oo dhami halna maaha, waxaana la banaynayaa uun waddo hanti lagu lunsado. Hadaanay sidaas ahayn, Wasaarada debeduna waxba ma qabato, waxbana uma qorshaysna, cadaaladuna waa sideedii iyo si ka sii daran, nabadgalyaduna maaha caruur agoon ah oo meel ku xaraysan, bal sheega waxa meelahan la doortay laga qabanaayo! Car bal sheega! Waxa laga fuur yeelayaa baa la yidhi kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyinka! Dhaqaalaha la kobcinayaa waa kee, shaqooyinka la abuurayaa se maxay yihiin? Goorma la qorsheeyay, imisa mashruuc oo shaqo laga heli karo ayaa se la abuurayaa, maxaa se ku baxaaya? Bal noo sheega! Intaydaan mashaariic shaqooyin lagu abuuraayo samaynin, horta maad hay’adahan Hargeysa dhooban, ee karaaniyada iyo kuwa shaaha qaada Kenya ka soo qorta siyaasad aad kaga joojinaysaan u samaysaan? Alaylehe shil baa dhacay!

12A. “Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.”

12B. “Shirku wuxu isla qaatay inay doorashooyinku muhiim yihiin, xiligoodiina ay qabsoomaan…!” Qodobkan ugu dambeeyaa noocba maaha. Go’aan maaha, oo faalo maaha, oo wargalin maaha, oo wacdi maaha, oo talo-bixin maaha, oo amaan maaha, oo canaan maaha, oo hanjabaad maaha, oo maslaxaad maaha, oo habaar maaha, oo duco maaha, oo been maaha, oo run maaha! Bal adigu wuxuun ku sheeg. Dawlad iska hadashay uun ka soo qaad!

Golaha wasiiradu saw maskaxdii iyo mishiinkii wadanka hagaayay maaha? Ma sedan bay tamar aqooneed iyo talo ka noqotay? Nooc kastaaba golaha waa ku jiraa, (Wadaad sujuud leh, siyaasi, dhakhaatiir, sharci yaqaano, dhaqaale yahano iwm) miyaan qof kaliya oo su’aal ka keena waxan meesha lagu ogayn? Warkan soo baxay hadii uu inuun tilmaan bixinaayo, wuxu taswiir dhab ah ka bixinayaa heerka ay joogto kartida iyo garashada golaha wadanka hogaaminaaya iyagoo isku duuban. Al-muhim, markaan intaas oo dhan dhugtay, waa sababta aan bilawga faaladan ugu sheegay inuu ‘warkani’ kaba qiimo hooseeyo waraaqda iyo khadka lagu qoray. Haday sidaas tahay, su’aasha meesha taalaa waxay tahay, marka horeba maxaa warkan soo saaristiisa loola jeeday? Maxaa shirkan sadexda ayaamood loo fadhiyay looga gol lahaa? Jawaabta cidii haysaa ha sheegto! Waa madal kale iyo sheeko kale – story for another day!

Duqu ways nasakhayaa

– Dabbaal saasa maahee.

– Dulucdiisa maahda ah.

– Wuxuu duurxul uga dhigay

– Dundumuu u haystaa.

– Dadka tuban hortiisoo.

– Dala’saa ku jira weli.

Maxamed Haaruun

Email: mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *