-
Published On: Mon, Mar 28th, 2011

Halista Caafimaad Darro Ee Dhalan Karta Cunnista Qaadka Loo Addeegsado Kiimikooyinka By, Cabdi Xuseen Maraykan (Flozy)

Smiley face
Share This
Tags

Markii ugu horaysay ee qaadka lagu cuno dalkan Somalliland wuxuu ku koobnaa dad tiro yar,  gaar ahaan qaa ka mid ah wadaada habeenkii dikriya oo ku soo jeedi jiray inay quraanka ku akhriyaan, kuwaasoo qaadka ay isticmaali jireen uu ahaa mid aad u yar.

Dadka reer Somaliland  cunista qaadku wuxuu si tartiib tartiib ah  ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah bulshada, gaar ahaan dhallinyaradda, shaqaalaha dawladda iyo xataa aakhirkii ay isticmaalaan qaar ka mid ah haweenku.

Wakhtiyadii hore cunista qaadku may ahayn mid wakhti badan lagu lumiya, waxaanu ku koobnaa muddo saddex iyo laba saacadood oo gelinka danbe ah, qaadkaasi wuxu ahaa mid si dabiici ah u baxa, wuxuu ahaa qaad garaabadiisu badantahay inta curubta ah ee la cunaana ay ahayd mid aad u yar.

Wuxuu ahaa qaad aan la buufin oo aan loo adeegsan wax kiimiko ah oo lagu qurxiyo amma badnaan laga deyaya toona , isagoo ay ku jirtay oo maadada Cothine-ta ee mirqaanka abuurta oo aan wax kale wehelin.

Qaadka maanta dalka lagu cunaa waa mid ka qurux badan yahay oo ka garaabo yaryahay kii hore, waxaana beeritaankiisa loo adeegsaday kiimikooyin loogu tallogalay inay xadigiisa badiyaan,  muuqaal billicsanauu yeelaan iyo buufimmooyin loogu tallogalay inay ka ilaaliyaan cayayaanka (Pesticides)

Kiimikadaas lagu buufiyay qaadku waxa loo yaqaannaa (Chlorinated Hydrocarbons amma Organ phosphate) si qoto dheer u raacda dhuuxa laamaha jaadka oo aan maydhitaan kaga bixi karin, waayo kimikadani waa mid aan ku milmin biyaha, sidaa daraadeed waxa jira dad badan oo qaadka iska maydha, iyagoo aaminsan inay sunta ka maydhayaan, laakiin maaha suntani mid ka maydhmi karta.

Kiimikadan Chlorinated Hydrocarbons heerkulkeedu waa 100C degree, taa macnaheedu waxa weeyee xataa haddii jaadka la kariyo kama baxayso, laan kasta oo jaad ahina waxay xambaarsantahay xadiga kiimiko ee lagu buufiyay.

Kiimikadda lo yaqaanno D.D.T waxa aduunka laga mamnuucay sannadkii 1945kii, hadana waxaynu ognahay in dalal badan oo Afrika ah laga isticmaalo.

Maalibna maalinta ka danbaysa waxa si xawliya u kordhaya dadka reer Somaliland ee isticmaala qaadka iyo xadiga ay isticmaalayaanba, sidoo kalena waxa la kordhiyay wakhtiga loo fadhiyo qaadka oo noqotay mid aan xad iyo xisaab-toona lahayn.

Somaliland waxa laga isticmaalaa tobanneeye nooc oo jaada, kuwaasoo ay ka mid yihiin Fujis, Jebis, Dadar, Taajaro iyo kuwo kale oo badan, kuwaasoo dhammaantood dadka beertaa ay u addeegsadaan inay ku buufiyaan kiimikooyinkaas si ay macaash badan uga soo hoystaan, iyagoo aan ka fekerin khatarta caafimaad darro iyo dhibaatada uu bulshada isticmaasha ku keeni karo.

Waxaan ku soo gebogebaynayaa qaadka maanta la cunayaa waa dhibaato amma cudur aad lacagtaada siisanaysid oo hadaanad hadda dareensanayn ah arami kugu maqan..

Ilaahoow Jidka toosan ummadaad garansii

By, Cabdi Xuseen Maraykan (Flozy)
Hargeysa, Somaliland

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>