Waxaan shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed kaalin wax ku ool ah ka yihiin bulshooyinka ay la dhaqan yihiin, haday noqon lahayd xagga horumarka ijtimaaciga ah iyo dhanka waxbarashadaba, waxaana xaafadkasta ama gobolkasta oo wadankan Ingriiska ka mid ah aad ku arkaysaa ganacsiyo

dad Soomaali ahi leeyihiin oo safan laamiyada waaweyn, kuwaasoo ah wax lagu farxo.

Dhanka kale Soomaalida oo ka mid ahaa wadamadii ku soo batay wadankan sanadihii ugu danbeeyey, waxaad mooday inay dhinaca waxbarashada ka hooseeyeen dadyowga kale, balse waxaa hada soo baxaysa ifafaalo ah in Soomaalidu ka mid noqonayso oo weliba kaalimo aad muhiim u ah ka geleyaan waxbarashada wadankan, sanadihii u danbeeyeyna waxaa la arkayey arday Soomaaliyeed oo darajooyin aad u wanaagsan ka keenayey natiijada imtixaanaadka lagaga gudbo dugsiyada Sare amaba kuwa ka sareeya ee lagu galo jaamacadaha loona yaqaano (A levelka).

Muna Mohamud Aden, waxay ka mid tahay ardayda Soomaaliyeed ee u baahan in loo hambalyeeyo laguna daydo, taas oo loo baahan yahay inay tusaale u noqoto Wiil walba iyo Gabadh walba oo Soomaaliyeed oo waxbaranaya, haday noqon
lahayd, kuwa wax-barashada Hoose, Dhexe, Sare iyo kuwa Jaamacadaha dhiganayaba amaba isu diyaarinaya inay waxbartaan.
Muna Mohamud oo ka mid ahayd ardaydii loo soo dhejiyey natiijadii imtixaanaadkii dugsiyada sare ee sanadkan 2010- 2011, waxay ka mid noqotay dadka yar ee faro ku tiriska ah ee ugu dhibcaha sareeyey sanadkan wadanka oo dhan ka dib markay Toban (10), ka mid ah Kow iyo Tobankii (11) kii imtixaan ee laga qaaday ay keentay (A), iyadoo welibana sadex(3), ka mida oo ay ku jirto maadada xisaabtu ay keentay (A*), waa Arin lagu farxo. Waxaa kaloo xusid mudan in Muna ii sheegtay in maadada kalena ay keeni kari lahayd A, inkastoo ay hada haysato B, balse ay ka gaabsatay inay ka jawaabto Su’aal walba maadaama maadadu ahayd Mida barashada Diimaha, sidaa awgeed waxaan ka xishooday bay tiri gabadhan yari in maadaama aan ahay gabar muslim ah aan ka jawaabo su’aalo diimeedyo khilaafaya waxaan aaminsanahay.

Muna Mohamud waxay la nooshahay Aabaheed, Hooyadeed iyo sadex (3) walaalaheed ah oo wiilal iyo gabdhaba isugu jira, waxay ku nooshahay Xaafada Acton ee Galbeedka London, waxayna waxbarashadeedii dugsiga Sare ku qaadatay Iskuulka la dhaho ( Ellen Wilkinson for Girls ) oo Isla xaafadaas ku yaala, waxayna noqotay Ardayada ugu saraysa iskuulkeedii.
Waxay Muna ii sheegtay inay jeceshay akhrinta buugaagta Cilmiga ah iyo kuwa sheekooyinka iyo taariikhaha ahba; waxyaalaha caruuruhu jecel yihiin ee Gameska iyo filimadu ka mid yihiina aysan wakhti ku lumin.

Waxaa kaloo xusid mudan in waalidka gabadhan yar oo ah dad aqoontooda waxbarasho dhisan tahay haday noqon lahayd tan Maadiga iyo tan Diimeedba, ii sheegeen in Muna Mohamud, meel wanaagsan ka marayso Barashada Quraanka Kariimka, iyadoo weliba dhinac wada sidii ay u xifdin lahayd Quraanka, sidoo kale waxay waalidkani ii sheegeen in Caruurtooda kalena kaalimo muhiima kaga jiraan waxbarashada, Gabadha ugu weyn ( Dahabo ), waxay dhamaysay jaamacada wayna shaqaysaa, gabadha ku xigta oo ah ( Amal ), Sanadkan ayay bilaabaysaa Jaamacada, sidoo kalena Ahmed Yare oo ah wiilka ugu yar qoyskan weli waxuu ku jiraa waxbarashadii Dugsiga Sare.

Waxaan maqaalkan ku soo gabagabaynayaa, Muna Mohamud waxay sharaf iyo wanaag u soo hoysay, Nafteeda, Waalidkeed, Walaalaheed, iyo dhamaanba Ummadda Soomaaliyeed, waxaana la gudboon waalid walbaahi inuu ilmihiisa tusaale uga dhigo Muna Mohamud, Ilmo walba oo Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa inuu ku daydo, kuna dadaalo sidii uu bulshada iyo ardayda uu wax la dhigtaba uga dhex muuqan lahaa.
Maanan illawin inaan u mahad celiyo labadii waalid, Hooyo Muhubo Jama Barre iyo Aabo Mohamud Husein Aden ( jubaako ), oo wakhtigooda iyo maskaxdoodiiba u huray ilmahooda.

Qasim A Suleiman
Kasslmn@aol.com
London.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *