Berbera(ANN) Maamulihii Kastanka Berbera Marxuum Cali Bul-bul ayaa ku Geeriyooday Cisbitaalka Magaalada Berbera, ka dib markii galabta Gaadhi uu Watay kula dhacay meel wax yar u jirta Kaantaroolka Berbera, isagoo ka baxay

Magaalada Hargeysa.
Marxuum Cali Bul-bul ayaa sida ay Eheladiisu sheegeen ku safray gaadhigiisa, isagoo aan cidna la socon, wuxuuna marxuumku  u dhintay dhaawacyo kasoo gaadhay shilkaa.  Maydka marxuumka ayaa  Caweyskii caawa  loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono beri xabaalaha Woqooyiga Hargeysa ee Xeedho.
Sarkaalka gerriyooday Marxuum Cali Bul-bul, wuxuu ka mid ahaa halbawlayaasha mihiimka ah ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland, isla markaana wuxuu ka mid ahaa khuburada aqoonta u leh dhaqaallaha  ee rukumada u ahaa Wasaaradda Maailya, wuxuuna  dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay ka tirsanaa Shaqaalaha Kastamka Bebera, iyadoo  sanadkii 2010 laga dhigay Xisaabiyaha Kastamka, balse hada uu ahaa maamulaha Kastamka Berbera.
Dhinaca kale Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  tacsi Tiiraanyo leh u diray  Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Bulbul, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maamulihii  Kastamka Berbera, MARXUUM CALI AXMED BUL-BUL, oo ku geeriyooday (01.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera,  gaar ahaan Meel u dhaw Kantaroolka Berbera Abaaro 4:00 PM (Galabnimo).
Madaxweynuhu waxa ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo MARXUUM CALI AXMED BULBUL, waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee dhinaca dhaqaalaha ku xeel dheer  ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo.
Sidoo kale Dhamaan weriyayaasha hawlwadeenada iyo Shaqaalaha shebekada Araweelonews,  iyagoo ka tiiraanyaysan Geerida Naxdinta leh ee ku timi Marxuumka, waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, waxayna si gaara uga tacsiyadaynayaan geeridaa Wariye Xamse Cali Bul-bul oo ka tirsan weriyayaasha TV-ga Horn Cable  oo Marxuumku uu ahaa Aabihii, waxaanan leenahay IIIaahay uga baryaynaa  inuu Samir iyo Imaan saadiqa ha inaga siiyo dhamaan intii uu ka geeriyooday, isagana Illaahay naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *