Waa masiibo aan yarayn oo ina wada haleeshay oo aan laga aamusi karin, waxa ka socda magaalada Laascaanood oo ay ka dhacayaan dilal joogto noqday oo lala beegsanayo masuuliyiinta qaranka iyo waxgaradka ku nool

magaalada Laascaanood.
Haddaba, waxa naxdin iyo anfariir inagu noqday dilkii lala beegsaday Marwo Nadiifo oo ah qof dumar ah oo hooyo ah oo weliba ninkeediina lagu dilay toogasho saddex bilood ka hor isaga oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Qaranka ee gobolkaasi. Waxa haddaba wax laga yaqyaqsoodo ah qof dumar ah oo iyadu ka reeban xumaan oo dhan in loo quudho dil oo weliba kooxaha falalkan wadaa u soo direen fariin ay ugu hanjabeen inay dili doonaan tiina ay rumeeyeen, Ilaahayna aannu ka dhigin teedii oo ay maanta nooshahay, iyadoo dhaawaceedii dibada loo qaaday oo Madaweynuhu si sharaf iyo qadarin ka yeelay.
Haddaba, toogashada lagu fuliyey haweenaydan waxa ninka loo hayo oo ah Ina Xabado abti u ah xildhibaan Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo ah ninka loo tuhunsan yahay inuu fuliyey dilka Nadiifo, waxay taasi caddaynaysaa inuu xildhibaan Dhakool wax ka ogyahay waxa dhacay. Sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in mudane Dhakool laga qado xisaannadda oo baadhitaan iyo maxkamadayn lagu sameeyo.

By, Nagiib M. A. Hargeysa/Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *