Hadii aan  maanta iyo beriba qalinka u qaato  heerka ay marayso saxaafada soomaaliland  waa wax aan la tusalayn karin qaybaheeda kala duwan oo marnaba lagu soo  koobi karin  maqaal iyo maqaalo fara badan lagu daabaco website-yada, ama lagu qoray warsidayaasha afka soomaliga wax qora

kuwa ugu dheereya laakin waxaan isku dayay intii karaan kayga in aan  dulmaro dhamaan  qaybaha kala duwacan saxafada soomaliland gaar ahaan warsiyaasha warwarka soo tebiya oo aad moodo beryahan danbe in ay (sibad iyo jiir isku noqdeen hadba xukumadii timaada maalinkasta waxad maqlaysaa ama arkaysa Tafatirhi ama weriye ka tirsa website hebel ayaa xarunta c.i.d. ku xidhan .berigii hore  waxan moodi jiray markaan maqlo ama aan  arko weriya jeelka lagu siwado in dowlada hada uun xilka lagala wareegay ee horkacayay madaxweyne hore daahir riyaale kaahin in ay tahay dowlada ku siifowday cabudhin cagjuglayn saaxafada xorta ee soo tebisa warwarka ku salaysan xaqiiqa dhabta e kajirta goobaha lagu soo tebinaya warwarka lakiin maalinti loo dareeray dooshadii codbixinta  madaxtooyada soomaliland ee laga adkaaday dowladi sideeda sanadood  wadanka soo Talinaysay waxa niyadayda ku jirtay in maanta meeshi ka baxday  colaadii hore uga dhaxayn jirtay dowlada hore  iyo saaxafada somaliland

dowlada cusub ee xilka lawareegtay ee hor kacayo madaxweyne ahmed mohamed mohamud (siilanyo)  waxan islahaa waa dowlad udhalatay saaxafada laakiin waxad mooda durba dowlada cusbayd oo aan salba dhigin in qaybo kamid ah website-yada soomaliland muran xoogan ka dhexe. hadaba akhritayaal ma is waydiisay sababta mar walba  dowlada iyo website-yadu isu haystaan.

khaldaadka weriyaashu u sameeyan sitoos ah iyo dadbanba

Saxafada soomaaliland waxay lasoo baxday hadii ay tahay. wergeysa-yada ,idaacaha.Tvyada dhaqano ka baxsan xeer saxadafa oo hore loo arkin jirin tusaale ahaan waxa waxyalo .yaryar oo sidaas .weyn in ay saaxafadu buunbuuniso.oo ka dhigto,dhibaato weyn samaayn ku yeelankarta degan.ka ay kadhacday.waxa kale oo jirta in saxafada laftigeedu u kala baxday mucaarid iyo muxafid oo qaarna tageeran dowlada halka qaar kale ka tageeran mucaaridka maalin walba iyo habeen walba aflagaado.dusha uga tuuran madaxda dal usaresay oo ,taas oo cadowgaagu kusoo qoslaayo hadii aad madaxda dalka waxba kama jiraan kasoo qaado.ee waxan odhan saxafadu ,hakala saarto mucaaradnimo iyo xaqiiqda marnaba yaanay ka tegin milgaha.maamuska saxafada sii loo aqoonsado.oo warkooda la dhagaysto.

dhanka dowlada marmar qaarkeed oo dowlada xidhxidho weriyayaal.

saxafada somaliland  waa saxafad xor ah oo aan caadadis, hanjabad midna lahayn  marka laga reebo marar qaarkood l weriyashu fidiyaan warwar keeni kara isku dhac,laba belood .laba shakhsi iyo ciidan. tusaale ahaan waxan maalin  dhawayd website-yada somaliland lagu fidiyay war laga soo xigtay shebekada warwarka somalilandpress warkaas u dhignaa in amar madaxweyne somalilnad ku siiyay  ciidamada qaranka soomaaliland ee ku sugan duleedka magaalada buuhoodle in ay werar ku qaadan buuhoodle ,warkaas oo hadana waxba kama jiran ku sheegay afhayeenka madaxtooyada  abdilahi cukuse ., hadaba warwarka ku salaysan mala-awaalka iyo kutara-kuteenka .waa sababaha keena in ay dowladu isticmaasho gacan maroodi lagu qabqabnayo,weriyaashi ama website-yada daabacay  warwarkii kaleexsan xaqiiqda dhabta ah .

Gunti iyo gebbadi maqaalkayg waxan ku soo afmeeraya in dowlada dhowrto shurucda caalamiga ah saaxafada xorta utaala.

,saaxafa midbaan leeyahay ,weriye kasta ha ogaado in uu xanbaarsan yahay masuuliyad, suxufinimo taas waajibkeedu yahay in howshisa uguto sidaacadnimo iyo hufnaan ku dhehan tahay,oo anu marnaba ku kicin,shaqsigan baa xisbigaga ,ah.iyo kana xisbi kale

mohamed cabdi caynab “taygar”
bilaal_85@hotmail.com
abudhabi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *