Subaxnimadaa aanu Boorame gelaynay, waxa kaleoo aanu jidka ku kulannay Khaalid yare oo Warfaafinta nagala hawl-gala. Markii aanu Boorame gallayba waxaanu qaadnay laammida magaalada laga galo. Hotel Harawo ayaanu midig ama bari ka marnay annaga oo woqooyi u soconna.

 

Waddadu waa ay soo xidhmaysaa oo waxa wajahadda kaa qabanaya boodh ay ku taallo Rays Hotel. Midig ayaanu u leexannay oo waxaanu is-taagnay bartii ay xabaashu ka qodnayd. Waanu ka noqonnay oo Rays Hotel ayaanu tagnay.

Annaga oo markaa shah iyo bun dalbannay ayuu na soo wacay Naasir Gargaar oo dadka diran ka mid ahi, magacana sidaa kula baxay. Saacaddu markaa waxay ku beegnayd ilaa sagaalladii. Wuxu noo sheegay in meydkii Dr. Cabdishakuur la soo qaaday si loo aaso. Shaahba ma aanu sugin.

Waxaanu tagnay markiiba goobtii lagu tukanayay oo ahayd Masaajidka Aabbihii Sheekh Cali Jawhar. Nuur iyo Naalleeyaba cidi kama maqnayn. Intii Boorame ku sugnayd ka-sokow, shacbi aad u faro badan oo weliba ahaa foolaadkii ummadda ayaa meel kasta iskaga yimid. Hargeysa waa laga yimid…..Jabuuti baa dayuuraddii la raagsaday oo baabuur la soo halabsaday. Dadkii meesha marayay ee rag iyo dumarba lahaa markii aan dhinac walba ka eegay ee aan farahooda ka yaabay, waxaan is-idhi in badan oo soo lugaysayna waa ay jirtay.

Dawladdu meeqaan aad u sarreeya ayay kaga qayb-gashay. Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa marayay. Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ayaa marayay. Ma Wasiirradaa! Tammuuxaas ayay ka badnaayeen. Ma Beerihii baa…..Ma Arrimihii Shaqadaa…..Ma Duulistii baa…….Ma Kalluumaysigii baa……..Ma Warfaafintii baa…….Ma Caafimaadkii baa

Shirkadihii gaarka loo lahaa iyo hay’adihii kale ee dawliga ahaa ayaa iyaguna ciiddaa ka badnaa. Ururkii Dhakhaatiirta oo oodihiisii iyo dhigihiisii ba wata ayaa marayay. Da’yartii oo rag iyo haweenba leh. Culimadii iyo Madax-dhaqameedkii. Geeri arooskeed ayay ahayd. Il-yarta ayaa is-qabatay oo usha circa loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn.

Sidaas ayaanu ku gelbinnay Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo milge iyo maamuusbaku lahaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland.

Haddaba halyaygan la quudhi waayay kuma ayuu ahaa?

Aniga oo aad uga xun in gawl-gawlo taariikhda iyo sooyaalka saaxiibkay Dr. Cabdishakuur oo aanu maalmo, bilo iyo sannado badan soo wada-qaadannay annaga oo fikir-wadaag ahaan jirnay, ilaa maalintan uu dhimanayayna ahayn. Boorame ayuu ku dhashay xilli ku beegbnaa 1952kii. Qoys-diimeed oo caan ah ayuu ka dhashay. Aabbihii, magac ka miskiin ma ahayn oo Sheekh Cali Jowhar oo geyiga Soomaaliyeed iyo geeska Afrikaba ka caan-baxay.

Dugsiyadii Hoose iyo Dhexe wuxu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalin-jebiyay Dugsigii Sare ee Benaadir 1972kii. Waa halkii ugu dhaweyd ee aanu isku baran lahayn, bal se waxaan ka baxay hortii bishii Ogos 1968kii. Markii ay ka baxeen Dugsigii Sare ayaa lagu qoray shaqadii Qaranka. Sida uu ii sheegay Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ay ay isku Dugsi ahaayeen, waxa lagu kala qoray Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo Boorame ah iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo Burco lagu qoray. Waa beryihii nidaamkii Siyaad Barre odhan jiray waxaanu dalka ku dhaqaynaa nidaamka “hanti-wadaagga cilmiga ku dhisan.”  

(La soco…………………..)

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *