Hargeysa(ANN)Hay’adda Wadaniga ah ee Alraxma ayaa maanta Guddoonsiyey 200 oo Caruur Agoomo ah,  Dharkii ay ku cidii lahayeen, Xaflad badhan oo loo qabtay Guddoonsinta dharkaa ayaa waxa lagu qabtay Hoolka Hay’adda shaqalaha ee Magalada Hargeysa,Waxana ka soo qaybgalay

Guddomiyaha Xisbi Xakimka Kulmiye Md.Muuuse Biixi Cabdi, Guddomiye Ku-xigeenka 1aad C/raxman Cabdi Qadir, Agaasimaha Guud ee Wasarada Warfaafinta Faysal Cali sheikh, Guddomiyaha Hay’adda Wadaniga ah ee Alraxma Sh.Cabdala Axmed Maxamed, Saladiin, iyoAgaasimaha Samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamin, Iyo masuulin kale.
Ugu horeyn waxa hadal kooban ka jeediyey Xafladaasi Guddomiyaha Hay’adda Wadaniga ah ee Alraxma Sh.Cabdala Axmed Maxamed, waxanu faahfaahin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwan ee ay soo martay Xaruntani, isaga oo sheegay in maanta meel fiican ay marayso, waxa uu aad ugu nuxnuxsaday sida loogu baahan yahay in waxa la taro caruurta Agoomaha ee walidkood dhintay, waxaanu u mahad celiyey dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga iyo kuwa gudaha jooga ee ka qaybqatay gargaarkasi loo gargarayo caruurta agoomaha ee ku nool Hargeysa, waxanu sheegay in ay ugu tallo galeen in caruurtan bila Aabaha ay si qurux badan ula ciidan caruurta qayrkood ah, waxanu hoosta ka xariiqay in ay dharkii ay ku iidi lahayeen caruur gadhaysa 200 ay si qurux badan ugu qaybin doonan oo mid kasta ay siin doonan dharkii uu ku ciidi lahaa.
Sidoo kale waxa  halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasarada warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo xusay inay tahay  wax  farxo in Ururka wadanig ah ee Alraxma uu dharkii ciida u qaybiyo caruur tiradoodu gadhayso ilaa 200 oo Agoomo ah,  waxanu xusay in dadkii lacagtaasi lagu daryeelay agoomaha ay if  iyo Aakhiroba liibanayaan, waxa kale oo uu sheegay in 20Suxufi oo geeriyooday caruurtoodii ku jirto caruurtan Agoomaha ee haya’ddani ciidsiisay.
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cabdi oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in loo bahan yahay in caruurta agoomaha la gargaaro waxanu xusay haddii dadku gamamaha is qabsadaan ay wax badani hagagi lahaayeen, waxanu aad ugu nuxnux saday in aduunyada dadkii wax badan ku soo kordhiyey ay Agoomo ahaayee, balse loo bahan yahay ayuu yidhi in wax loo qabto.
Waxa kale oo iyaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad C/raxman Cabdi Qadir, iyoAgaasimaha Samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamin waxayna sheegen in ay aad ugu farxeen in caruur intaasi leeg  la gudoonsiyo dharkii ay ku Iidi lahaayeen, waxa kale oo dadka Ganactada iyo maalqabeenad u soo jeediyeen in iyaguna ka qaybqaatan Deeqaha la siinayo caruurta Agoomaha ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *