Hargeysa(ANN) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluulamysiga C/raxmaan Cawil Xasan ayaa naqdiyay Shirar beelaysan oo mudooyinkan kusoo badanayay Somaliland, isla markaana saxaafada lagu qaadaa dhigay, wuxuuna sheegay in aan loo baahnayn. Sidaa awgeed ay shirarka noocan ahi yihiin kuwo

 

ujeedo leh oo u muuqda inay dadka abaabulayaa muujiyaan sawir ah in aanay waxba ka jiein nidaamka dawliga ah iyo dumuqraadiyada ay somaliland ku faanto.
Agaasimaha guud wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu saxaafada ugu talo galay, kaas oo u qornaa sidan:-   “Waxaan War-Saxaafadeedkan kaga hadlayaa arrinta Shir-beeleedyada ee aad dhawaanahan mooddo inaanay Somaliland wax kale mashquulin iyaga mooyaane. Arrinta Shir-beeleed, hore ayeynu uga soo gudubnay, waana waxaynu ka samaysannay dawladnimada dhammaystiran ee Dimuquraaddiyadda ku dhisan. Sidaa daraaddeed, may ahayn in maanta Beeluhu dib ugu noqdaan Shir-beeleedyo aynu ka maarannay, wax ka fiicanna ka samaysannay oo ah dawladnimo iyo dimuquraaddiyad.
Waxaan qabaa Somaliland Ninka maanta shirbeeleedka ku riyoonayaa waa nin aan habbeen jirin, waayo? Koonfurta Sudan baa maanta la aqoonsaday Somaliland-na  waa beri oo way ku xigtaa, markaa waxaan odhan lahaa yeynaan jidkii aynu shalay soo dhaafnay, maanta dib u raacin.
Bulshada reer Somaliland waxay ku faantaa marka ay reer Soomaaliya la hadlayso waxaannu idin dheernahay oo aannu halkaa ku soo gaadhnay waxaannu idin dheernahay waayeel taliya, tii aynu ku faanaynay maanta yey noqonnin mid inna burburisa oo qarannimadeenna wax yeesha oo Beeluhu dawladda ka soo horjeestaan oo beel waliba Shir doceed beelaysan oo mucaaridaysan yeelato, macneheedu wuxu ka dhigan yahay dawladnimada iyo dimuquraaddiyadda aynu samaysannay kuma kalsoonin oo waxba kama jiraan. Maantana maaha maalintii aynu taa isku maaweelin lahayn ee kala furfurmi lahayn, ee waa maalintii aynu u midoobi lahayn horumarinta Qarannimada iyo dimuquraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday ee aynu aqoonsiga isku duubni ku higsan lahayn.
Qodobka aan dul-istaagayaa waxa weeye, Ragga maamulka igula jira ee gobolka Saaxil ka soo jeedana waxaan leeyahay dhuumashada dhabarku muuqdo ha layska daayo oo waajibaadkiinna Qaranku idiin igmaday qabsada intaad Shir-beeleedyada abaabulaysaan.
Guud ahaanba waxaan bulshada Somaliland ugu baaqaa in laga waantoobo shirar-beeleedyada aynu sagaashamaadkii ka soo gudubnay, ee aynu dawladnimada waynayn lahayn, dimuquraaddiyadda kobcin lahayn ee aynu qabyaaladda iyo is beelaysiga meesha ka saari lahayn ee ay Somaliland mid noqon lahayd, waxaan leeyahay taa hallagu dedaalo, Shirarka beelahana halla joojiyo.”
Allaa Mahad Leh
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha
Cabdiraxmaan Cawil Xasan

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *