somalimemo.netMuqdisho(ANN)Maxkamad ku taal magaalada Muqdisho ayaa Xabsiga kasii daysay haweenay dhibane  oo ay hore u xukuntay. kadib markii ay  kufsadeen malayshiyo taabacsan ciidamada dawlada Somalia.

Maxkamadda Gobolka Banaadir  ayaa maanta go’aan ka gaadhay Kiiska haweenaydaa ay ku xadgudbeen ciidanka Dowladda, taas iyada iyo wariye  baahiyay kufsiga foosha xun ee haweenaydaa ay maxkamaddu hore u xukuntay.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in Luul Cali Cusmaan lagu waayay wax dambi ah kadibna xabsiga lagasii daayay,  balse waxa layaab noqotay  in 7 Askari oo kufsaday Haweenayda aan dambigii laga galay maxkamadda lagu soo qaadin ku sheegta lagusoo hadal qaadin, iyadoo dhinaca kalena wariye C/casiis Koronto oo ku eedeysnaa in uu warbaahinta ka wareystay haweenayda lakufsaday lagu xukumay 6 bilood oo xadhig ah.laakiin qareenada u doodaya weriye C/casiis ayaa xukunkaa ka dib sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan.

Hay’addaha xuquuqda aadamaha iyo wadamada taageera dawlada taagta daran ee Somalia ayaa hore u canbaareeyay xukunkaa, kuwaas oo ku tilmaamay mid tusaale u ah cadaaladda maxkamaddaha dawlada Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *