Hargeysa(ANN) Ururka Qareenada Somaliland ee Gargaar ayaa soo saaray qoraal ay ku hanbalyaynayaan Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo Madaxeynuhu u magcaabay xilkaa shalay. Qoraalka kasoo baxay Ururka Qareenada ee Gargaar oo uu ku saxeexanyahay
gudoomiyaha Ururka Garyaqaanada Maxamuud C/raxmaan Nuur. Ayaa u qornaa sidan;-
“Hanbalyo iyo bogaadin ku waajahan  gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL.
Dhamaan xubnaha,madaxda,iyo shaqaalaha ururka garyaqaanadda ee Gargaar, waxa ay soo dhaweynayaan Yuusuf Ismaaciil Cali, oo shalay madaxweynaha JSL ku dhawaaqay in uu  yahay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliland.
Gargaar waxay u aragtaa in uu yahay gudoomiyahan cusubi mid aqoon ahaan,akhlaaq ahaan,iyo karti ahaanba, qof u hanan kara xilkan, madaama oo uu mudadii uu yusuf xirfadleyaasha sharciga ka mid ahaa hab dhaqankii laga arkay,uu ka marag kacayo in uu yahay ruux hawshaas lagu haleyn karo.
Sidaas darteed,haddaanu nahay ururka gargaar,waxaanu u aragnaa,talaabadda madaxweynuhu ku magacaabay in tahay mid haboon isla markaana loo baahnaa,si fududna waxaanu u odhan karnaa waa qof u qalma jagadaas,iyadoo madaxweynahana aanu ku bogaadineyno hawshaas.
Dhamaan xubnaha ururka Gargaar, waxa ay u rajaynayaan gudoomiyaha in Ilaahay ku guuleeyo hagaajinta garsoorka, iyo dhamaystirka tabashooyinka garsoorka dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka ee arimaha cadaalada iyo garsoorka.
Iyagoo golaha wakiilada somalilandna aanu ka codsanayno in ay gudoomiyahan cusub hore u ansixiyaan,si uu hore uga galo shaqada sugaysa ee aadka u badan,umadda somalilandna waxaanu ugu baaqaynaa in ay rabbi uga baryaan in uu ku guuleeyo isla markaana ku asturo xilkan culus.

ALLAA MAHAD LEH.

Xoghayaha Guud ee Ururka Garyaqaanadda Gargaar,
Garyaqaan Maxamuud C/raxmaan Nuur.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *