Hargeysa(ANN)Shaqalle Muxumed Ducaale oo ah muwaadin reer Somaliland ah, islamarkaana degan Caasimada Hargeysa ayaa ku caan baxay, islamarkaana ku shaqaysta Xirfada Shaah Karinta, iyadoo  ay bulsho farabadani u doontaan Makhyaadiisa yar ee Shaaha Macaan. Mr Shaqalle
ayaa sheegay inuu Shaaha karinayay muddo farabada ilaa Sideetamaadkii, islamarkaana xilligaasi oo ay dalka ka talinaysay dawladii Siyaad Barre, ayaa waxa uu intaa ku daray.
Ugu horayn Shaqalle Muxumed Ducaale oo ka hadlaya waayihiisa Xirfada Shaqo ee karinta Shaaha, waxa uu yidhi “Horta Makhaayadan Shaaha aan kariyo waxaan karinayay muddo faro-badan illaa Sideetamaadkii, waxayna ahayd makhaayadaydu mid ku caan ahayd shaah laga daba dhacay, xilligaa hore oo ay ku taalay badhtamaha Suuqa faras magaalaha ee Hotelkii Ex. Yuuyanka la odjhan jiray ka soo hor jeedkiisa ayay ku ooli jirtay, magac Caan  baxayna dadku way u yaqaaneen oo la odhan jiray (Xeebta), waxa iskugu iman jiray dhalinyarada ardayda u badan iyo dad kaleba oo wakhtigaa waxa socday dhibaatooyinkii ay faqashtu ku haysay ummada reer Somaliland, oo makhaayada Shaah ayay u soo doonan jireen dhalinyaradaasi, isla markaana way ku kala war qaadan jireen oo dabayshii SNM ee ayaa socday oo dadka ayaa socday, iyaga oo u talaabayay Itoobiya oo SNM ay ku sugnayd. Waxa dhici jirtay in makhaayada ay marar badan iman jireen dadkii aynu u naqaanay dhego-dhegaynta ee Taliskii Siyaad Barre wax u basaasi jiray, iyada oo marka ay yimaadaan ka dib ardaydu marka ay qofkaa garan waayaan ama ay ka shakiyaan ay hadalka joojin jireen, oo waxa jiray xadhig lagu hayay dadweynaha qaybaha kala duwan aqoonyahanada , haldoorka iyo ardayda, afgarasho ayay lahaayeen ardaydu. Haddaba waxa makhaayada aan shaaha ku karin jiray ka talaabay oo halkaas go’aammada ku kala qaadan jiray arday iyo dhalinyaro fara badan, waxayna ahayd goobtaasi meel halgankii kaalin laxaad leh ka gashay.”
Mr Shaqalle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Intii dibu xoraynta dalkan Somaliland ee wadanka aynu soo galay xirfadan shaqo ee karinta Shaaha aan ku caan baxay waan waday, waxana soo doonta dad badan, markaa masaariiftu way nooga soo baxdaa oo nolol maalmeedka waanu ka helaa Ilaahay mahadii, inkasta oo wakhtigan xaadirka ah ay jiraan sicir barar xaga ascaarta bulshada haysta. Ta kale xirfadan shaqo ee Shaaha karinta aad baan ugu dadaalaa sidii aan qofka shaaha cabaya inuu helo shaah isku miisaaman.”
Mr Shaqale waxa uu sheegay oo kale in Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay balan qaadkii xilligii ololaha doorashada ay ku balan qaaday fulisay qaybihii u horeeyay sida mushaharka loo kordhiyay shaqaalaha iyo Ciidamada, taas oo u ku tilmaamay tallaabo horumar leh.
Xigasho:Wargeyska Dawan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *