-
Published On: Wed, Aug 17th, 2011

AF-HAYEENKA IYO INTUU U WARAMO BY, Axmed Nagaashe-Niarobi-Kenya

Smiley face
Share This
Tags

Safarkii madaxwaynuhu ugu baxay socdaalkii Shiinaha ayaa daaha ka rogay fadeexado la yaab leh oo in muddo ah ku huursanaa xafiisyada
saraakiisha madaxtooyada qaarkood iyo garasho la’aanta in badan oo

warbaahinta dalka ah.

Waxa la yaab ah runtiina fadeexad ku ah qaran doonaya inuu dunida ka mid
noqdo, waliba ay haatan golahiisa xukuumada  ku jiraan aqoonyahannadii
ugu badnaa ee marqudha wada shaqeeyaa, in ay illaa haatan garan
laayihiin inay hagaan saraakiisha iyo xafiisyada ay bulshada u mariyaan
warbixinaha loogu talo galay inay gaadhaan bulshada dalkan iyo guud
ahaanba dunida inteeda kale. Waxa kaloo nasiib darro ah in dalkan ay ka
jiraan warbaahin aad u tiro badan oo had iyo goor ku dooda inay yihiin
xirfadleyaal madaxbanaan oo ay muuqato in intooda badani aanay raadin
karin xaqiiqo muuqata, iska daa inay daah furaan wax inaga qarsoone.

Qormadani maaha dhaleecayn, waase dhaliil gacaltooyo iyo muwaadin
damqaday dareenkii, waana afeef aan jeclahay in sideeda loo dareemo. Aan
u dego fadeexadan iyo sidii ay karaamada wadanka iyo sharafta
madaxwaynaheenaba u dhaawacday waxay tahay iyo inta ku eedaysan.

Dib u dhacii duulimaadka diyaaradii qaaday madaxwaynuhu wuxu keenay in
ay diyaaradaasi fadhiisato magaalada Dire Dawa ee dalka Ethiopia goor
danbe oo fiid ah, iyagoon waxba iska waydiin sababta iyo sida ay
arrintaasi ku dhacday ayaa in badan oo warbaahinteena ahi, ay markiiba
ku macneeyeen khilaaf ka dhex dhacay duuliyihii diyaarada iyo waftigii
uu qaadayay. Waxay ku dareen af lagaado fool xun oo ay sharaftii qaranka
erayo aad u fool xun ku dhaawaceen. Garoo hada waxay inna leeyihiin waa
xorriyad iyo warbaahin madaxbannaan waxayse muujiyeen sida ay uga
arradanyihiin wadaniyada iyo ixtiraamka ummadooda iyo garasho la’aanta
ka haysata raadinta xaqiiqo muuqata. Waxa kale oo ay intaa ku dareen
faallooyin aad u liita oo ay kaga dhigeen socdaalkii madaxwaynaha mid
shakhsiyaad maalqabeeno ah oo gaara loogu dan quminayo.

Eedda ugu wayn, hadaba, waxa iska leh af-hayeenka madaxwaynaha oo
muujiyay in aanu waxba badan dhaamin yar yarkan qaladka ka fahmay
macnaha warbaahinta madaxa bannaan. Sarkaalka qabanaya shaqadani waa
inuu ogaada in looga baahanyahay, garasho, xogogaalnimo, deganaan, iyo
xulashada erayo hufan. Waa markii labaad ee inta aan qof ahaan xasuusto
uu galay qalad aad u fool xun oo muujinaya sida aanu garasho badan ugu
lahayn xilkiisa iyo raadinta xogta oo ku yar. Garan maayo gudoomiyihii
ururka saxafiyiinta Somaliland iyo tifaftire wargaysna waa ahaan jiraye
sida wax u hoos mareen! Mise tolow markiisa horeba wuxu ahaa uun mid ka
mid ah warfidiyeenkan aan dhaliilayo!

Markii ay warbaahintan aan dhaliilayaa la soo xidhiidheen ee ay
waydiiyeen waxa keenay in diyaaradii madaxwaynaha siday ugu baydho Dire
Dawa ayaa af-hayeenku wuxu ugu jawaabay, waa siday fidiyeen
warbaahintuye,  in hadii gabalba dhaco aan diyaaraduhu fadhiisan
airport-ka wayn ee magaalada Addis Ababa oo aan waliba loo ogolayn
diyaaradaha transit-ka ah!!! Isagoo is leh marlabaad war ka bixi
madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wuxu intaa raaciyay in madaxwaynaha la
dejiyay huteel meeqaamkiisu sarreeyo, intaa wax macno leh oo kale kuma
darin.

Hadii uu af-hayeenku waydiin lahaa saraakiisha duulimaadka ee wasaarada
duulista hawada dalka waxa xaqiiqo ah inuu heli lahaa xog faahfaahsan oo
maangal ah oo uu dadka iyo warbaahintaba u sheego: diyaarada
madaxwaynaha qaaday waxay ahayd diyaarad yar oo ah nooca ku duula jooga
hoose oo lagu hago aragtida duuliyaha ama ay yidhaahdaan waaxda duulista
diyaaraduhu Vissual Flight Rules (VFR) taas oo macnaheedu yahay in aanay
diyaaradan yari duuli Karin marka gabbalku dhaco ee madawgu daaho
dunida, maadaama aanay lahayn qalabka lagu duulo ee lagaga maarmo
aragtida duuliyaha. Waxa kale oo jiray in madaxwaynuhu sidii qorshuhu
ahaa dib ugu dhacay shaqada uu qaranka u hayo darted taasina ay keentay
inay diyaaradan oo ku duusha joog hoose xawaaraheeduna koobanyahay aanay
suurto gal u ahayn inay sii wado duulimaadkeeda, waxa kale oo iyana uu
duuliyuhu ku xisaabtamayay cimilada iyo dhulka buuralayda sare ah ee ay
ku taallo Addis Ababa iyo xogta uu ka helayay xarutna hagidda
duulimaadyada ee Ethiopia oo sida muuqata ku wargalisay in aanay
cimilada iyo xaalada markaa jirtay aanay saamaxay in xataa uu isku soo
biimeeyo garoonka Addis Ababa sidaa darteedna uu u weecdo magaalada Dire
Dawa oo aad ugu dhaw Hargaysa diyaaraduna gaadhi karaysay xilli iftiin
ah. Intaa kooban isagoo ka heli kara saraakiisha duulista hawada ee
Somaliland, ayuu af-hayeenku doortay inuu isku qaado oo ka warbixiyo wax
aanu ka warhayn, taas oo muujisay in xafiiska af-hayeenka madaxwaynuhu
aanu ahayn mid gudbin kara fariimaha madaxwaynaha, isla markaana ka
arradan doonista xogta uu u baahanyahay iyo halka laga heli karoba.
Qasab maaha in aad wax walba garan kartaa, waxase muhiim ah inaad garan
karto sida aad ku kelayso xogta aad u baahantahay, waa hadii aad tahay
suxufi u laylyan mihnadan, amaba guud ahaan ( Public relations and
communications)

Waxa kale oo iyana maalmo uun ka hor  af-hayeenku galay gaf kale oo aad
u fool xun waa markii uu ka warbixinayay waxqabadkii dawlada mudadii
sanadka ahayd ee ay xilka haysay. Marka horeba, inuu isagu hawshaa isku
qaado  may ahayn maadaama uu yahay isagu af-hayeenka madaxwaynaha oo
keli ah, hawshani waxay ku fiicnayd inay ka warbixiyaan wasiirka
warfaafinta somaliland ama sarkaal ka tirsan wasaaradiisa oo uu u
xilsaaro mar hadii ay xukuumadii oo dhami waxqabadkeeda soo bandhigayso.
Taasi waa mid guud, waxase la yaab lahayd in saxafiga wayn ee
af-hayeenka madaxwayna ahi sheegay waliba ku adkaysay arimahan: in
markii u horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay xoghaya guud ee
qaramada midoobay 9 July 2011 markii madaxwayne Siilaanyo kula kulmay
Jubba Ban Ki-moon; in markii ugu horraysay madaxwayne Somaliland la
kulmay wasiir arrimo dibadeedka Britain oo ahayd markii madaxwayne
Siilaanyo Addis Ababa kula kulmay William Hague iyo arrimo kaloo badan
oo aad u qosol badnaa.

Wariye ka mid ahaa warfidiyeenkii warbixinta dhagaysanayay ayaa isagoo
yaaban waydiiyay af-hayeenka, si uu malaha u hubsado inay halmaan hadal
ahayd iyo in kale, inuu ka warqabo in aanay ahayn markii u horraysaye ay
tahay kulan uu madaxwayne ka mid ah madaxwaynayaashii Somaliland la
yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo wasiiru arimo dibadeedka
Britain, ayaa wuxu su’aalay sida la isku waafajin karo  hadalkii
af-hayeenka ee maalintaa iyo kulamadii muddo hore ay la yeesheen
madaxwayneyaahsii Somaliland ee kala danbeeyay: Madaxwayne Cigaal oo la
kulmay xoghayahii guud ee hore Kofi Anan iyo kulankii uu Madaxwayne
Rayaale la yeeshay wasiir khaarajigii horee Britian David Miliband.
Af-hayeenku si kalsooni ah ayuu ugu jawaabay in aan waxaasi dhicin oo
aanay jirin waxa wariyahaasi sheegayayna ay tahay uun been uu ka soo
akhriyay websit-yo aan lagu kalsoonaan karin balse warkiisu yahay biyo
kama dhibcaankii xaqiiqada ahaa. Arintani waxay muujinaysaa in
af-hayeenu aanu wax badan kala socon taariikhda dalkiisa warna aanu u
haynin dadaaladii iyo socdaaladii madaxwaynayaashii horee dalku ugu
jireen suuq gaynta Somaliland. Su’aasha markaa qofku is waydiink araa
saw ma noqon karto: maxaa kallifay in xukuumadan dhan ee wada
aqoonyahanka ah iyo madaxwaynaheedan ruug caddaaga ahi ay xafiiskan cid
ku haboon u keeni waayeen, mise tolow qudhooda ayaa Doctorate-yadoodu
barakaysanyihiin?!! Mise tolow arrinku waa ula kacoo cid kasta oo markii
xisbigan talada hayaa mucaaradka ahaa sida sakhiifnimada ah wax ugu
caayi jirtayba waa inay xil helaan xataa hadii ay fool xumo u soo
jiidayaan qaranka iyo madaxwaynahaba? Ku darsoo waxa igu maqaal ah in
wafti ku suganaa London 18 May 2011  oo wasiiro ahaa kana mid ahaa
af-hayeenka madaxwaynuhu ay waxba u sheegi kari waayeen warbaahintii
Ingiriiska ee ka warbixinaysay bannaan bixii jaalliyada Somaliland ee UK
taasoo  keentay in dhawaqii dadkeenu meel dheer gaadhi waayay,… waa
badheedhee kama aha xukuumada iyo madaxwayne siilaanyo waxani garasho
la’aan!!!

Xafiiska protocolka iyo guud ahaanba hab dhaqanka wasiirada qaarkoodna
waa inoo qormo kale  iyo dhaliil gacal tooyo.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>