Ottawa Canada-Waxa ay aheyd maalin Axada oo taariikhduna ay aheyd 13 Dec 2003dii barqanimo abaarihii 11nadii markuu wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) saxaafada isugu yeedhay xafiiskiisa isaga oo ka hadlaya arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen dhacdadii madaxweyne Rayaale lagaga  soo saaray Laascaanood iyo safar ay isaga iyo wasiirka Hawlaha guud ku tageen degaano bariga Somaliland ka mid ah,waxase ay aheyd ujeedada dhabta ah ee shirkaa jaraaid in wasiir Cawil saxaafada la wadaago warar uu sheegay in ay sugan yihiin oo uu hayo oo jawaab u ahaa hadal Axmed Siilanyo Guddoomiyaha Kulmiye uu ka yiri kiyoo jooga Bristol.
Guddoomiyaha Kulmiye ayaa laga soo xigtay in uu yiri ““Haddii lagu saamaxo macnaheedu waxa weeyaan suuqaaga dhinac ka gal, mahase dadkii aad dambiga ka gashay xil u qabo….”.
Wasiir Cawil ayaa shirkaa jarrid eedeymo ba`an uga jeediyay axmed Siilaanyo oo ta ugu weyni aya aheyd“Haddii dawladdii Siyaad Barre, ragii ka shaqayn jiray ee dawladda ku jiray ay dambi tahay 13 sanno ayaad Siilaanyow aad wasiir ahayd oo aad ahayd wasiirkii ugu muddada dheeraa ee soo maray dawladdahaasi Soomaaliyeed, dabadeedna markii la eryay ayuu SNM u talaabay, haddii ciddi dembi ka gashay ummadan, waa Siilaanyo, waayo

 in badan baanu ka leex-leexanay oo ka xishooday imikase runtaan taabsiinaynaa, dib dambana uga xishoon mayno, warar sugan baanu haynaa inuu dilkii C/qaadir Koosaar iyo Aadan Shiine ka dambeeyay Siilaanyo, waxaanu haynaa inuu is hortaagay in baadhitaan lagu sameeyo, oo uu Itoobiya u qoray inay tahay arrin baadhisteedu SNM u taallo, oo aanay soo fara-gelin.
Wasiir Cawi intaa kuma hakane waxa uu daba dhigay “Labada garab ee SNM ee Calan-Cas iyo Shiishta isagaa sameeyay, annigu qoraa baan ahay nin kasta oo SNM ah waan waraystay, waxaanan ogaaday inuu sameeyay garabadiisii SNM lagu kala jajabinayay, labada dhinac way ii sheegeen arrintaasi waxay ahayd tii xilligii SNM dagaalka ku jirtay kala googaysay ee ay iyagoo sidii ah ay dalka ku soo galeen, iyadoo dagaal lagu jiro ayuu Siilaanyo SNM kala qayb-qaybiyay, waana arrin dembi wayn ah, taa Aadan Shiine iyo C/qaadir Koosaarna guddi dabagal baadhiseed ku samaysa, ayaanu u saaraynaa, hadday ku caddaato inuu dilkaasi ka dambeeyay walaahi xabsigaanu u taxaabanyaa cidna kaga habranmayno maxkamadna waanu geynaynaa”.
Wasiir Cawil waxa uu shirkaa jaraaid ka sheegay “Axdi baan ku galay in aanu Siilaanyo meel aan joogo madaxweyne ka noqon, waayo ummadan kuma aamini karo, markan ka hor imanayayna raad iyo xog badan ayaan ka hayay Siilaanyo”.
Dhamaadkii Bishii ina dhaaftay ayaa akhristoow waxa isheydu qabtay dhanbaal kale oo uu Ambassador Cawil u diray Axmed Siilaanyo kaas oo uu ku leeyahay “Madane Madaxweyne, ummadani adiga ayay ku dooratay, wasiir may dooran, waxaan si sharaf leh kaaga codsanayaa in aanay hab-dhaqan siyaasadeed inoo noqon, in Dawlad waliba Dawladda ay xilka kala wareegtey, wakhti ku lumiso dhaleecaynteeda iyo ceebaynteeda, taas oo mustaqbalka dalka u hrseedi karta cawaaqib xumo: halka ay Dawladda cusubi dalka hore uga sii wadi lahayd oo ah muhiimadda weyn ee ay ummaddu u igmatay”.
Deeto waxaan is weydiiyay miyaaney Cawil marka hore la gudbooneyn in uu gefefkii hore xaal ka bixiyo oo uu qirto in ummadu tahay cida keliya ee Axdi ku gelii karta in ay soo xusho ama diido madaxda dalka.
Wasiirka uu Madaxweyne Siilaanyo uga cabanayo toloow waakee ma kii 144 cisho hankiisa siyaasadeed u xiraa baa,ee uu ugu caga jugleeyay in uu dalka ka mustaafuriyo, waxaana is weeydiin leh marka wasiir cawil sidaa lahaa miyaan xiligaa cid kale madaxweyne loo dooran?.
Ambassador Cawil isga oo ah ruuxa noocaas ah oo aan loo heysan hantidii dalka ee uu qasrigii John Garang ku iibsaday ayuu hadana waxa uu diidan yahay in sual laga keeno aamaho uu sheegay in xukuumadii hore lagu leeyahay.
Waxa halkaa ka muuqata in xukuumada cusub ee somaliland aaney ku sifoobin waxa uu Cawil Ducaale ka cabanayo.
Maxay kula tahay akhriste,noqo ka ugu horeeya ee fikiradiisa ka dhiibta.
Newsdesk-Ottawa-Canada
Somalidiasporanews

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *