Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah Ardeyda dhigata dugsiyada sare eeHargeysa kuwa ugu caansan.

 

 

Ardeyda oo ay kulanka Madaxweynaha ku wehelisay wasiiradda waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, waxay ka kala socdeen dugsiyada sare ee ay dawladdu gacanta ku hayso, kuwaa oo ay ka mid yihiin labada Dugsi ee ugu caansan ee Faarax Oomaar Secondry School iyo Maxamuud Axmed Cali Secondry School iyo sidoo kale Dayib Guray Secondry School iyo 26 June Secondry School.

 

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyey shir soo dhaweyn ah oo uu xarunta madaxtooyada ardeydan ugu qabtay ayaa sheegay in ay tahay markii u horeysay ee ardeyda dugsiyada Sare soo booqdaan madaxtooyada si ay ula socdaan habsami u socodka shaqada qaranka loo hayo.

IMG_9693-300x200

“Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa waa markii u horeysa dhalinyar idinka oo kale ah timaado madaxtooyada, isla markaana aad daawanaysaan habka iyo nidaamka loo shaqaynayo, waxaanay taasi muujinaysaa in dalkan la wada leeyahay, halkana kolay qaar idinka idin ka mid ah uunbaa fadhiisan doona Insha Allah goorta ay doonto ha ahaatee, dalka idinka ayaa leh mustaqbalkiisiina waad tihiin, markaa aad baan idiinku soo dhawaynayaa xafiiska madaxtooyada” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyey ardeyda dugsiyada sare.

 

IMG_9672-300x200Madaxtooyadu waa madaxtooyadiini, madaxweynuhu waa madaxweynihiinii, wasiiradu waa wasiiradiinii, masuuliyiintu waa masuuliyiintii bari idinku wareejinayey, markaa cida ay meeshani sugayso mustaqbalka waa idinka” ayuu intaasi ku daray madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo).

 

Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay Iyaduna Inay aad Ugu Faraxsantahay Kulankan dhexmaray ardayda Iyo Madaxwaynaha.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *