https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/791/2?uidval=1268568853Laascaanood(ANN) Munaasibada Deeq qalabka ciyaartoyda ah lagu gudoonsiiyay Ciyaartoyga gobolka Sool ayaa  lagu qabtay Hoolka Jaamacada Nugaal University ee  magaalada Laascaanood. Deeqdaa oo ahayd Kubado  ayaa la soo gaadhsiiyay ciyaaryahanada gobolka Sool, waxaana soo

 

gaadhsiiyay  deeqda  oo ugu deeqay aqoonyahan ka mid ah qurba jooga  Sool oo lagu magacaabo Dr Axmed Madar Cali,  iyadoo uu gaadhsiiyay Gudoomiyaha jaamacada Nugaal Prof. Cabdirisaaq Lafoole.
https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/791/3?uidval=1268568853

 

 

Munaasibada  lagu gudoonsiiyay Ciyaaryahanada  deeqda kubadaha ah  ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada Nugaal  University,  waxaana munaasibadaa  kasoo qayb galay  Isuduwaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Gobolka Sool Jaamac Khaliif,  maamulka jaamcada Nugaal,  Ardayda midowga jaamacada Nugaal iyo marti sharaf kale oo badan
Isuduwaha  dhalinyarada iyo Cayaraaha gobolka Sool Jaamac Khaliil ayaa uga mahadceliyay deeqdan qalabka sportiga ,  isagoo dhalinyarada u soo jeediyay inay wakhti siiyaan waxbarashada sida ay ciyaaraha wakhtiga u siiyaan,  wuxuuna ku booriyay in ciyaaryahanadu noqdaan kuwo ka dhisan dhinaca aqoonta

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University prof. Lafoole ayaa isna ka hadlay in deeqdan ee kubadaha uu u soo dhiibay Dr axmed madar cali oo ah muwaadin u dhahay gobolka sool isla markaana ka qayb qaata horumarka deegaanka wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada ciyaartowda ah sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda

sidoo kalena waxaa madashaa ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasibaa  oo ay ka mid ahaayeen maamulaha Dugsiga sare ee Nugaal,  Gudoomiyaha ururka Ardayda midowga jaamacadda Nugaal  University oo dhamaantood ka hadlay faa’idada cayaaraha iyo jidh dhisku  ay leeyihiin,  isla markaana dhalinyaradaa ka codsayad  in dhanka aqoontana lagu daro.

waxaana geba gebadii munaasibada lagu doonsiiyay kabtanada kooxaha kubada cagta ee magaalada Llaascaanood deeqdii kubadaha ahayd,  iyadoo dhanka kalena kubado loogu tala galay Dugsiy ada sare ay u gudoomeen ururka Ardayda midowga jaamacada Nugaal University.
Deeqdaa  ayaa noqonaysa mid ku  dhiiri gelisa dhalinyarada gobolka Sool, gaar ahaan kuwa Laascaanood inay u jeestaan dhinaca ciyaaraha iyo sports-ka ,  isla markaana ay daneeyaan waxbarshada iyo inay ka qayb qaataan horumarka gobolka, maadaama ay dhalinyarada  gobolka Sool halis ugu jireen inay siyaasadaha ragaadiyay horumarka bulshada gobolka  eek u xeeran qayb ka noqdaan oo ay ka faa’idaystaan kooxo dani gaara lihi. Waxayna talaabada muwaadinkani noqonay qurba jooga  Somaliland ee horumarka bulshadooda jecel ku dhiiri gelisa inay taageero dhinaca horumarka ah u fidiyaan dhalinayada gobolkaa iyo bulshada kaleba.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *