Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaadhay Kiiska haweenaydaa ay ku xadgudbeen ciidanka Dowladda, taas iyada iyo wariye baahiyay kufsiga foosha xun ee haweenaydaa ay maxkamaddu hore u xukuntay.
Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in Luul Cali Cusmaan lagu waayay wax dambi ah kadibna xabsiga lagasii daayay, balse waxa layaab noqotay in 7 Askari oo kufsaday Haweenayda aan dambigii laga galay maxkamadda lagu soo qaadin ku sheegta lagusoo hadal qaadin, iyadoo dhinaca kalena wariye C/casiis Koronto oo ku eedeysnaa in uu warbaahinta ka wareystay haweenayda lakufsaday lagu xukumay 6 bilood oo xadhig ah.laakiin qareenada u doodaya weriye C/casiis ayaa xukunkaa ka dib sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan.
Hay’addaha xuquuqda aadamaha iyo wadamada taageera dawlada taagta daran ee Somalia ayaa hore u canbaareeyay xukunkaa, kuwaas oo ku tilmaamay mid tusaale u ah cadaaladda maxkamaddaha dawlada Somalia.