Maxkamad ku taala dalka Sweden ayaa ku xukuntay midkiiba xabsi afar sano ah labo nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin xarakada Al-Shabaab.Waxaa lagu kala magacaabaa labadan Nin ee dhalinyarada ah oo Soomaali ah ayaa magacyadoodu
kale yihiin, Bile Ilyaas Maxamed iyo Maxamuud. Aabaha dhalay Maxamuud ayaa ku tilmaamay xukunka maxkamadda inuu yahay cadaalad darro, isagoo sheegay inuu aadna uga xun yahay go’aanka ay gaadhay maxkamadda dalka Sweden.
Wuxuuna sheegay inuu rafcaan ka qaadanayo oo aanu sidaa kaga hadhi doonin xukunka xabsiga ah ee lagu riday wiilkiisa gudaha dalka Sweden.
Labadaa Nin waxa lagu xukunkaa lagu riday. Kadib markii lagu soo ooogay dacwad ka dhan ah, taas oo lagu eedeeyay inay xidhiidh dhaw la leeyihiin kooxda xarakada Al-Shabaab ee Somalia, kuwaas oo sida lagu sheegay eedaha dacwadaa mar ay safar ku tageen gudaha Soomaaliya ay booqdeen deegaanada ay maamusho Al-Shabaab.
Aabaha dhalay Maxamuud waxaa uu sheegay inuu la socday wiilkiisa markii uu imanayay gudaha Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay in aanay eedahaasi noqon karin kuwo qiil u noqonaya in denbi looga dhigo inuu tegey Soomaaliya sidaas darteedna xabsi loogu xukumo.
Waxaa beryahan soo badanayay xukun ku fulinta dhalinyaro Soomaali ah oo ay sameynayaan maxkamadaha dalalka dibadda, dhalinyaradaa oo lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab, ama shebekada urur weynaha Al-qaacida.